DANEYSTAYAASHU WAA DUUL AAN DIIR NIXIN EE DAREENKEEDA LAHAW


Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ‘ahaato nabigeena dushiisa (SCW).

Qormadan hadii alle idmo waxaan ku lafa guri doonnaa qeyb ka mid ah cudurada haya dadka Soomaaliyeed ee burburiyey qarankoodii, welina hortaagan inay xal kama dambeys ah gaaraan.

Mayara cudurada haysta bulshada Soomaaliyeed, mana ahan wax qormo iyo laba toona lagu soo koobi karo, balse ila milicsada mid ka mid ah, anoo kuwa kale oo badan dib ka sheegi doona, hadii alle idmo.

Daneystanimo.
Dadka dantooda gaarka ah lagu tusaale qaadan karo waxaa ka mid ah.

1-Siyaasi.
Ma ‘ahan kuwan oo kaliya daneystayaasha aan tusaaleyn doono, balse bulshada ku hadasha quulaqada aan wax ku qorey mid kasta oo ka mid ah si uun ayuu danbtiisa gaarka ah uga hormariyaa tan guud.

2-Ganacsade.

3-Dhakhtar.

4-Aqoonyahan.

5-Urur iyo Qabiil.

Bulshada Soomaaliyeed asal ahaan waa bulsho reer miyi ah, xaalada miyiga ka jirtana waa mid ku dhisan dan gaar ah, reer miyugu waa ay kala fog yihiin xaga deegaanka, halka kaliya ee ay ku kulmaan waa ceelasha, iyo meelaha ay doonayaan inay ka qotaan baraagaha, marka ay goobahaas isugu yimaadaanna marar badan waa ay ku dagaalamaan, dagaalada Soomaalida dhex yaala ee xaga qabiilkana qeybta ugu weyn waxa ay ka timid ceel iyo dhul daaqsin ah oo laba qoys isku qabsadeen, ka dibna u gudubtay qabiil guud, kaasoo aan sheegi doono in danta qabiilka ay ka mid tahay waxa dalka dumiyey.

Markii Soomaalidu ay degtay magaalooyinka lama helin wacyi gelin wanaagsan, danta gaarka ahna waa ay la reer magaalowday, malaha tan ayaaba ka dhib badan tii miyiga, sababtoo ah tan danbe waxaa is dhexgalay danta gaarka ah iyo reer magaalnimada, waana ay adkaatay in la kala sooco.

Waxaa hubaal ah in qof kasta oo aduunka ku dul nool uu higsanayo himilo u gaar ah, isla markaasna uu leeyahay dano isaga u gaar ah, mana suuroobi karto in qofku danta uu leeyahay uu si sahlan u fuliyo, Diinta iyo Caqliga wanaagsanna ma diidayaan in qofku dantiisa raacdo, balse waa goorma? waa marka aan la dul mareynin dano guud oo umadu leedahay, isla markaasna dantu ayan ahayn mid xun.

Qofka Soomaaliga ah waa dantii yaqaan ku firfircoon higsashada hadafkiisa gaarka ah, marka la eego dadaalka qof qof ugu jira Soomaalida waxaadba is leedahay majirto umad ka firfircoon, malaha waxa ay ka duulayaan maahmaah Soomaaliyeed oo tiraahda ” Dantiis ma yaqaan Maro duug ah horteed buu dhamaadaa” iyo mid kale oo aan ka macno fogeyn oo tiraahda ” Dantaada maqaar Ey baa loogu seexdaa” Soomaalidu been waa sheegtaa, mase maah maahdo, waxaana hubaa in labadan Maahmaahyood ay qeyb weyn ku leeyihiin bur burka ku dhacay wadanka.

Siyaasigu waa kan ugu badiya dantiisa gaarka ah, waxayaabaha uu sameeyey ee lagu xusuusan karana waxaa ka mid ah inuu lacago ka soo qaato shirkado shisheeye kuwaasoo badda iyo berriga ku shuba sun khatar ku ah jiritaanka dadka iyo deegaankaba, waxaana intaa dheer in siyaasigu hadii la waayayo dalka oo dhan ay tiisa uga muhiimsan tahay.

Qof kasta oo Soomaali ah oo si fiican wax ula socda wuxuu tirin karaa tobonaan tusaale oo ku saabsan sida qofka siyaasiga ah dantiisa gaarka ah u yaqaano, mana iiga baahna inaan u tilmaamo tusaaleyaal badan.

Ganacsaduhu waa daneyste kale oo khatar ku ah dadka, wuxuuna dalka keenaa cuno iyo daawooyin dhacay, isagoo eegaya oo kaliya xoogaaga shilinka ah ee jeebkiisa ku dhacaya, waxaa kale oo ganacsatada lagu xusuusan karaa lacago been abuur ah oo ay soo sameyteen, taasoo dhib aanan soo koobi karin u geysatay bulshada jilicsan ee cid u naxeysaa ayan jirin.

Waa Ganacsade kan Mas’uulka ka ah xaalufka ku yimid dhulka, waxuuna dibadda u beec geeyey waxyaabo dhaxal u ‘ahaa dalka, sida dhirta oo la gubay, ka dibna dhuxul ahaan loo qaado, ugaarta oo dibadda loo beec geeyo, xoolaha nooca dhediga oo dalka laga xaalufuyo, iyo waxyaabo badan oo dalka uu lahaa, isla markaasna la wadaago oo ayan cidina gaar u lahayn.

Dhakhtarku waa dantii yaqaan kale, wuxuuna isagu ku caan baxay inuu qofka uu daweynayo ka eego waxa uu ka faa’iidi karo, waxaana in badan la wada ogsoon yahay in Dhakhaatiirtu ay leeyihiin Farmashiyeyaal, waxayna dadka u qoraan daawada taala Farmashihooda, iyagoo waxa ay eegayaan ay tahay oo kaliya lacagta ay ka helayaan daawada laga gadanayo.

Aqoonyahanku waa nin dadaal badan ku bixiya sidii uu aqoontiisa ugu adeegsan lahaa danihiisa gaarka ah, waxaana ay qeybtooda ka qaateen dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay, iyagoo mid walba uu la safnaa beesha uu ka soo jeedo, wuxuuna markaas u xamaasadeysnaa inuu fuliyo danta beeshiisa, waxaase la yaab leh in dadka aqoonyahanka lagu magacaabo ee Soomaaliyeed ay ku kasbadeen aqoonta ay leeyihiin inteeda badan dan guud, waxaana la tusaaleyn karaa in ay bilow ilaa Jaamacad ku dhigteen lacag la’aan.

Ururada waa laacibiin khatar badan, waxayna la soo baxaan farsamooyin ay danahooda ku qurxiyaan, waana daneystayaal badan oo isu tagay, kana khatar badan qof kaliya oo dantii yaqaan ah, waxaana hubaal ah in urur walba uu dantiisa gaarka ah ka door bidayo mida guud, hadii ay iska horyimaadaan danta gaarka ah ee ururku leeyahay iyo mida guud waxaa muska laga tuurayaa mida guud ee weli aan la haynin cid ka fekereysa.

Danta gaarka ah ee Ururka ama Xisbigu leeyahay waa mid ka khatar badan mida uu lahaa qofka kaliya, waana waxa ugu badan ee dalka dowladnimada u diidan dan gaar ah oo Urur gaar ah leeyahay, si kastaba Ururkaas ha ‘u qurxiyo fulinta dantiisa gaarka ah.

Qabiilka waa uu ka duwan yahay dhinacyadii aan wax ka soo sheegay, waxaana ku midoobay dhamaan qolyihii aan soo xusay, waxaana adag in la qeexo halka uu qabiilku ka bilowdo, maadaama wax badan la arkay qabiil marka hore meel ka soo wada jeeda, ka dibna dhexdiisa isku qabsada qabiil iyo Jufo.

Majirto hal dan oo ay leeyihiin xubnaha ku jira qabiilka, maxaa yeelay qabiilka waxaa dhex fadhiya, Siyaasi, Ganacsade, Dhakhtar, Aqoonyahan, Wadaad iyo qeybaha kale ee bulshada, kuwaasoo laga yaabo inay aad ugu kala aragti duwan yihiin waxa la odhanayo danta beesha.

Cida sida gaarka ah la moodo inay u matasho qabiilka waa siyaasiga iyo isinka beesha, mana badna amaba maba jirto meel ay ku kala maqan yihiin labadan xubnood, inta badanna xubnaha beesha inteeda badan waxay ku saf yihiin labadan Oday, qofka arka in labadan ay danta beesha meel xun ku wadaan ama ayan saxneynna waa qof falaago ah oo cid kale u shaqeeya, waa sida ay u ‘arkaan ama u tilmaamaan taageerayaasha labadan Oday.

Bulshada sidaas u dhibban ee noocaas u nool kii fursad hela wuxuu ku dadaalayaa sidii uu uga faa’iideysan lahaa, hadii xitaa dalka iyo dadka oo dhan loo waayayo isaga tiisa ayaa uga daran, mana yaqaan mid kale.

Dowladnimada waxaa in badan hortaagnaa dano gaar ah, waxaana laga wada dhergsan yahay sida leysugu qabsado jagooyinka miisaanka leh ee dowlada, waxa kaliya ee laga eegayana waxa ay tahay danta gaarka ah ee cid dowladnimo doon ay ka tahay majirto, hadii ay jirtana waa dhif iyo naadir.

” Hebel waa nin doqon ah, mana ahan nin wax loo dhiibi karo, maxaa yeelay wuxuu ka fekerayaa wax aan Soomaaliya ka shaqeyneyn, sidaas daraadeed nama meteli karo, hadhow ayuu diidayaa marka la yiraahdo beesha ayaa waxaan u baahan” ereyadaas waa kuwa caan ka dhex ah bulshada dhexdeeda, waxaadna aad u maqli kartaa marka wax la qeybsanayo ama la dhisayo dowladaha aan meelna gaarin ee loo dhisayey dalka wixii ka danbeeyey 1991-dii.

” Ninkaasi waa nin rag ah, si fiican ayuu wax u cunaa, wuxuuna ogolyahay in wax lala cuno, waa nin wax kala ‘og, magaalo hebla ayuu guri ku leeyahay, bangigana intaas oo lacag ah ayaa u taala, hadii berri xilka laga qaado waa nin meel wax dhigtay” ereyadaasi mayara inta aan ku maqlay dhaga rabi i siiyey, qof kastana malaha wuu iga badsadaa inta uu maqlay, mana ‘ahan wax ceeb ka ‘ah bulshada dhexdeeda.

Ka dar oo dibi dhal, ma moodaa in tani ay tahay mida ugu daran ee aanan anigu garan karin sida aan u sharrixi karo, tolow ila eega halkan, ninka raga ah ee la amaanayo waxaa lagu sharfayaa waa dantiisa gaarka ah, cida sidaas u amaaneysa ee laga yaabo inay u dagaalanto wax dan ah kuma qabto, marka laga reebo nin ay isku beel yihiin oo uu si weyn u cunno xoolaha umadu wada leedahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Waxa qofka aan iminka soo sheegay lagu amaanayo waa inuu dantiisa gaarka ah ka raacdo tan guud ee aanan anigu garaneyn cida laga dhowrayo inay qabato, iyo sida dalkan loogu wada noolaan karo iyadoo sidaas iyo si ka sii liidata la yahay.

Masaajida oo la wada ogyahay waxa loo tago inay tahay oo kaliya in Ilaahay lagu caabudo, marka uu qofku Masaajidka ku sugan yahayna waa marka uu ugu dhow yahay inuu dan guud ilaaliyo, maxaa yeelay waxaa laga bartaa Masaajidka sida loogu hogaansamo Madaxda iyo danta guud, waxaa tusaale kuugu filan sida halka Imaam loogu wada daydo, marka la hortaagan yahay rabigii na uumay ee Masaajidda loo soo galay in la caabudo.

Hadaba Meesha sidaas ah ayaa xitaa waxaad ku arkeysaa dad aan milicsaneyn danta guud, isla markaasna tooda ka raacanaya sidii iyagoo suuq jooga oo kale, waxaana ka mid ah tusaalayaasha cid walba fahmi karto.

Dabcan marka salaada loo yimaado Masaajidda waxaa jirta in laga soo galo ama laga baxo Masaajida irdo gaar ah oo loogu talagalay inay dadka wada isticmaalaan, mana yara inta aan dhaayaheyga saaray qof ku tukanaya halkii dadku ka bixi lahaayeen ama ka soo gali lahaayeen, qofkaasi waa qof Masaajidka u yimid inuu Ilaahay caabudo, balse wuxuu hadana rabaa inuu marka uu salaada ka baxo helo meel uu si fudud uga baxo si uu ‘u qabsado dantiisa gaarka ah, waxaana ku cadiban inta uu isagu dantiisa ka fekerayo dad badan oo xaq iyaguba u leh inay dantooda raacdaan, balse hadii qof walba uu tan guud ilaalin lahaa mida gaarka ahna waa ay hagaagi lahayd.

Markii ay Soomaalidu ka baxeen wadankooda oo ay dibadda u baxeen waxba kama baran sida loo ilaaliyo danta guud, waxayna iskuba dayeen inay cudurkii iyaga hayey baraan bulshada ay ugu tageen dalalkooda, waxayna taas badday inay arinkaas dhib badan kala kulmaan.

Tusaalaha ugu fiican ee qof wax garad ah fahmi karo waxa ay tahay, iyadoo uu meel fiican gaaray ganacsiga Soomaalida, gaar ahaan isgaarsiinta, shirkadaha xawaaladaha, warshadaha yaryar, dhismayaasha magaalooyinka ay degen yihiin qabiilada gaarka ah, waxaadse milicsataa waxaas oo dhan waa wax gaar loo leeyahay, ama shirkad gaar ah ayaa iska leh, ama qabiil gaar ah.

Dhinaca kale u imow Soomaalidu waa dad aad u faqri badan, waa wadanka aduunka ugu liita dhinac walba, waxaana hada caalamku kaba doodaa Soomaaliya inaan la dhihi karin wadan ee uu ka hoos maray wadannimadii.

Waxaa qof kasta uu markhaati ka yahay sida ayan u jirin wax la dhihi karo dan guud, majraan wadooyin, majiraan Isbitaalo, majiraan Iskuulo, majiraan ceelal la sameeyey intii ka danbeysay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, kuwaasoo u adeega dan guud, walow ay jiraan Iskuulo, Isbitaalo Naadir ah oo loo sameystay si gaar ah, balse si uun ugu adeega bulshada.

Magaalooyinka Soomaalidu degto in badan oo ka mid ah waa ay dhismeen burburkii ka dib, waxaana laga dhisay guryo qurux badan oo indhahaaga soo jiidanaya, balse nasiib darro majiraan wadooyin loo maro guryahaas, waxaana adag in hadii qof ku meydo laga soo saari karo ciriirga wadooyinka awgood, leysmana weydiiyo guryaha la qurxiyey xagee loo marayaa.

Fiiro gaar ah.

Macnaheedu maaha in qof kasta oo Soomaali ah uu yahay ama leeyahay tilmaamaha aan soo sheegay, balse waa sida loo badan yahay, waxaa jira Dhakhtar, Aqoonyahan, Ganacsade Oday dhaqameed iyo dad kale oo jeclaan lahaa in la helo dad ka fekera danta guud, isla markaasna intii karaankood ah dadaala, balse ma ‘ahan kuwa wax badan bedeli kara maadaama bulshada Soomaaliyeed ay la yaabaan cidii isku dayda inayba soo hadal qaado dan caam ah.

Gunaanad.

Waxaa hubaal ah hadii danta guud ay noqoto mudnaanta koowaad in mida gaarka ‘ahna ay hagaageyso, maxaa yeelay waxaa abuurmaya jawi ay ku suuroobi karto in la raacdo danta gaarka ah ee aan ka horimaaneyn mida aan ku boorinayo qofkasta oo si uun ugu diirnaxaya bulshada Soomaaliyeed ee ku ibtileysan iska indha tirida danya guud.

Hadaba hadii la doonayo in laga baxo u heelanaanta danta gaarka ah ee mashaakilka dhabarka u sooray umada ku hadasha afka aan wax ku qorayo, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo sidan.

1- In Masaajidda laga wacyi geliyo bulshada, loona sheego in umadu ay hal doon wada saaran tahay, isla markaasna ayan guul gaari karin in la wada jiro oo hal meel laga soo wadajeedo maahee, waxaana arimahaas ku tusinaya qur’aanka iyo sunada Nabi Maxamed (SCW).

2- In Iskuulada laga baro ardada ilaalinta danta guud, iyadoo la tusaaleynayo sida ay wax u bi’isay ku daahidda tanta gaarka ah.

3- In Warbaahintu ay ka shaqeyso wacyi gelinta bushada, iyagoo barnaamijyo qiima leh ka sameynaya ilaalinta danta guud, kuna casuumaya aqoonyahano si fiican bulshada uga raaridi kara khatarta ay leedahay ku foognaanta danta gaarka ah.

4- In la qabto siminaaro, aqoon isweydaarsiyo diirada lagu saarayo sidii bulshada looga daaweyn lahaa cudurka khatarta ah ee daneystanimada ah, si daawo loogu helo.

5- In qof kasta uu dib ugu laabto naftiisa kana baaro cudurkan halista ah ee aan waxba reebeyn, isla markaasna hadii uu iska helo ka daaweyo naftiisa, kana feejignaado.

6- In meelaha bulshadu isugu timaado looga hadlo danta guud, isla markaasna tusaalooyinka la badiyo si weliba fudud oo la fahmi karo.

7- In wax badan laga qoro wanaaga danta guud, isla markaasna laga digo dulinimada la dhaxli karo hadii danta gaarka ah leysku dayo in la dardarsiiyo mida guud ee aan ka hadlayo.

Qodobadaas iyo kuwa kale oo aanan xusin waxaan is leeyahay hadii la helo si uun ayaa wax u ceyman karaan, wax walbana waa isku day iyo dhaqan gelin, hadii la ogaado halka lagaa hayo waxaa hubaal ah inaad raadineyso daawada cudurka ku haya.

W/Q Maxamed Nuur Shire
mncismaan@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: