QADAADIIC YAR DALKI INAAN SIISANO QAADAN WAAYEY ANIGUYE: GABAY


Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo nin Soomali ah ee ku nool qurbaha oo wax badan moogaa dalki. Markaan xoogoow sheekaysanay ayaa sheekadi nala gashay waxa dalki ka socda inagoo gaar ahaan ka hadalnay Ra’iisulwazaaraha cusub iyo hadii uu wax ka bedeli karo xaalka dalku ku suganyahay. Ninkan oo wax ka bartay wadamadan reer galbeedka kana shaqaysta ayaa si uu ii tusiyo sida uu u arko dowladda ku meelgaarka ah iyo weliba guud ahaan xaalka dalku ku jiro iiga sheekeeyay sheeko soo martay. Wuxuuna iigu soo gudbiyay gabaygan asagoo leh:

Qayladhaan baa iiga timid qabiilkii aan ka dhashaye

Qaranka la dhisayo qaybteena inooga soo qaad bay gu yiraahdeene

Qowlkiina maanan garan ee ii kala qaad qaada ayaan ku iriye

Qafiifnimada waan kugu ogayn ee qalad ha inoo fahmin

Qaado waziir oo ugu khidmeey qabiilka si hufan bay igu yiraahdeene

Qaramada midoobay iyo quruumaha baase wax gumaysta

Qabwaynta reer galbeedku quudka ay bixinayso

Qalcadaha Washinghton warqadha qaaliga ehe lagu sameeyo

Qalfoofna looga soo dhigay boorsooyin bac madow aad moodo

Qabiil walba qaybtiisa waziir ayaa u soo qaada’e qaabil adigu teena

Qaybtaa waxaa dheer qaar badan oo aad qaybaha wasaarada ku qaabayso

Qofba qofkay ka qiiro badantahay qabiilkana ka jeceshahay inaad ku qiimayso

Qaabka wax u socdaan markaan gartay qowlba iga soo bixi waayey

Qaran loo dhisayo in qowmiyado shisheeye loogu adeego

Qowmiyadi dalka leheedna qaatil iyo maqtuul laga dhigo

Qaar la soo kiraystayna qaybba maalin madfac ku qumiyaan

Qaarna inta la haajirayay  gaajana la baday qolal ku yaal Nayroobi

Qalbigooda qalad laga buuxiyay oo qof horay isaguba u lumay

Quruumo kalena u adeegaaya u qaybiyay kutubta masiixiga

Qadaadiic yarna jeebka loogu shubay si qalbigoodu qalal u noqdo

Qowlka suuban ee eebehayna laga masaxo iyo keli ahaantiisa

Qaanicna ugu ahaadaan qaladka ah “alaahu thaalithu thalathah”

Qaarna maydkooda baduhu soo caariyaan qaarad walbood aado

Qalfooftooduna daadsantahay xeebaha yaman iyo talyaani

Qaar kalena qalfooftooda laga sheegay xeebaha giriiga

Qaarna xabsiyada ku qurmeen qof u doodaana aanay jirin

Qaranka aan wax ka qaban arimahaas qaran laguma tilmaamo

Qof damiir lehna qayb kama ahaan karo qaran ku sheegaase

Qaranimada aad sheegaysaan iyo qaarka ku qaraabta aan idiin qeexo

Qaaf iyo cayn qaar aan kala garanaynin qabiilkuse ku waynyahay

Qaar  inay qaad cunaan ama qamri cabaan qarnimo u doonaaya

Qadaadiic yarna jeebka inay ku shubtaan iyagoon qabow ku kalihin

Qaarna macsiday ku fogaadeen oo maalinba mid wadaane

Qowm kalena qaabka wax u socdaanba ma garan oo

Quruuma kalaa rartoo sidi owrtii hogaansada’e

Qaranka ninki  ugu sareeyay qof basaasoo ajnabi ah

Qaasatan la taliyihiisa ka dhigtay oo qaranki sirtiisa ku aaminay

Qaarna ku faanan qowmiyadeena qaran maamul xaq u leh

Qaar kalena qoqobid iyo gobolaysi aan qaab leheyn

Qaranimo u mooday qowmiyado kalena ugu adeega

Qaranimo rag naf u huray kuwaa qalin iyo doolar dhaafsadaye

Qaabkaa anigu maan lihi qowlkiinana maqlimaayo

Qiiro nin leh qabwaynidi Soomaaliduna ku danbayso

Qaladkaa ma qaadan karo iyo cad gumeedkaad wadaane

Qalad aan diidnay inagoo quwadeenu intaan ka liidato

Qaadanmayno maantay oo aan qaarad walba gaarnaye

Qaabka dunidu u socotana kutubta aan ka daalacanaye

Qaarna shaahidba u yihiin damaca gumaysiga iyo dibindaabyadiisa

Qadaadiic yar inaan dalka siisano qaadan waayey aniguye

Qabiil qabiil in naloo kala gato oo aan is gumaadno

Qaarba maalin la yiraahdo idinkaa qaali ehe qabiil hebel laaya

Qaarna British baan nahay yiraahdaan iyagoo qiimo mooday

Qob qobka dalkayga ka jira qaadan waayey oo ka qoomamoodaye

Qowlaysato caalami ah iyo quwado waawayn damacooda

Qaaraan waxba ahayn qaadim inaan u noqonay doonayaane

Qaswadaha Meles inuu qabiilba beri hor fariisto uuna quursado

Qowlkiisuna yahay Qabiilkiinaan qaranimada siini

Qadaadiic fara badana waan idiin qoondhayne

Qumaati dabaabaadka u dhacana waan idinku qalabayne

Qabiilooyinka kale quwad aad ku muquunisiine

Qof caqli  iyo qiira wadaninimo leh qaadan waayey taase

Qaabkaana malihi ee qof kale la doonta qowfalkaad wadaane

 

wixi rayi ah noogu soo gudbiya: wacyigelin@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: