Akhlaaqda wanaagsan waa muraayada laga eegto horumarka shacabka


 
                                                              
Xasiloonidarrada ka oogan magaalada XAMAR iyo Koonfurta Soomaaliya waxay sababtay in shey walba siddii lagu yiqiin ay iska dhalanrogaan, tusaaale ahaan waagii berisamaadkii dalka waxaa ka jiray shineemooyin fara badan oo laga daawado aflaamta kala duwan sida filamadda maraykanka iyo kuwa hindiga oo xukumadii berigaa jirtay ku samayn jirtay faaf reeb kadibna loo gudbin jiray shineemooyinka ku yaalay XAMAR iyo gobolada dalka SOOMAALIYA.Burburkii qaranka kadib waxaa bedelay shineemooyinkii qolal la dhigay VEDIO waxa ugu badan ee lagu daawadona waxay ahayd aflaamta hindiga ee loo tarjumay af soomaaliga iyo filimo jinsiga ku saabsan kuwaasoo bulshada soomaaliyeed gaar ahaan caruurta ku riday dhaqan xumi ku baahday dalka iyadoo aysan jirin faaf reeb lagu sameynayo filimada.

Aflaamta hindiga ah ee loo tarjumay afka soomaaliga waxaa ku jira hadalo dadkii tarjumay ay qalad weyn ugu galeen RABBI S.W. waxaana ka mid hadaladaasi qaldan kuwan oo kalle;- waxaan ku dhaartay dhuuntayda ama luquntayda ama qoortayda ama dhahaya ku dhaaro madaxayga ama yiraahda caruurtaada ku dhaaro IWM taasoo ah denbi weyn waayo? waxaa lagu dhaartaa oo keliya waa magacyadda rabbi oo keliya, waxaad arkaysaa dhalinyarro iyo caruur sidaasi oo kalle samaynayaa, yaase leh dembiga oo la qeybsanaayo bulshada?.

Ilaahay ayaa mahad balaaran leh una sugnaatay oo maxkamadihii islaamka u soo diray bulshaddii ku dhunsanayd aflaamtaasi xun xun oo waxay albaabada iskugu dhifteen shineemooyinkii ka jiray XAMAR iyo gobolada koonfureed ee SOOMAALIYA , balse nasiib xumo bixitaankii maxkamadihii islaamka kadib hadana qaar ka mid ah dadka oo aan kala jecleen dhumitaanka bulshada oo eeganaya dantooda keliya ayaa durbaba biloobey ama furtay goobohoodii lagu daawan jiray aflaamta iyagoo eeganaya qadaadiicda ay ka helayaan gooboohooda aflaamta ay ku dhigaan.

Mar labaad bixitaankii ciidamadii itoobiyaanka ee xooga ku joogay XAMAR iyo gobolada koonfureed ayna la wareegeen goobihii ay ka bexeen itoobiyaanka xarakadda mujaahidiinta al-shabaab iyo xisbul islaam ayaa mar qura shaashadaha laga waayay goobihii lagu daawan jiray aflaamta, xitaa fariisimadda ay ka arimiyaan DFKG ee soomaaliya ayaaba laga waayay goobaha aflaamta cabsi dadka ay ka qabaan islaamiyiinta aawadeeda joojinta aflaamta waxaa soo dhaweeyay oo aad ugu riyaaqay bulshada intooda waxgaradka ah gaar ahaa waalidiinta iyagoo kuu sheegayaa walidiinta inay ku farxeen joojinta aflaamta iaydoo u sababeeyay in waxbarashdii ubadkooda ay soo hagaatay, kana neebsaday inay ubadkooda xadaan lacagaha guryaha yaala ayna nasiib u heleen inay is arkaan iyaga iyo ubadkooda waayo? waalidka wuxuu ku andacoon jiray markii ay furnaayeen meelaha lagu daawan jiray afdlaamtaasi inaysanba is arki jirin iyaga iyo caruurtooda ciyaalka waxy ku maqnaan jireen shineemooyinka waqtina uma go’neen habeen iyo maalin waxay ahayd isku mid ubadka wuxuu soo hoyan jiray habeen barkii aaabe oo hurda goormee ayaaba la is arkayaa? caruurtii lagu bahdilay filim aan wax dan ah ugu jirin iyo waalid la diraraya quutul daruuriga ciyaalkiisa ayaa hadda is helay waana ilaahay mahadiisa taasina.

Siddoo kalle waxaa fursad helay dhalinyarro wiilal iyo gabdhoba leh oo iminka ku jira waxbarasho ama shaqo iaygoo waalidkooda ku kaalmeyanaya xagga nolosha, aqristow waxcaad ogaataa haddii aan la xayiri llahayn aflaamta hindiga ee ku tarjuman afka soomaaliga iyo filimada kalle ee anshaxdarridda in dalkeena uu noqon lahaa ama la weyn lahaa dad aqoon u leh diintoda islaamka ah, dhaqankoodi bohol ku sii dhici lahayd, anshaxddaridana ku baahi lahayd qoys walba oo soomaaliyeed hoygiisa mahadaasi qaadirka ayay u sugnaatay.

WD:
Ad-ham Amiinullaahi Maxamed.
ad-ham@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: