Yaabka yaabkiisu waa markuu qalbigaadu ku xabiso


Waxaa dhacday nin aan saaxiibo nahay hadana aan meel kawada shaqayno inuu maalmahan shaqada imaan waayey.  Marki aan waydiiyay maamulka shaqada ayaa la ii sheegay inuu soo wacay oo uu xanuunsado. Anigoo  ka murgaysan waxa helay saaxiibkayga ayaan wacay balse telefoonka igama qabanin. Marki shaqadi dhamaatay ayaan soo aaday meeshi uu deganaa si aan u soo booqdo. Marki aan imid gurigiisa oo aan muddo garaacaayey oo aanu furayn ayaan soo xasuustay inaanu cidna iridda ka furin ilaa uu daloolka ka yara arko cidda ay tahay. Waxaan wejigayga ku aadiyay daloolka anigoo hubey inuu eegayo cidda taagan ilinka.

Isla markiiba waa uu furay oo igu yiri, “war doqonyohow sow ima baran inaanan iridka ka furayn cid aanan arkin.”

Hadlkan waxaa iiga yaab badnaa ninkan inuu xanuunsanyahay ku tirinayey waaba iga firfircoonyahy nin meeli xanuunaysana qaabkiis malaha.

Sheekadan ayaa na dhex martay aniga iyo asaga.

Aniga: War horta Salaamu calaykum.

Saaxiibkay: wacalaykum salaam.

Aniga: War ninyohow see tahay xageese lagaa qabtay?

Saaxiibkay: Saaxiiboow, meel layga haayo ma jirto balse waa aan feejiganahay oo waxa soo socda ayaan u jeedaa.

Aniga: kuma fahmin.

Saaxiibkay: Ninka caqliga badan waa dhiifoonyahay oo dhibaatda meel fog ka soo muuqata ayuu arkaa.

Anigoo amakaagsan oo aanan fahmin meesha ay wax u socdaan ayaan ku iri, “Dhibaatadu maxay tahay.”

Saaxiibkay: Oo ma maqlin miyaa waxa ka dhacay South Africa?

Aniga: Oo ah?

Saaxiibkey: nin cadaanka ah ee la dilay ma maqlin miyaa?

Markaasuu inta kursiguu ku fadhiyay ka istaagay soo fujiyay warqad uu internet-ka ka soo daabacay iguna yiri aqriso. Asagoo hadalkiisi sii wata ayuu yiri, “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: GEERIDI GALBEED KA DHACDA GONDAHAADA KA EEG.

Aqristow hadaba iyadoo kooban wixi warqaddu ku daabacnaa waa tan ee aqriso.

Waxaa dhowaan lagu dilay dalkaasi South Africa nin lagu magacaabo Eugene Terreblanche oo ahaa dadki hogaamin jiray urur cunsuriyadda aad ug horeeya oo layn jiray dadka madowga ah. Ninkan waxaa dilay laba nin oo madow ah oo u shaqaynayey kuna dilay gurigiisa sida la sheegay muran dhex maray kadib. Ururka Afrikaner Weerstandsbeweging oo uu ka tirsanaa ninkan waxay ballan qaadeen inay u aargudi doonaan. Booliisku wuxuu sheegay inay xiranyihiin labadi nin ee dialy ninkan.

Markaan dhamaystay aqriski sheekada ayaan anigoo yaaban ku iri saaxiibkay, “ OO sideebay kuu qusaysaa arintan ka dhacday South Africa?”

Saaxiibkay: Saaxiib miyaadan ogayn in ninka cad meel walba uu joogo uu isu danqado oo ninka meeshaas ku dhintay laga yaabo in aniga mid madax maran oo halkan jooga iigu aaro. 

Aniga: Oo hadda waxaad shaqada u soo wacday waa sidaas miyaa?

Saaxiibkay: Haa, maxaa ku jaban?

Aniga: Ilaa iyo goormeee ayaad  shaqada  ka maqnaan doontaa?

Saaxiibkay: Inta ay arintan ka degayso oo aanan jaraaidka aduunka dib loogu soo qoraynin.

Anigoo nafteeda la hadlaya ayaan isku iri ama inta nin madow oo aan asaga ahayn la dilayo sidaasna aarsigi ku dhamaaday. Dadka waxaa kicinaya oo isku baabinaya waa jaraaidka. Waxay u xardhayaan sheekada si lama filaan ah si ay u kiciyaan dadka oo isaga horkeenaan.

Aniga:  Saaxiib, ma waxaadan ogayn inaad gabaadkaada ku dhiman karto hadii eebe kuugu talogalo oo malagu aanu meelna kugu dhaafaynin.

Saaxiibkay: Dhimashadu waa ay kala wacantahay.

Aniga: Saaxiib waan kaa sii tegayaa ee ilaahay haku caafiyo.

Saaxiibkay: Maxaad ii inkaaree?

Aniga: kuma inkaarin ee waad jirantahay ee dhakhtar tag.

Saaxiibkay: hadaad feejignaashada aad u aragto xanuun waa howl adiga kuu taal.

Sidaas ayaan ku macsalaameeyay saaxiibkay oo uga tegay anigoo amakaagsan.

Aqristow ninkan waa nin yaab leh. Waa nin u dhexeeya ama gurigiisa ama shaqada. Hadda ka hor markay dhacday 9/11 ayaan sidan oo kale u waynay aniga iyo saaxiibo kale oo badan. Markaan gurigiisa ugu tagnayna wuxuu ku jiray xaaladan oo kale asgoo aan shaqo tegin muddo saddex bilood ah. Waxaan akhbaar uga helay nin ay deris iyo saaxiibba ahaayeen inuu kalaho subaxdi haduu rabo inuu kasoo adeegto dukaanka cuntada. Marki lawaydiiays sababtana wuxuu ku jawaabay, “shartu waa ay soo barqo kacdaa marka intay jiifto ayaan ka hoos baxayaa.”

Sida uu hadda ii tusiyay waraqadda daabacan ayuu markaasna inoo tusiyay jaraaid fara badan oo ka hadlayay xaaladda markaasi jirtay.

Waxaan xasuustaa markuu bilaabay inuu banaanka u boxo ayaan maalin u nimid si aan usoo wada qaxwayno. Marki aan bexaynay ayuu waxuu soo qaatay Tape koolo leh oo uu saddex meel uga dhejiyay meesha ay albaabka iyo derbigu iska qabsadaan. Markaan waydiinay sababtana wuxuu ku jawaabay, “haddii cidi gasho guriga waa ay jaraysaa tape-kan maadaama aanay feejignayn sidaasna aan  ku ogaanayaa in la soo galay guriga gadaashay.”

Aqristo arintan yaabka leh waxaa laga yaabaa inay haysato dad fara badan oo aad qaar taqaano. Hadii ay taasi jirto waa arin ilaa xad la daawayn karo. Hadii aanan la daawayn waxaa laga yaabaa inay waalato qoftu amaba ay is disho iyadoo aanan u dulqaadan Karin kuwan ku daba jira amaba cabsida ay ka qabto in dhib wayn oo naafo ay meel la fariisato u gaysta.

Aqristow intaan sii socday ilaa aan xaafaddaydi ka gaaro waxaa igu soo noqnoqonayey ninka hadalkiisi balse hal oraah ayaa mar walba maskaxdayda ku soo maaxata oo ah ninka cad meel walba uu joogo waa uu isu danqadaa. Markay taas igu soo dhacdaba waxaan is waydiiyaa hadii ninka cad oo aduunka ku kala firirsan haddana billion ku dhow tiro ahaan uu isu danqado oo danaha midka jooga Ustria iyo kan jooga Ustralia ay ka wada shaqaynayaan maxaa innaga oo ah toban million keliya lehna hal waddan, hal diin, iyo hal luqad inoo diiday in aan isugu danqano  oo daneheena uga wada shaqayno?  Su’aashaas  jawaabteedu waa mid u taal qof walba oo Soomaali ah.

Wixi talo iyo tusaale ah ku soo dir: wacyigelin@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: