ISAGA OO GABOOBAY!!: Qiso xiiso badan, Hadaad tahay qurbo joog ku waano qaado


Tareenkii buu halhaleel ku soo fuulay. isagoo kolba tiir cuskanaya ayuu salka la tiigsaday kursigii ugu dhowaa. Warfaa culays aanu qaadi karayn baa saaran, koodh culus, funaanad ka hoosaysa, koofiyad iyo gacmo gashi ayuu ku hilan yahay. Xilliga jiilaalka ah dalalkan Yurub wax ka qabow badan. Gacmuhu way gariirayaan, lugahana wuu qaadi kari laayahay.

Wuu garan laayahay goor cimrigiisu intan gaadhay, goor uu sidan u gaboobay. Isagoo xooggan oo xawli ku socda uun buu garanayaa. Hadduu dib u eego gugii dhalashadiisa todobaatankii buu baarka jaray. Wuxu xasuustaa noloshii macaanayd ee ay soo wada mareen isaga iyo Alle u naxariisaydii, ooridiisii suubbanayd.

Adduunyo!! Muxuu maalmo macaan soo maray. Intuu dalkiisa joogay wuu tirsanaa, dadkiisa ayuu u tirsanaa, qadarintiisana wuu ku lahaa. Maalintuu qurbe soo galay farxad uga weyni may jirin. Soddon jir xooggan oo xarrago badan buu ahaa. Wuxu ku indho qabowsan jiray xaas iyo saddex carruur ah oo lix jir ugu weyn yahay.

Hankiisa iyo hammigiisuba wuu fogaa. Inuu dalkiisa wax u soo barto, u soo shaqaysto oo waxtaro ayuu ahaa. Wuu kaga dhabeeyey doonistiisii. Inuu dego ama ku sii raago qorshihiisa may ahayn. Markii guyaashu la sii durkeen wuxu go’aansaday inuu carruurtiisa yaryar iyo xaaska qurbaha u soo raro si ay meel u wada ahaadaan.

Meel la soo wada deg oo la isweheshay. Sidaa ay tahay marnaba maankiisa kama madhnayn inuu maalin uun dalkiisa u guuro. Horto carruurtu waxbarashada ha dhammaystaan waad guuri doontaaye, jaamacado ha ka baxaan ilaa ka ugu yari. Maalinba maalin bay u sii dhiibtay.

Fari togdheer bay kula xushaa baa xaalkii noqday. Soddon iyo shantaa gu’ ee uu dibedda degganaa wuu xiiqsanaa, muu dareemayn maalmaha sida hillaaca ku maraya, saacado uu shaqo ku sii jarmaadayo, shaqaynayo, ka soo socdo iyo saacado uu daallan yahay baa waqtigiisii noqday. Dhaqaale iyo kaydsi way kala tageen oo telefoonka xoolo doonka ee sokeeyihii dalka ka soo dhacayaa waxay u oggolaan waayeen wax kayd ah oo xisaabtiisa ku hakada.

Hadday ogaan lahaayeen tacabka iyo rafaadka uu ku soo saaro dhaqaalaha yare e uu helo!! Nin dhergay oo ku wadhwadhay baa loo haystaa.
Mar haddii noloshiisu iska deggantahay, carruurtuna wax u baranayso muxuu ku fali wax dhigasho ma sokeeyihiisa oo baahan buu ka adkaysan karaa? Sidaas buu nafta ku seexiyaa.

Farxaddii way isa sii dhimaysay gu’ba gugii ka dambeeyey. Waayuhu u daranaa. Wuxu noqday nin aan cidba u tirsanayn. Sidaas ayaabu dad ugu roonaa oo wuxu ahaa nin xoogsada…. cid talo weydiisa waa ugu dambaysay lama yaqaan. Ummad aanu u tirsanayn buu dhalasho aan sax ahayn la wadaagaa. Waa duul bilaa abtirsiin ah, odayga saddexaadba lama dhaafo.

Waxa Tareenka ay ku kulmeen odaygii Raage oo isagu waddo kale oo nolosha ah qaaday. Raage inkastoo ay isku magaalo deggan yihiin haddana goor iskugu dambaysay lama yaqaan. Iswaraysi daaye laba erey ka badan la isma dhaafsan. Noloshan baa sidaa u qaabaysan oo qofba tiisaa cuslaysay. Kulanka Raage wuxu xasuusiyey rag badan oo ay isku fac ahaayeen waa hore burbur qoys iyo balanbal ku dhacay oo Tareenka nolosha ka daatay.

Wuxu xasuusiyey hablihii ay isku kacaanka ahaayeen oo iyana waa hore dabayl raacay. Cidiba kama noola cidihii uu garanayey, tafiirtoodiina waxay la falgaleen ummado kale oo waxba soomaalinnimo uguma filna.
Warfaa intuu waddooyin tiro badan oo isku meel gaynaya buu kala dooranayey. Waa waddooyin inkastoo ay kala qodxo badan yihiin inta jidka lagu jiro haddana meel isku mid ah ku gebegeboobaya oo way isku soo dhacaan. Jidka aad raacdaaba ka kale waa la mid.

Maanta oo uu gaboobay. Weli nolosha wuu jecel yahay, wuu sii jeclaanayaa marba marka ka dambaysa, gabowgu wuu sii jeclaysiinayaa nolosha, geerida wuu ka baqayaa, wax badan umuu sii diyaarsan, imikana awood badan malaha, welina uma diyaarsana. Degaankan uu joogo ayaan uba saamaxayn.

Soomaalidu aad bay u degtay dalkan iyo dalalkan kale ee reer galbeedka oo dhan. Si ahaan way isa soo urursadaan, si ahaanna way kala tagsan yihiin. Wixii noloshooda halkan ku saabsan way isla kaashadaan. Waxay ku kala duwan yihiin aragtida ku aaddan dalkii, aragtida siyaasadda, aragtida nolosha. Reer reer bay u sii qaybsan yihiin, haddana jilib jilib bay u sii kala fadhiyaan.

Siday sidaa u yihiin baa waayuhu u run sheegaa. Waxa u sii nugul dumarka da’ yarta ah oo iyagu dhalanteedka nolosha run mooda oo aan tumaatida horeba ka soo hadhin, waxa ku xiga ragga mashaqaystayaasha, wax matarayaasha ee loo yaqaan fadhi ku dirirka. Raggaasi waxay noqdaan dibi foofay weyli kama dambayso. Hadday reer lahaayeen iyo haddii kaleba nolosha macno darro ayey ku idlaystaan.

Soomaalidu masaajiddo badan bay dhisaan. Ma hubaan in ubadkoodu ku tukan doonaan. Ma diyaarinayaan dadkii la wareegi lahaa. Waa looga dheereyey gacan ku haynta ubadkooda. Waxa uga dheereeyey nidaamka iyo qaab nololeedka dhulkan yaal. Faraha wax badani uguma jiraan. Qoysas badani way kala tegeen, way kala dhaqaajiyeen.

Dadka waaweyni way jecel yihiin inay dalkii dib ugu noqdaan mase noqon doonaan, hadday noqdaanna way soo noqon. Way ku xab bururiyeen meeshan, way ku bashiishteen. Iyagu noqosho ayey ku fikirayaan laakiin ubadkoodu ma noqon doono. Taas waa la hubaa. Nolol kale ayey yeesheen. Marka fasaxa dalkii la geeyana way soo nacaan. Waa la soo nacsiiyaa, lamana soo dhoweeyo. Waxay arkayaan carruur caytamaysa iyo dad waaweyn oo isdagaalaya. Dhulkan ay joogaan kumay arag cid is dagaalaysa iyo cid iscaayeysa midna. Badownimo iyo ceeb baa loo yaqaan. Malaha waa meelaha dhaqanka dunidani kaga wanaagsan yahay dhaqankii dalkii loogu sheegay inuu yahay kii hooyo.

Waxay ahayd inay soo jeclaadaan oo inay dal leeyihiin ogaadaan. Ujeeddada loo geeyeyba sidaas bay ahayd. Wayse ku hungoobeen. Nacaybka ay ka soo qaadeen dib loogu hagaajin maayo
Dunida sidaas ah buu arkayaa Warfaa. In badan buu isku deyey inuu wax ka beddelo. Waqti iyo dedaal badan buu geliyey. Wuxu arkayaa cimrigiisii oo gabaabsiyey iyo sida isbeddelkii uu ku taamayey aanay waxba uga soo naaso caddayn.

Waa kan oo maanta carruurtiisii uu ku tabcay waxbaratay, dunida kala gashay. Samatar oo curadkiisii ahaa wuxu u shaqeeyaa shirkad weyn oo Maraykan ah, wuxu guursaday gabadh Koonfur Afrikaan madow ah; Xaddiyo waa dhakhtarad ka shaqaysa dalka Australia, waxay u dhaxday nin Swedish ah; kuwii ka yaryaraana sidaa xaalkoodu kama dhaco.

Carruurta wuxu u bixiyey magacyo soomaali ah, halkaas buu soomaalinimada ka taagnaa. Warfaa, isagu, waa ka halkan keligii ku dacdarraysan. Daryeel ma haysto. Islaantii ay dhaxanta iska dugsanayeenna hortiibay aakhiro u hoyatay. Carruurtiisa waxa keliya ee uu ku qabaa waa sheegasho inuu dhalay. Iyaga noloshan ay ku koreen waxay bartay inaan waalidka wax weyn loo arag, ay tahay uun in marmar telefoon lagula hadlo.

Hadduu dalkii ku noqdo cid kaga horraysa ma leh. Halkanna joogiddeeda wuu garanayaa. Wuxu ogyahay in dhowaan lagu tuuri doono guryaha dadka waaweyn lagu xannaaneeyo. Waxa loo qaban doonaa shaqaale daryeela. Shaqaale aan ehelkiis ahayn. Kuma farxi doono arrintaa. Carruurtiisu sannadkiiba marbay soo booqan doonaan hadday u bataan.

Ma xannaano aan ehelkaa kula joogin baa xannaano kuu ah?

Waalidkii gacantiisa ayey ku go’een.Isagaa gacantiisa ku aasay. Aabihii iyo hooyadiiba waxay ifka kaga tegeen iyagoo carruurtoodii iyo sokeeye oo dhammi hareera joogo.

Maanta waa maxay nasiib darrada ka xun halkan oo wadku ka helo?
Cidlo ku bakhti sow noqon maayo?
Ma sidaasuu adduunka kaga tegi?

Himiladiisu ma ahayn inuu sumadlaawenimo dunida kaga tago. Waxa u guntanayd odhaahdii soomaaliyeed ee ayeydii ugu celcelin jirtay. Odhaahdii ahayd ‘waari mayside war ha kaa hadho’
Wuu ogaa inaanu waarayn, waxase maanta uu arkaa inaan war ka hadhayn oo uu sumadlaawenimo, magac xumo ama magac la’aan dunida kaga tegayo isagoon dadaalkiisii wax raad ah reebin.

Maxaa qaldamay buu isweydiinayaa. Wuu ogyahay inaanu dadaal yarayn. Wuu ogyahay inuu waxbartay, shaqaystay, maalin keliyihi ciyaar ku dhaafin oo uu fadhi kudirirka ka dadaal duwanaa, ka nolol duwanaa, ka fikir duwanaa, maantase si isku mid ah ay dunida uga tegayaan.
Ma dadaalkiisa ayaa qaldanaa? Ma dawga uu maray baa qaldanaa, mise meesha uu isbedelka ka samaynayo ayaa meel qaldan ah? Nolol aan tiisii ahayn buu dhisayey, dal aan kiisii ahayn buu ku waayo seegay!!!

Hadduu dadaalkan dalkiisii ka samayn lahaa wuu hubaa inuu ka midho dhalin lahaa. Laakiin dadaal kasta oo uu isku dayo inuu dalkan shisheeye ka sameeyo waa u badheedhid ka hortagga mawjado caabbi badan. Mawjadahaas baa dadaalkisii hafiyey oo waxba la’aan ka dhigay.

Wuxu arkaa inuu meel qaldan dadaalkiisa geliyey, inuu tacabkiisu ku qasaaray meel aanu ka lib keeni karin.

Waa inuu wax u sheego kuwa ka dambeeya, laakiin waa goorma, waa gabbal dhac…wuxu ku gam’ay kursigii Tareenka. Inay gama’ tahay iyo inay suuxdin tahay lama oga. Hadduu gama’san yahay inuu ka soo toosi lama oga, hadday suuxdin tahayna inuu ka soo miiraabi lama oga!!!Hadday tiisa noqoto meel lagu aasi lama oga!!! Shalay iyo hawl adduun, hankiisu miyuu fogaa!!!
WAA QALINKII IYO FIKRADII:
Xasan C. Madar
nabaadiino@yahoo.com
WAXAA LAGA SOO GUURIYAY BOGGA URURKA WADANIYIINTA SOOMAALIYEED.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: