Waddani iyo Wadaniyad: Waxaa qoray Maxamed Mosal


 
 
“Waddani iyo Waddaniyad” waa labo magac oo aad iyo aad muhiim ugu ah mujtamac walba oo ku nool dunida, waxaana dhici karta in ayba aas aas u yihiin nooca xaalada nololeed, mida horumar ee ay ku noolyihiin iyo xitaa mida ah yoolka ay tiigsanayaan mujmacaasu.

Hadaba intaanan dhex galin (Waddani iyo Waddaniyad) waxa ay yihiin bal aan marka hore qeexno waa maxahy Waddani iyo Waddaniyad kadibna aan ka jawaabno su’aalaha ah

1) Maxay ku kala duwan yihiin Waddani iyo Waddaniyadi?
2) Hadaan nahay soomaali ma haysanaa dadkeedii?
3) maxaa inaga maqan oo hadaan helno ay Soomaaliya u soo baxayaan dad ku sifaysan waddaniyiin?
4) Shucuubta aduunka heer keen kaga jirnaa xiligan marka laga hadlaayo waddaninimo?
5) hada ka hor ma jiray xili ay soomaalidu ku sifaysnayd heer wadaniyad ah ama ay kaga jirtay liistka shucuubta waddaniga ah caaradka hore?

Hadaan isku dayo inaan qeexo labadaa eray anigoo ku hormaraya Waddaniyadda waxaan ku qeexilahaa sidatan

(1)Waddaniyad:

Waddaniyad waa dareen ay ku dheehantahay dal jacayl,dad jacayl iyo udaacad noqosho Dalkaaga iyo dadkaagaba , adigoo rumaysan kuna kalsoon in aad ku taagan tahay wadadii saxda ahayd, ayna tahay wixii ugu fiicnaa ood ku dhaqaaqi lahayd xiligaas. Hadaba sifooyinkaas iyo qaar kale qofkii laga helaa waxay u dalacsiinaysaa inuu ku sifoobayo inuu yahay qof Waddani ah.

(1.1)Waddani:

Waddani waxaa ah qofka nool, waana xaalad dareen oo gudahaaga ku jirta ayna la socoto kalsooni iyo iimaan ah in aad ku taagan tahay waddo saxa dhankasta oo aad ka eegto.

kalsoonidaas aad kuqabto waxa aad tahay iyo waxaad samaynayso waxay horsed u noqonaysaa sifooyin kale oo lagu yaqaano qofka waddaniga ah kaliya waana kuwan:

 Qofka waddaniga ahi wuxuu ka hormariyaa dantiisa tan dalkiisa iyo dadkiisa isagoo aaminsan tiisu inaysan kamaamin tan guud oo la helo
 Waddanigu wuxuu ugu dulqaataa dalkiisa markuu caano yareeyo ama marxalad qalafsan uu ku jiro oo dalku aanu kusiin Karin waxyaalaha xiliga barisanmaaad ka aad ka heli jirtay ama aad uga baratay inaad ka hesho
 Waddanigu isma waydiiyo dalkaagu muxuu kuu qaban karaa ama ku tari karaa? LAAKIIN taa badalkeeda wuxuu is waydiiyaa Dalkaaga maxaad u qaban kartaa adigu?

 Waddanigu goobkasta oo uu joogo iyo nooc walba oo uu yahay (gude ama dibad, arday ama shaqaale, rag ama dumar) waa waddani waxaana lugu yaqaanaa in uusan ka marnayn farahana ku hayo wax dalkiisa iyo dadkiisa anfacaya mar walba si hagar la’aan ahna ugu shaqeeyo
إن الله يحب إذا عمل أحدكم عملا أن يتقنه…… وفي لفظ أخــر ,إن الله يحب من العامل إذا عمل أن يحسن ؛

Haddaba su’aasha markiiba madaxaaga kusoo dhacaysaa waxay tahay sifooyinkaa aan kor ku soo sheegnay imisa ayaan leeyahay anigu? Waa su’aal noo furan dhamaanteen.

(2) Jawaabaha su’aalihii aan hor ku soo xusay intooda kale (2,3,4, iyo 5) duuduub baan uga jawaabayaa anigoo ku hormaraya jawaabta su’aashii ahayd “Annaku hadaan nahay Soomaali ma haysanaa waddaniyada dadkeedii ?”

Waxaa hubaal ah inaan haysano dadkeedii, waxaa dhici karta in qaarkiin uu is wayiido Mosal muxuu ku xaqiijin karaa taas?. Waa su’aal meesha ku jirta mudanna inaan cadeeyo.

Waxaynu wada ogsoonahay ilaa iyo intii aanu ka soo gaarnay taariikhdii dadkii soomaaliyeed ee inaga horeeyay khaasatan xiliyadii gumaysiga madow iyo kan cadba ay dalkeena damaaciyeen in ay soo bexeen dad badan oo muujiyay sifooyinkaas aan kor ku sheegnay iyo kabadan ba, sidoo kale waxaa jira qaar maantadaan la joogo u guntan farahana ku haya arimo wadaniyadi ay ka muuqato miithaal ahaan hadaan xuso showr qof kaliya:

1) Ahmed Gurey
2) Sayid Maxamad
3) Elman Cali Axmad
4) Drs Xaawo Cabdi dhiblaawe
5) Dhalinyaradii SYC/ SYL
6) Kuwii naftooda u huray dalkooda xiliyagii gumaystaha halganka lugula jiray
7) iyo kuwo kale oo badan…………….+
Dadkaas waxaan wada ogsoonahay mid dantiisa gaarka ah kaliya u socday inuusan ku jirin go’aanadooduna waxay ahaayeen kuwo kusalaysan heer Soomaalia ama qaarkood kaba fog xitaa waxaana hubaal ah in ay tahay waxa aan u baahanahay hadda inaan ku dhaqaaqno kuligeen.

Elman iyo Drs Xaawo oo iyaku xiliyadaan dambe waddaninimo ka muujiyay dalkeena dhexdiisa hadaan wax yar kaxuso

Elman Cali Axmad

Taariikhda Elman Cali waad ka wada dharagsantihiin baan filayaa laakiin waxaan rabaa inaan ka eego dhinac kale:
 Waxaan wada qirsanmahay in Elman uu ahaa qof dalka iyo dadkaba anfacayay intuu noolaa
 Waxaan wada qirsanahay inuusan wax ka bur burin dalkiisii inuu dhiso mooyee
 Waxaa huubaal ah inuu qaar kale u noqon doono miisaal ay ku daydaan

 Waxaan wada qirsanahay in duruufta uu ku dhex shaqaynayay ay ahayd mid aad u adag ayna u muuqatay isagaba in noloshiisu khatar ku jirto marar badan, LAAKIIN aan is waydiinee inagu hada, ma haboonayd xiligaa inuu faraha ka laabto howshii uu waday oo uu ilaashado naftiisa oo ah waxa qofka ugu qaalisan ee uu haysto ?.. waxaa hubaal ah in jawaabtiinu tahay wuu ku saxnaa inuu wado howsha uu u guntaday.

Drs Xaawo Cabdi dhiblaawe:
Drs Xaawo iyadana waaad wada taqaanaan waxayna ka mid tahay dad farakutirisa ee maanta hadaan soomaali nahay ku faani karno, in badan waxaan dhihi karaa waxaa hubaal ah in ay manta jiraan dad badan oo soomaali ah oo jecel in ay kaga daydaan xaawo wadaniyadda iyo wax qabadka.

Xaawo waxaa laga yaabaa markay bilaabaysay aroorinta dadkeeda in dad badabni ay u arkayeen qof waalan ama qof hiigsanaya wax aan suuro gal ahayn ama qof aan danteeda garanayn…..IWM, laakiin manta mirihii waanu wada aragnaa, Soomaaliya haday hesho boqolaal xaawo oo kale ahna waxaa hubaal ah in isbedelka dhici karaa uusan u baahnayn sharaxaad badan

Xaawo iyo Elman iyo kuwo kale oo farabadan laakiin laga yaabo inaanan aqoon aniga waxay jawaab u yihiin dadka iswaydiinaya soomaali hadaan nahay ma leenahay wadaniyiin ??

Runtii waxay isoo xasuusiyeen Xaawo iyo Elman xikmad carbeed oo ahayd (Hdaadan aduunyada wax ku soo kordhinayn Ogow inaad adigu marka dulsaar ku tahay
إذا لم تزد في هذه الدنيا شيئا فأعلم أن زائد عليها

Maah maahda soomaaligana waa tii ahayd “ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay” waa labo micne’ oo aad isugu dhaw.
Gabogabo
Waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkaygan, talooyin inawada khuseeya qofkasta oo soomaali ah jecelna wadankiisa inuu sidan ka boxo:

 Marka hore marna ha yaraysan waxa aad qaban karto ama badali karto.
 Marka xiga waxaad isku daydaa in aad noqoto qof mushtamiciisa faaiido u leh meesha uu ku noolyahay.
 Marka xiga Iskuday mar walba ood wax go’aansanayso in go’aanadaadu ay noqdaan kuwo ka sareeya heerka HALQOF (naftaada oo kaliya) iskuna day inaad kor u qaado si uu dalkaagu wax ugu yeesho.
 Marka xiga ogoow inta qodob een kor ku sheegnay mid kasta in aad awoodo hadaad go’aansato.
 Ogoow muhiimadda ay leedahay in marka hore dadku isku geeyo fikirkooda kadibna cududooda, si tilaabadoodu mid taaba gal ah u noqoto(waana tan Ururka Waddaniga Soomaaliyeed uu doonayo).

Waxaa qoray Maxamad Mosal
Mosul_73@hotmail.com
WAXAA ISKA LEH BOGGA URURKA WADDANIYIINTA SOOMAALIYEED

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: