MA KU QOSLAA MISE WAAN OOYAA? SHEEKO YAAB LEH OO DHEX MARTAY JINNI MUSLIM AH IYO NIN SAXAFI AH!!!


Weli midkiin ma soo maray maalin uu kala dooran waayo inuu ooyo amase qoslo? Xaqiiqada ayuu ka waramay qofki yiri balaayo waxaa ugu daran tan kaa qoslisa . Taasi waa waxa aniga igu dhacay markuu gacantyda soo galay kutub cinwaankiisu yahay: Dood dhex martay nin saxafi ah iyo Jini muslim ah; waxaan ku fikiray inaan dhinac iska dhigo anigoo u arka inaanu wax faaiido lahayn laakiin waxaan bilaabay inaan baalasha kutubkaas rogrogo si aan u ogaado sida uu ninkaas saxafiga cabqarigaa ihi kula kulmay Jinnigan Muslimka ah.Waxaan ogaaday in ninkaas saxafiga ah uu sheegay sidan:  Waxaa ilaa marki aan yaraa ii imaan jiray oo aan arki jiray jinniga. Waxaan dukaday salaadda istikhaarada dabadeedna goaansaday inaan la kulmo jinnigan muslimka ah si aan uga waraysto arimo badan oo quseeya jinniga gaar ahaan kuwooda muslimka ah. Marar fara badan ayaan wada kulanay oo waqti dheer ay qaadanaysay mar walba sheekada ina dhexmaraysay. Waxaan leehay ayuu yiri haiga raali noqdo aqristuhu hadii aanan ka hadlin sidi aan u kulanay aniga iyo jinnigan muslimka ah maxaa yeelay dhinac  wax ay kordhinayso ma jiraan dhinaca kalena ma doonayo inaan xumeeyo Jinnigan muslimka ah oo wanaag falay si aan ula kulmo, tan labaadna qoka muslimka ah akhlaaqdiisa ayay ka mid tahay inuu xifdiyo sirti lagu aamino.

Runti hadalka qaybta ugu danbaysay ayaa I niyad jebisay madama aan bogagga kutubkan u rogrogayey si aan u ogaado sida uu kulanku u dhacay basle taas uu ka gaabsady ninkan  saxafiga ah. Si kastaba ha ahaatee waxaan isku qasbay inaan aqriyo kutubkan waxaanna ka fahmay ninkan saxafiga hadalkiisa in saaxiibkiisa jinniga ah uu ka tirsanyahay qoys jinni ah oo aad loo ixtiraamo laguna magacaabo Kanjuur, sheekadi dhex martayna iyadoo qaybo uun laga soo qaatay waxy u dhacday sidan:

Saxafigi: Dhar miyaad lebisataan sida insaanka?

Jinnigi: Haa, waa dhar aad u qurux badan oo midabyo kala gedisan leh, naageheenuna waa is xijaabaan oo niqaab ayay xirtaan (markaas ayaan is iri dowladaasi waa ay ka xoriyad badantahay tan Fransiiska).

Saxafigi: Dad badan waxy rumaysanyihiin inuu Ibliis (shaydaan) uu yahay aabaha jinniga, taas run miyaa?

Jinnigi: Maya taas sax maaha, laakiin miyaad ogtahay in Ibliis uu leeyahay boqortooyo wayn, oo leh waziiro, dowlad, iyo maamulo waa wayn, uuna leeyahay shan danjire oo ku jirta baarlamaanka metelana maamulada kala duwan kuwaas  oo joogto ah laguna magacaabo: Thabar, Dasam, Acwar, masuud, iyo Zalnabuur, waxaa kale oo uu leeyahay ciidan lagu magacaabo mutasakiciin kuwaas oo gaar u ah barka hoose ee naagta iyadoo xijaab aan wadan socota, wuxuuna ku abuuraa was was fara badan marka ay soconayso. Boqortooyada Ibliisku waxay ku taalaa Saddex Xagalka Bermuuda, waxaana ku yaala iskuulo iyo jaamacado, waxaana halkaa waxyaabaha laga barto ka mid ah caafimaadka, handasada, saxaafadda iyo weliba suugaanta sida aad idinkoo insi ah ubartaanba.

SAXAFIGI: Asagoo hadalkiisa sii wata ayaan inta isceli waayey weydiiyay su’aashan, Waxaan horay u maqlay in Saddex xagalk Bermuda uu yahay meel wixi taga aanay ka soo noqon oo ay ku maqanyihiin diyaarado, maraakiib iyo weliba dad badan; maxaad iiga sheegi kartaa arintaas?

Jinnigi: Runti waa ay jirtaa aintaas. Ibliisku wuxuu u xilsaaray ciidan aad u xoog badan oo u soo gacan geliya waxa alla iyo wixi meeshaas soo mara. Horay kuuguma sheegin ee boqortooyadan waxay ku taalaa badda hoosteed oo waxay leedahay laba iyo toban albaab oo badda ku hoosyaala. Waxaa inay biyuhu galaan ka ilaaliya marki la furo albaabadan quwadda qalab gaar ah oo celiya biyaha balse ay insiga, jinniga, iyo waxyaabaha kaleba ka gudbi karaan hadii loo furo albaabka. Maraakiibta aad ka hadlayso, diyaaradaha iyo weliba insigi saaranaa inti dhimatay markay duqoobeen mooyaane inta kale waxay u shaqeeyaan boqortooyadan. Waxaana loo sameeyay deegaano gaar ah oo ay ku noolaadaan. Waxaa loo ogolaaday inay ragga iyo dumarku isguursadaan oo ay ubad dhalaan si boqortooyadu uga faaiidaysato maskaxda insiga iyo weliba qabashada shaqooyinka aanay jinnigu ku wanaagsanayn. Dhow jeer ayaa reer galbeedka oo uu maraykanku u horeeyo isku dayeen inay ogaadaan asraarta ka danbeysa waynta wax alla iyo wixi taga Bermuuda balse kuwi loo soo diray qudhigoodi ayaa la waayey. Taa waxaan ula jeedaa kuwaas qudhigooda waa la qafaashay oo waxaa loo taxaabay inay ku dhex noolaadaan boqortooyada Iblayska si looga faaiidaysto fikirkooda iyo muruqoodaba. Qaaar kamid ah waxyba wax ka dhigaan jaamacadaha boqortooyadan.

SAXAFIGI: Waan ka xumahay inaan kaa dhex galay mowduuci hore ee aanu ka hadlaynay xagga waxbarashada iyo weliba dadyawga ku nool halkaas ee meeshi nooga sii wad.

Boqortooyadaas waxaa ku jira dad haysta diimo kala duwan sida Muslimiin, Buudiyiin, yuhuud, Masiixiyiin, iyo weliba dad shuuciyiin ah. Laakiin Jinniga Muslimiinta ah waxay ka qayb qaateen dagaalki mujaahidiinta Afgaanistaan la galeen gumaysigi Ruushka, waxaa ka mid ahaa kooxaha ka qab qaatay dagaalka xoox ka koobnayd konton kun oo jinni ah kuwaasoo il biyo u bajiyay ciidan mujaahidiinta ka tirsan oo la godoomiyay lagana mamnuucay inay gaaraan baad iyo biyaba. Waxaa sidoo kale ka mid ahaa koox kale oo jinniga muslimka ah oo iyagu ka qayb qaatay gubidda dabaabaadka iyo diyaaradaha Ruushka.

Laakiin waxa ay ka sheekeeyeen walaalaha ka soo noqday goobaha jihaadka ee Afgaaistaan  wax meeshan lagu soo koobi karo maaha, waana wax aad kaaga cajabsiinaya marka lagaaga sheekeeyo .

Waxaa kale oo aan kulankaas ku ogaaday in jinniga muslimiinta ahi ay necebyihiin heesaha, qoob ka ciyaarka, iyo muusikadaba, kumana tumaan aroosyadooda wax aan durbaan ahayn meehsa ay jinniga gaalada ah, ilaahay ayaan ka megen galnaye, naagohoodu ay yihiinn kuwa ayagoo qaaqaawan ay jidadka socsocdaan oo ay cayrsanayaan ragga suuqyada dhexdooda, waxaa halaag ku dhacay ninki gacmahooda gala.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa in diinta masiixiga meelheeda wax lagu caabudo ay noqdeen meel dhaqaale looga aruursado dadka taasina ay kaniisadaha ka dhigtay awood aan la yaraysan karin oo mararka qaar dowladda si dadban u maamula. Jinnigii muslimka ahaa wuxuu intaa ku daray in jinniga masiixiga ahna uu sidaa u dhaqmo balse jinniga muslimiinta ahi ay taa iska ilaaliyaan oo aan cibaadada alle laga dhigin mid dhaqaale lagu aruursado ama magac (shuhrah) lagu raadsado. Jinnigii muslimka ahaa ayaase eedeyn daran usoo jeediyay muslimiinta xilligan oo uu ku eedeeyay inayba inti culimadu ay dowladda talo ku yeelan lahayd ee wixi qalad ah ay ka sixi lahayd in dowladdu ay iyadu ku amar ku taaglayso xitaa sida alle loo caabudayo iyo weliba xilliga la caabudayo asagoo tilmaamay wadaado badan oo lagu xirxiray wadamada muslimiinta iyagoo isku deyayey inay saxaan qaladaad jira.  Waxa kale oo uu tilmaamay inuu arkay arin ka yaabisay mar uu booqday dhowr dal oo mulim ah taasoo ah in masaajidka la xiro markii salaada la dukadaba oo aan lagu nagaan karin. Taas ayuu sheegay in ay dowladahaasi ka baqayaan in masaajidku uu soo saaro dad waaciyiin ah oo dowladaha qaladaadkooda ka hor imaan kara. Sidoo kale wuxuu ka hadlay sida masaajidada iyo goobaha kale ee ku lug leh diinta barashadeeda ama cibaadada alle ay noqdeen sida kaniisadaha oo kale. Wuxuu ka hadlay waxyaabo badan oo uu arkay xilli uu booqasho ku tegay wadama badan oo reer galbeedka ah isagoo booqday masaajidada iyo meelaha wax lagu baro caruurta muslimiinta. Wuxuu si fajac iyo amakaag leh uga hadlay sida muslimiintu maantay uga dhigtay masaajidada meel ganacsi oo dhaqaale lagu uruursado.

Intaa keliya kuma ekaan  ee wuxuu tusaale usoo qaatay masaajido badan oo laysku dagaalay maamulkooda. Wuxuu sheegay in dagaalkaasi uu ku salaystanaa yaa maamulaya masaajidka oo dhaqaalaha gacanta ku dhigaya. Tusaale wuxuu usoo qaatay Soomaalida wadamada galbeedka oo iyagu buu yiri  qabiil qabiil iskugu dagaala masaajidada qabiil walbana isku dayo inuu asagu awood ku yeesho si uu u hantiyo dhaqaalaha kasoo baxa. Si kale u dhig oo wuxuu taa ula jeedaa in masaajidadii cibaadada loo dhisay ay noqdeen sidii irdo ganacsi. Wuxuu intaa ku daray inaanay qowmiyadaha kale iyaguna sidaa ugu loolamaan sidii koox waliba iyadu u maamuli lahayd masaajidka. Balse wuxuu leeyahay Soomaalida waxaa alle ku aafeeyay oo ay dadka kale uga duwanyihiin qabiil iyadoo buu yiri laga yaabo in isku qabadka masaajid ku yaala Waqooyiga Ameerika ama Yurub uu dagaal ka rido gudaha Soomaaliya oo labadii qabiil oo isku haysatay masaajidkaa ay isku laayaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu si qota dheer uga hadlay sida Jinniga muslimiinta ahi uga xunyihiin khilaafka faraha badan ee hareeyay wadamada muslimiinta .

Asagoo sii wata hadalkiisa ayuu yiri, “Hadaad diintiina ka dhigtaan sida tan masiixiga oo aad business u bedeshaan sida aad hadaba samayseen alle raxmadiisa ayuu idinkala noqonayaa marka taa iska ilaaliya oo alle usoo noqda.”

Su’aal kale ayaan waydiiyay kuna saabsaneeyd ururada muslimiinta isku tilmaama ee dgaalka ka wada dunida dacaladeeda ayuu sheegay in runti dunida muslimka jahawareer daran ka taaganyahay maadaama aan la aqoon run ahaantii dadka soo dhisay ururadaan ama dhaqaalaha ku bixiya.Waxaaba laga yaabaa inay ururadan qaar soo dhiseen sirdoonka reer galbeedka iyaguna dhaqaalaha ku bixiyaaan si ay tafaraaruq iyo  iska horimaad joogto ah uga abuuraan dunida muslimka. Maantay ma kala garan kartid cidda muslim saxa ah iyo cidda doonaysa inay denbi ku geliso xabsina ku dhigto. Intaas wuxuu sii raaciyay in loo baahanyahay in dhalinyarada muslimiintu ay feejignaadaan oo aanay cid kasta iska maqlin. Ogoow ninka masaajidka dhinacaada ku dukanay ma ogid inuu salaad u yimid ama u yimid inuu adiga ku jaajuuso ama uu siriq kuu dhigo kadib markuu kaa dhaadhiciyo inaad ka dhiidhiso waxa msulimiinta maantay lagu hayo. Markuu dhowr jeer kula sheekeeysto ayuu bilaabaa inuu ku yiraahdo bambo ayaan kuu keenayaa ee wax qarxi. Dabadeedna sidaas xabsi ku aadaa nin dhaliyaro aha oo wax wayn u qaban lahaa muslimiinta iyo insaanka oo dhan hadii uu wanaag ku dhaqaaqi lahaa. Wuxuu soo jeediyay inaanay dhalinyarada muslimiintu ku kadsoomin jihaadka loogu baaqo mararka qaarkood ogaadaana in jihaadka dhabta ah yahay inay iyagu naftooda toosiyaan wax wanaagsanna sameeyaan. Waa inay ku dadaalaan dhalinyarada muslimiintu inay bartaan diintooda iyo cilmiga madaniga ahba si ay ula jaanqaadan aduunka una fahmaan sida wax u socdaan oo aanay noqon kuwa layska hogaansado oo wixi la doono laga dhaadhiciyo. Maantay dhalinyarada muslimiintu waxay baylah u yihiin xabsi iyo dhimasho joogta ah oo ay u horseedayaan dad muslimiin ah oo aan ka fiirsan dhibka ay abuuri karto bambo yar oo meel lagu tuuro amaba sirdoonka reer galbeedka oo iaygu ku howlan sidii ay cabsi ugu abuuri lahaayeen dunida reer galbeedka isagana horkeeni lahaayeen masiixiyiinta iyo muslimiinta. Haddaba qofka muslimka ah maaha inuu dhib abuuro ee waa inuu wanaag abuuro noqdana mid lagu daysado. Dhaliyarada Muslimiintu maantay waa mashruuc lagu cuno balaayiin doolar hadii ay ahaan lahayd kuwa muslimiin ah oo jihaad ugu baaqa iyaguna lacag ku aruursada ama sirdoonka galbeedka oo dhaqaalohoodu ku xiranyahay kordhinta dhibka dhaca iyo weliba mararka qaar bedelidda maskaxda dhalinyarad si ay u sameeyaan denbiyo iyagoo mararka qaar u keena wixi ay wax ku qarxi lahaayeen. Marka dhalinyarada muslimiintu ha ka feejignaadeen labadan dhinac ee aan soo sheegay hana ka shaqeeyeen sidii ay horumar aqooneed iyo mid dhaqaale u samayn lahaayeen. Markuu qofku aqoon iyo dhaqaale leeyahay waxa uu awoodaa inuu wax wanaagsan u qabto dadka muslimiinta hadii ay ahaan lahayd inuu wax baro dad baahi u qaba waxbarashada ama quudiyo dad gaajaysan. Axsaanka aad falaysan dhaliyaroow yaanu ku ekaan muslimka oo keliya ee ciddi dhibaataysan diinti ay haysanayso ha haysatee u kaalmeeya markaad ka awood roontihiin.

 

Kulanku waa dheeraa ilaa uu ka soo boxo kutub ka kooban 173 bog.

Sidaas ayaan waqtigaygi ku lumiyay anigoo rogaya hadba bog ka mid ah kutubkan mana garan mid aan sameeyo: ma  qoslaa mise waan  ooyaa!!!

Wixi talo iyo tusaale ah noogu soo hagaaji: wacyigelin@yahoo.com

7 Responses

  1. Waxaan umalaynayaa in aanay sheekadu xiiso u lahayn sgda ciwaanka oo kale laakiin waxa habonayd in ay balanced noqdaan.kkkkkkkkkkkkkkk?

    Like

  2. Waxay ahayd in uu siwado waraysiga inta barmuda moye inta kale insiga ayay kasiman yihin tana wala.oga

    Like

  3. Run ahaantii waa qiso cajiib ah.waxaan jeclaan lahaa in aan soo bandhigo sheekooyin ku saabsan dagaaladii sokeeye ee ka dhacey soomaali. Waxa dhacey muddo aad u fog .raadkii ay bulshadu ku reebtey dagaalada.

    Like

  4. runtii waa qiso xiiso badan lkin inu waraysiga barmuudo sii wado ayay ahayd

    Like

  5. Arrintaa barmuuda waa sax. waa xaruntii jinka hada kahorbaan muxaadaro kudhagaystay. Nin shiikh muslin ah oo arday jin ah waxbara ayay uga wartameen arrintaa barmuuda inay jinka xatunta ugu wayn tahay

    Like

  6. mansha allah lkn boogaaas magaciisa maxa uu aha aad iyo aad ayuu u wngsana in kastoo ay sheegado dhameystirney

    Like

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 86 other followers

%d bloggers like this: