MID KA MID AH DUMARKI UGU GEESISANAA WAQTIGI SAXAABADA IYO FICILkEEDI CJIIBKA LAHAA


Aqristow geesinimada, saqinimada, naxariista, iyo  weliba sifooyinka kale ee wanaagsan ilaahay ayaa  ciddi uu doono ku manaysta iyadoo aynan badnayn shakhsiyaadka ay sifooyinkaas oo dhan kuwada kulmaan. Haddaba sifooyinkaan ilaahay waa uu siiyaa rag iyo dumar intaba. Dumarka islaamka waxaa ku jira kuwa aad geesiyaal u ah jiil walba oo soo baxa iyagoo weliba ka muuqda mujtamaca ay la noolyihiin. Haddaba maantay waxaan jeclaystay inaan nawada xasuusiyo dhamaanteen shakhsiyaddan ku sifowday geesinimada baal dahabi ahna ka gashay taariikhda Islaamka. Qoftaan saxaabiga ah ee aan tilmaamayo waa umu saliim ilaahay raali ha ka noqdee. Arintan waxay la xirrirtaa dagaalki gaalada iyo muslimiinta dhexmaray ee la magacbaxay dagaalki Xunayn.

Furashadi Makka waxay dhacday sanadki sideedaad ee Hijriyada taas oo muslimiinta u ahayd guul wayn. Marki nabiga naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee ilaahay u furay Makka ayaa waxaa dhacday in ay qabiilooyin aad ugu xoog badnaa Jasiiradda carabta ay aad uga soo horjeesteen oo  ay aqbali waayeen in diintan cusub ay si dhaqsahaas leh ay gaarto guulo waawayn sida furashada Makka. Sidaas darteed, waxaa kulmay qabiilooyinka kala ah Hawaazin, Thaqiif, Nasar, Jusham, iyo kuwo kale iyagoo go’aansaday inay dagaal daran ku qaadaan Nabiga iyo Muslimiinta. Qabiilooyinkan waxay soo diyaariyeen dadkoodi ugu dagaal yahansanaa oo aad u fara badnaa.

Waxaa u soo baxay laba iyo toban kun oo muslimiin ah oo iyagu ahaa kuwi Makka furtay. Maalinkaas muslimiintu waa ay badnaayeen tiro ahaan marka loo barbardhigo tiradoodi dagaaladi horay udhcay sida dagaalki Badar. Waxaa dhacday inay muslimiintu is mahadiyeen oo ay isu arkeen inay guulaysan doonaan maadaama ay aad u tira badanyihiin. Waxay yiraahdeen, “Maantay tiro yari darteed nagoogala guulaysanmaayo.” Tiradoodu waxay halmaansiisay inaynan tiro wax tarin ee ciddi ilaahay ayido ay guushu raacdo. Haddaba si muslimiinta loo tusiyo inaanay tiro guushu raacin ayaa ilaahay imtixaanay .

Waxaa ku soo degtay ayaadda quraanka ee macneheedu yahay, “Xunayn marki aad ku faraxdeen tiro badnaantiinii  ha yeeshee idiinma tarin waxba dhulkuna wuxuu ballaar lahaa, idinku ciriiriyoomay, dabadeedna aad jeediseen dhabarka idinkoo carar ah. Dabadeedna Alle ku soo dejiyay sakiinadiisa (xasilooni, deganaan, iyo sugnaan) Rasuulkiisa Muxammed (Naxariis iyo Nabadgelyo Dushiisa ha ahaatee) iyo mu’miniintaba, oo soo diray ciidamo (Malaa’ig ah) aydaan arkayn, oo ciqaabay gaalada, waa sidaas abaalmarinta gaaladuye.”

Marki ay muslimiiintu soo gaareen mid ka mid ah waadiyaasha lagu magacaabo Tihaamah oo ay doonayeen inay ku sugaan gaalada ayaa waxaa dhacday inayba gaaladu uga soo horeeyeen waadigaas oo ay isku qarinayeen geedaha iyagoo aaladooda dagaal ay diyaar u tahay. Iyadoo muslimiinti aan dhiilo qabin ayaa gaaladi si lama filaan ah weerar daran ugu koobeen taas oo keentay inay cararaan.

Nabiga (Naxariis iyo Nabadgelyo Dushiisa ha ahaatee) ayaa arkay weerarkan kediska ah ee muslimiinta lagu soo qaaday, wuxuu koray Baqashiisi una qayliyay muslimiinti asagoo leh, “Xagee baad u socotaan?? Iisoo noqda oo ii kaalaya… Anigu waxaan ahay nabi beenna maaha… anigu waxaan ahay ina Cabdilmudalib”

Markaas nabiga waxaa agjoogay Abuubakar, Cumar, Calib bin baidaalib (nabiga ina adeerkii), Cabaas ibnu Cabadilmudalib (nabiga adeerkii), wiilka Cabaas ee Fadli, Jacfar bin Alxaarith, Rabiica bin Alxaarith, Usaamah bin Zayd, Ayman bin Cubayd, iyo tiro yar saxaabadi kale ah.  

Waxaa goobta dagaalka joogay maalintaas qof dumar ah oo martabad sare ka gashay geesiyaashi iyo raggi maalintaa, waa Umu Saliim. Waxay meel fog ka argtay argagaxa iyo kala orodka ku dhacay muslimiinti Umu Saliim oo ahayd gabadhi Milxaan. Waxay soo kortay ratigi ninkeeda “Abii dalxah (allaha ka raali noqdo labadoodabee) oo u soo dhaqaajisay ratigi oo ordaya dhinacaa iyo nabiga xagiisa. Umusaliim uur ayay lahayd markaas oo waxaa dhacday inuu dhaqdhaqaaqay canugi ku jiray uurkeeda. Waxay garbasaarkeedi ku xiratay caloosheeda oo ku adkaysay si aanu canugu u dhaqdhaqaaqin.

Marki ay soo gaartay nabiga iyadoo mindi gacanteeda midig ku haysata ayaa nabigu u dhoola cadeeyay oo yiri: “umu saliim??”.

Waxay ku jawaabtay “Haa… aabeheey iyo hooyaday ayaan kugu furtee…

Waxaan dilayaa kuwa kaa cararaya sida aad adigu u dilaysid kuwa kula dagaalaya”.

Waxaa sii ziyaaday dhoolacadaynti iyo farxaddi nabiga (Naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) asigoo ku kalsoon balanqaadka eebe kuna yiri Umsaliim : “ilaahay ayaa kaafiye ah wanaagsanna Umu Saliimay”

Haddaba Umu Saliim waxay taa u samaysay iyadoo arkaysay qatar soo wajahday nabiga kana baqday inay gaaladu dilaan (Laakiin ilaahay ayaa ilaalinayey nabiga).  Waxay ku tala gashay inay iyadoo uur leh dagaasho oo difaacdo nabiga ilaahay iyo weliba diinteeda oo ay soo wajahday qatar wayn maadaama ay gaaladu isu kaashadeen inay tirtiraan muslimiinta iyo islaamkaba.

Ma jiraan dumar islaam ah oo sidi Umus Saliim noqon kara maantay? Runti dhabta ilaahay ayaa og laakiin anigu waxaan aaminsanahay inay jiraan weliba badanyihiin ilaahay ha barakeeyee.

Sidee baa loogu dadaali karaa sidi lagu heli lahaa dumar badan oo leh sifooyin wanaagsan oo sidan ah? Ilaahay ayaa haya hanuunka laakiin waxaan aaminsanahay in inta badan dadka muslimiinta ah gaar ahaan annagu aan ka gaabinay taas. Waxaan taas sabab uga dhigayaa innagoo aanan kula dadaalin gabdheheena inay aqoon yeeshaan haday noqon lahayd  mid diini ah iyo mid madani ahba. Waxaan aaminsanahay inaan u baahanahay inaan samayno olole lagu hormarinayo aqoonta dumarkeena gaar ahaan tan diinta oo iyadu keeni karta inay tusiso qofka farqiga u dhexeeya xumaha iyo samaha. Ilaahay mahadiis maantay waxaadba moodaaba inay dumar badan aqoon yeesheen qaar badanna dadaal ku jiraan. Tan kale ee muhiimka ah waxay tahay iyadoo maantay dumarka islaamku ay yihiin ahdaafta laga weeraro islaamka iyadoo tabab kala gedisan la adeegsanayo.

 Waxyaabaha aad weerarka loogu hayo maantay waxaa ka mid ah xijaabka loona tusiyo dumarka muslimiinta ah inuu yahay takhaluf (dib udhac). Runtu waxay tahay in xijaabku uu yahay derbi ka difaaca qofka dumarka ah indhaha iyo damaca xun ee ka imaanaya shaydaanka insiga. Xijaabku waa sharaf weliba kordhiya ixtiraamka loo hayo qofka xijaaban.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: