WAA KUMA SOOMAALI?


KOLKAAN ARKAY KADEEDKA UMADDA LOO GEYSTAY

KOLKAAN ARKAY KUMANAANKA QALADKA LOO LAAYAY

KOLKAAN ARKAY KUWA DALKII IIBSADAY

KOLKAAN ARKAY KUFAARTA KUWA RAACAY

KOLKAAN ARKAY DIIN DAWLADNIMO KUWA KU  DOONAY

KUUR GAL DHEER KADIBNA OGAADAY

KUWAAN DAMAC QABIIL INUU KU JIRO

KOLKI KUWI DIKRI JIRAY DABAMIISHAAR XABASHI QAATEEN

KADIBNA MELESKA BARASKA QABA MUCAAHADO LA GALEEN

KUWAANOO DUUBKI DIINTA XIRAN BALSE DAN KALE WATA

KUWAANOO KAARE AXMAARO IYO KALASHINKOOFKEEDI WATA

KOLKAASNA HADAFKOODUU YAHAY KUFARADA KU DABA SUJUUDA

KUWAANOO DOWLADNIMO KU DOONA KALSOONI AY KA HELAAN

KUWII DORAAD DADKI DUKANAAYEY DAARTA EEBE KU DHEX GOWRACAY

KUMANAAN KALENA U LAAYAY MAGACA SOOMAAL DARTIIS

KAN DOWLADNIMADA SHEEGTA EE KOODKA ARIN KASTA U TAGA ADIS IYO

KAN METELA MELES EE KUNA DOODA ANAGAA DANTIINA WADNA EE

KAALINTEENA DOWLADDA HA NAGLA SIIYO KOLKAAS

KAAD DOONTAAN AYAAN IDIIN AYAAN KURTA KA JARAYNAA

KOLKAAD DOONTAANA KOODKA AYAAN IDINKUG KEENAYAA

KUWAAN SIDDAS KU DHAAFAYE KUWA KALENA ILA EEGA

KUWA KALENA GOWRACA DADKEENA AYAY GUUL U MOODEEN

KOLKAAN ARKAY RAGGI SHALAY DIINTA U DOODAYEY OO

KUMANAAN DOOLAR KA LEEXISAY JIDKI TOOSNAA

KOLKAAN ARKAY KUWA BASAASIIN AH KUNA ANDACOODA

KUWA IRHAABIYIIN AH AYAA JOOGA DALKEENA

KUWAANOO KU QARAABTA DAADINTA DHIIGGA UMADDA

KOLKAAN ARKAY CAALIM CEEBTIISU NOQOTAY

KULMINTA KUWAY ISKU QABIILKA YIHIIN KELIYA

KUNA GUUBAABIYA GARADARO WAX KU DOONA

KOLKAAN ARKAY WAALID AAN CARUURTIISA KA NIXIN

KANA CELIN INAY QABIIL U DAGAALAMAAN IYO QAB QABLE

KOLKAAN ARKAY CADAAWADDA INA DHEX TAALA

KALA FOGAASHADA DADKEENA KUNA SALAYSAN QABIIL

KADIB ARAGTIDA DHAMAAN WAXAA KOR KU SOO SHEEGAY

KOLKAAS AYAAN ISWAYDIIYAY KUMAA SOMAALI AH?

KUU DHAAFAY JAWAABTA ADIGEE IIS SHEEG

KUMAA SOOMAALI AH?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: