HADII AAN ABUU DARDAA XIKMADIISA MAQLI LAHAYN ISKUMA XADGUBNEEN


Abuu Dardaa , ilaahay ha ka raali noqdee, oo ka mid ah saxaabadi nabiga naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee wuxuu ahaa nin aad u xikmad badan. Sidoo kale wuxuu ahaa nin aad u qaderiya aqoonta oo aad wax ubarta. Wuxuu aad ugu dadaali jiray cadaaladda asagoo weliba gaar ahaan uga digi jiray dhibka iyo dulmiga loo gaysto dadka aan awood ay isku difaacaan lahayn.

Abuu Dardaa, Allaha ka raali noqdee, wuxuu yiri,  “Waxaan aad uga caroodaa inaan dulmiyo shakhsi laakiinse waxaan intaas kabadan sii caroodaa marka qofka aan dulminayo  a ma ku xadgudbayo uu yahay qof aan ii kaashanayn ilaahayga wayn ee sareeya mooyee cid kale (taasoo ow ula jeedo qof tabar daran oo aan lahayn cid u hiilinaysa ilaahay ka sokow).”

  Wuxuu dadka uga digay inaanay ku kadsoomin dadka ducafada ah oo aanay ku xadgudbin iyagoo aaminsan inay yihiin kuwa keliya ee wixi la doono lagu samayn karo. Wuxuu xusay inay dadkan ducafada ah ay leeyihiin awood tan ugu saraysa oo ay ilaahay kuu tala saaranayaan una gardhiganayaan.

Sidoo kale xadiithul qudsiga wuxuu ilaahay subxaanahu wa tacaalaa ku yiri “Dulmi naftayda ayaan ka xarimay, adinka dhexdiinana waan ka xarimay ee ha isdulmina.”. marka hadii ilaahay sidaas leeyahay taas waxay cadaynaysaa inaanu dulmigu wax sahlan ahayn oo qofki ku kacana cawaaqib xumo kala kulmayo ama aduunka ama aakhiraba.

Maxaa dulmigu ku batay dalkeena oo la daciifsaday dadka aan awood ay isku difaacaan aan lahayn. Maxaa qof loo dulmiyay qabiil dartii ama in la qaato xooleheeda. Maxaa kibir dartii loo dhibaateeyay mid aan is difaaci Karin amaba naftiisa loo gooyay. Haddaba ilaahay ma ilowsana waxaas dhacay oo dhan oo waxaaba dhici karta waxa uu dalku u degi la’yahayba in ciqaab eebe na haysato.

Waxaan filayaa inay muhiim tahay inaan isu dardaarano ka fogaashada dulmiga guud ahaan gaar ahaanna dulmiga dadka aan is difaaci Karin. Ilaahay waa aqbalaa inkaarta dadka daciifka ah waana ku dhecee qofki dulmiya ama hasoo daahdo ama ha soo degdegtee. Haddaba waa inaan iska ilaalinaa dulmiga dadka kalena.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: