NIN TOOSAN XAL LAGU TARTAMO MA U ARKAA KA TANAASULIDDA JIRITAANKA “SOOMAALIYA”


Waa gef iyo meel ka dhac ku meermeeraysiga ka hadlida xalka Somaliyo oo lagu xiro shakhsiyaad imaanayo oo tegayo, mid walbana tartartan ugu jiro hanashada hogaaminta Somaliya iyo noqshada kii soo hooyo guul ay Somaliya ka gaarto dib u soo noolaynta dowlad Somaliyeed iyo sharafki ummaddaan ama kii noqdo mid ku howl-gala ama lagu howl-geliyo dhibaataynta ummadda Somaliya ,midda kale xaqiiqana ah waxay tahay mid horay noo soo maray iyo mid dhimanba ma jiro hogaamiya Somaliyeed oo maanta si madaxbanaan ku hanan karo mansabka u sareeyo ee dalkeena, taasna daliilka ugu fudud oo aan idin siinayo wuxuu yahay, muxuu Dr Maxamud M Culusow ka doonay Addis-ababa kolki ay xabashida ciidankeeda maroogsinka dhigteen magaala madaxda ummadda Somaliyeed “Muqdisho” ,wallow ay xabasho ku hungowday danteedi iyo tii loo soo dirayba waayo iyada kaligeed kuma dhiiran gelintaanka caasumadeena .waxaan rabaa in aan Dr. Maxamud M Culusow weydiiyo inta aanan hoos ugu gudbin qoraalkan guntiisa ,Saaxibow wax nooga sheeg adiga iyo odayaashi halkaa kuu raacay maxaa kala soo kulanteen Addis-ababa, maxaasa u doonteen halkaa haddii ay idinka idinka timid iyo haddii la idinkugu yeerayba?

Dr Maxamud M Culusow iyo shakhsiyaad badan oo la mid ah sida Prf Abdi Ismail Samatar xeel ma laho,xoogna ma-laho, xogna ma-laho ,xodxodashana ma-laho waxaa intaa u dheer Garna ma gasho garna kama baxdo ,qoraaladooda iyo hadaladooda waa joogto aanan marnaba lahayn nuxur iyo tilmaan cad oo loogu soo hagaago, waxayna badankooda salka ku haayaan eedeyn dhamaadkeedu yahay bookti ma bogsoon, xuruuftooduna tahay haan ma buuxshe ,magacana badankoodu waa ka Doktoor, caqligana waa ka qabiiliiste ama mansab ma ka heshaa kooxdan ama taas iyo sidaan rabo ha lay yeelo, dareenkoodu waa ka maqan-tahay bushikeena waa labaatan jirsaday , weli ma aynan garan Cali Mahdi waa daawade ,Caydiid waa xijaabtay, Cabduqasim,Ina Galayr iyo Xasan Abshir waa ma quustayaal oday Siyaad meel kaga dhacay , Cali Geedi waa la siibay, Cabdullahi Yusuf waa ka hoos baxday ,Xabasho iyada waa ismoog ,oday Nuur Cade sidi wax loogu diray waa looga helay , Ugaandeeska iyo Burundi waa Nuur-cadayaal,Ariteree waa caruur jingeeda iskala weyn, Aweysna waa xaalkiis mooge ku waashay fulaan waa gaal ,Godane war isuma haayo , Shongole ma yaqaan dhanka laga jiro ,Abuu Mansuur waa nin aar ku jiro, Macalin Xaashi waa mooryaan hore ,Cali Raage iyo Cali Xuseyn waa adeegayaal wacan, Riyaale iyo Faroole manaasibkooda waa sugayaal qoraxda Muqdishu dhankeey ka soo baxaysaa,Axmed Calin waa ku dayasho iyo iska yeel yeel ,Shariif Xasan isagana waa dumyo(Boombalo) dadka Libaax looga dhigay, ina Cabdirashiidna waa meeshiis ku suge xarigi lagu khaarijin lahaa inta laga tidcayo. Dr. Maxamud M Culusow, Prf Abdi Ismail Samatar iyo ragga la midka ah intaa keddib weli ma aynan garan Shariif Shiikh Axmed ha laga warsugo halka la mariyo iyo halka uu wax mariyo, ama la imaada wax ka duwan waxay na bareen cadawga ummaddeena ama aamusnaanta noogu roonaada.

Raggan aan soo tiranay geddigood kuma jiro nin isaga kaligii awood u helay gaariista mansabka uu haayo isaga oo aanan la kaashan ciyaaryahannada aanan muuqan iyagana dowr weyn ku leh dhibaatada dalkeena ka aloosan tan iyo inti awooda laga faramaroogsaday rejiimki Maxamed Siyaad allah ha u naxariistee.

Kuye waa Dr Maxamud Culusow, xalka lagu tartamayo waa ka tanaasulida jiritaanka Somaliya ,saaxibow horta maxaan gacanta ku haynaa oo aan ku tartanaa ,miyaadan ogayn in ay Ninki heleen, ninka ay u arkeen in uu yahay kay rabeen oo kula socon karo maslaxada ay dalkeena ka leeyihiin,dadkiisa iyo dalkiisana wax u qaban karo waa sida ay iyaga u arkaane ,dalkana awalba ma maqnayn ,xuduudihiisana waa macruuf, waxaa su’aal u baahan dadki Soomaaliya lahaa mee?

Su’aal kale oo iyada lama huraan ah waxay tahay ,annaga, waa Soomaliye; maxaa inoo diiday in aan u istaagno helitaanka hogaamiya ka madaxbanaan liiska howlwadeenada calaamadaysan iyo kuwa tartanka ugu jiro in iyaga la calaamadeeyo, laguna yiraa waa adiga ninki aan doondoonaynay in muddaaba. Somaaliyey maxaa inoo diiday helitaanka hogaamiya dib u soo nooleeyo sharafti ummaddeena isaga oo kaashanayo dadkiisa ,iyagana ay diyaar ula yihiin gacan buuxdo oo ay taa ku siiyaan ,jawaabta su’aashan waxaan u daynayaa aqrisatayaasha ,laakin waxaan ku darsanayaa; ogow inta aadan ka jawaabin su’aashan waa in aad jawaab u heshaa horta waayo cadawga dalkeena iyo dadkeena ?.

Aan yara xooga wax ka taabto doqonka saxaafada Soomaliya inta aanan u gudbin gunta qoraalkaan, ummaddan cadawgeeda koowaad ee isu kaashtay daadinta dhiiga dadkeena ,burburinta waddankeena iyo barakicinta dadkiisa gudaha iyo dibadaba waa dadkeeda, waa midkeeda aqoonta leh ee aan ku kalsoonayn naftiisa,mansab iyo jaahna ku doonayo in uu ku gaaro magac qabiil ama u adeegida dadyow kale ee danahooda u taagan , ummaddan cadawgeeda koowaad waa saxafi doonayo in uu magac ku yeesho cayda dadka ,ka beensheegida cidwalbo oo aanan ogolayn qaabxuma u socodkiisa ,caadaysiga af-xumo,qadaf iyo buhtaan aanan loo meel dayin ,isku dirka dadkeeda qabiil ahaan iyo shakhsiyaad ahaanba, cayda hogaanka ummadda iyada oo aanan wax tixgelina la siinayn mansabka shakhsiga cayda lagala dul dhacay iyada oo lagu diidayo kaliya in saxafigan uunan dooqiisa ka helin sida uu shakhsigan wax u dhaqayo.

Umaddan cadawgeeda koowaad waa odayaashi dhaqanka oo kaalintoodi gabay si cadna aanan u sheegi Karin taa, ha gebaane waxaa wax walba inooga daran in ay soo baxeen odyaal afmiinshaara ah oo ku adeeganayo magacoodi, odayaashi hore wax ay ummaddooda u qabtaan iska-daaye waxay gebeen toodi khaaska u ahayd, waxayna badankooda baxsad ku joogaan dalalka deriska nala ah.

Ummaddan cadawgeeda waa wadaadadi laga rabay in ay ummaddan u iftiimiyaan macaanka diintooda,waxaa beryahan inoo soo baxday in ay iyagaba aynan badankooda aqoon fiican u lahayn caqiidada ay sheeganayaan taas oo ay u dheer-tahay iimaan-xumo sal u ah in ayba halki diin ka dhigeen tobaneeyo, ayagana ay ku kala biireen xisbiyo ka baxsan xayndaabka halka xisbi oo ay ummaddan ku abtirsado lana yiraa Islaam (إن الدين عند الله الإسلام ). Weliba wadaadan falalkooda qaar markaad hoos u sii dheehato waxaad shaashada ka arkaysaa in aynan xitaa war u hayn diinta yaa loo soo dejiyay ,yaa la gaarsiinayaa iyo waayo cadawga laga difaacaayo, goormase ruuxa beni’aadamka uu cadaw lagu dagaalo diinta Islaamka noqan karaa.

War ummad-yaheey ma ahan mid sahlan in ay maanta Somaliweyn meel isku-raacdo,kana soo dhalaasho la imaanshaha dib u-soo celinta dowlad Somaliyeed oo hay’adaheedi oo dhan wada shaqaynayaan, waayo waxaa dhax-yaal derbi aad u weyn oo aan annaga gacanteena ku dhisnay ,cadawgeenana ay ku xardheen kaa waa cadawgaada, kaa isku qabiil ma tihiin ,kan waa kii shalay walaalkaa riday ,kan waa kii xukunka ku maroorsaday xoog, reerkiinana gumaysan jiray ,kaa waa kii kaa soo barakiciyay xamar cade ,kaa waa kii aanan wax idinka siin midnimadi aad xamar geyseen, kaa waa kii diinta ka qaatay dal hebel ,iwm kaaaaaaaaaaaaaaa,kaaaaa.

Dad badan waxay u haystaan in dalkan u kala qoqoban-yahay DMQ ,Puntland, Somaliland, Galmudug land iyo Al-Shabaab land .wax yar isdeji ,in yar ka fikir madaxda hay’adaha aan kor ku soo xusnay marka laga reebo Al-Shabaab iyo Xisbul-islaam waxay si joogta ah ugu safraan debadda dalka ,hadaba isweydii yaa kharajkooda bixiya, xagey amarka ka qaataan, yey kala tashadaan meelaha ay safarka ku tagaan ama yaa u soo jeediyo halka ay safar u aadayaan una fududeeyo howlaha safarka iyo diyaarada ay raacayaan intaba ,iyaga Al shabaab iyo xisbu-islaam mugdi ayaa wax lagu siiyaa lagana yaabee in ay daaha gadaashiisa ugu jiraan isla kuwa gadaal ka maamulo maamuladan aan kor ku soo xusnay.runti Somaliya waa la kala qoqobay waxaysa ka kala qoqoban-tahay annaga oo kaliya(Soomaali), laakin waxaan la iska indha tiri Karin in geddigeenba hal gacan gadaal naga maamusho sida ay doontana ka yeesho hogaamiyayaasheena , Somalida waxay Tiraahdaa “waa tashanaynaa ,Ilaaheyna waa tashanaa ” wax walbana waxay ku dhamaanayaan sida Ilaahey ka doono ,Ilaaheyna wuxuu na baray in u xaqa mar walba garab taagan yahay ,haddaba sidaa daraadeed haddii aan u istaagno doonista wixi aan xaq u leenahay, waxaa hubaal ah in ay guusha innaga nagu danbeynayso, laakin haddii howsheena ku soo idlaato Fulaan waxbuu xadayaa, mansabkaana xaq uma leh iyo wixi la mid ah, howsheena dhamaadkeeda waa guul darro, tan macnaheeda ma’ahan in raali laga noqodo ruux fasaad ah laakin waa in loo istaago sidi dalkeena aan horta gacanta ugu dhigi lahayn keddibna uga sifeyn lahayn nin walbo oo lagu cadeeyo falxumo iyo fasaad taariikhda u gashay.

Hadda iyo gunta qoraalkan wuxuu yahay in shakhsiga Somaligaa uu Afar shay mid la yimaadaa

1) in uu istaago waddanka iyo dadkiisa kana soo dhalaalo wax u qabadka dadkiisa isaga oo aan xagxagan qeyrkiis.fiira gaar, waxaa jiro rag iyo dumar badan oo sidaa yeelay ,howla badana waddanka u qabtay, lana hubo howshey qabteen in ay iyada ka soo sara-mari-doonta wixi xun oo dhan.

2) Af daboolan dahab

3) In uu dowr ka qaato howsha socoto ,lana shaqeeyo kooxdi uu u arko in ay ku taagan tahay waddadi ummaddaan kaga bixi lahayd dib-jirnimada iyo kala qoqobnaashada. Waxaan uga jeedaa ruuxa beni’aadamkaa wuxuu ku haboon yahay in mowqifkiisa cad-yahay

4) Afar in uu dhaxdhaxaad ka yahay dhamaan kooxahan isku haysto gacan ku dhigida halbowlaha laga maamulo dalka Somaliyeed ,dhalishiisa iyo amanntiisana ku salaysnaadaan wax cad oo ay dan ugu jirto ummadda soomaaliyeed oo dhan.

Ujeedada qoraalkan waa sidee qoona loo xagtaa ilkana ku nabad galaan, Somaliyeey waxaa aad inoogu batay dad ku howlan dana gaar ah ,wax walbana u burburinayo sida ay ku gaari lahaayeen mid ka baxsan danta guud ee ummadda Somaliyeed ,Somaliweyn maanta waxaa la gudboon sidi looga bixi lahaa isdilka ,barakicinta iyo burburinta hantida guud iyo midda gaar ahaaneed ,taana waxaa lagu gaari karaa annagga oo dhan uga soo wada jeesana dowlad diid oo dhan ,waxaa looga bixi karaa annaga oo ku dhax milano dowladda si aan wax uga saxno wixi khaldan, waxna aan uga ogaana howsheena xagee laga shidaa si ay inta fiican u inqilaabaan inta xun ee u adeegto dana ka baxsan danta Somaliyeed waqtiga munaasibkaa, iyadoo weliba si aad ah looga fogaanayo isku dhac iyo ka hor’imaashada amaradda qaarkood adiga oo og in ay yihiin wax xun .

Waxaan aad ugu faraxsanahay in labadi sano ee u danbeysay in dalka debadiisa iyo gudihiisaba ay jireen waddaniyiin Soomaliyeed oo dadaal ugu jiro sidi uun mar loo soo celin lahaa xornimadi dalkeena, qoraal hore ayaan waxaan ku sheegay in Maxaakimti lix bilood lagu dagaalay xornimadi ay u heleen gaarista qaraaro aynan kala tashan cami-saam ,sidaa darteedna loo burburiyay iyado oo loo adeegsaday burburintooda kala fogaanshaha ay awlaba xaga aragtida ku kala fogaayeen iyo sida dalkan loo dhaqaayo.

Dr Maxmuud M Culusow,Prf Abdi Ismail Samatar iyo rag badan oo la mid ah waxaan ugu baaqayaa in ay ka soo laabtaan waddada qarda jeexaa oo ay u mareen gaarista waxay iyaga u yaqaanaan in ay u taagan yihin danta ummadda, balsa runti uu qeyrkood u yaqaano in ay u taagan yihiin cayda iyo ceebeynta ninkaan wax ka siin boobka kackada ummadda Somaliyeed . saaxibayaal ummaddan waxaa u soo baxay jiilal cusub oo aad u fahansan waddanka yaa dhab ugu adeegayo, yaasa lug-goysmadiisa ku taagan iyo gaarista dana xun-xun oo ku jiro gees fog.10/06/2010

Abadllah Moallim Maxamud
Cabdullahi Siyaasi
Moallem10@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: