CAJIIB: MASAAJIDKUU HABEENKI HOR DHIGI JIRAY SI UU UGA TAKHALUSO DIBSE WAA UGA SHALAAYEY!!!


Macalimad dugsi sare wax ka dhigta ayaa asxaabteeda ay wada shaqeeyaan waydiiyeen sababta ay u guursan waysay. Macalimadaan ayaa ahayd mid ilaahay qurux iyo akhlaaq intaba u dhameeyay oo nin walba uu ku hamiyo inay xaaskiisa noqoto. Sidi ay arintu sidaas su’aal iyo jawaab la’aan ugu socotay ayaa maalinki danbe iyadoo la wada joogo qolka fusxada ee macalimiintu ku nastaan waqtiyada xiisadaha u dhexeeya iyo weliba xiliga qadada ayaa waxaa soo noqday su’aashi caanka ka noqotay macalimiinta dhexdooda; waxaa mid ka mid ah macalimiinta dumarka ahi waydiisay mcalimadi quruxda iyo akhlaaqda ilaahay u dhameeyay su’aal iyadoo leh sidan:

Maxaa kuu diiday guurka adigoo weliba sidan ilaahay qurux kuugu deeqay?

Macalimadi ayaa tiri, waxaan idiin sheegayaa qiso  ee iga dhegaysta dabadeedana sidan ku bilowday sheeka aad layaab uleh:

Waxaa jiray beri nin qabay naag u dhashay shan gabdhood wuxuuna bilaabay ninkeedu inuu ugu goodiyo hadii ay gabar kale dhasho inuu ka takhalusi doono. Ilaahay amarkiis, waxay naagti dhashay gabar. NInki  ayaa gabdhi qaaday salaada cishaha kadib dhigayna masaajidka albaabkiisa marki salaada subax la gaaray ayuu tegay bal si uu u soo eego in la qaatay iyo inkale. Nasiib daro ama nasiib wanaag lama qaadan sidaas ayuuna ugu soo celiyay gurigi. Wxuu habeen walba gayn jiray masaajidka ilinkiisa subixina kasoo qaadi jiray maadaama aanan la qaadanin. Marki uu sidaas samaynayey todoba maalmood hooyadeedna ay ilaahay ka barayaysay inuu  usoo celiyo gabadheeda ayuu ka quustay in la qaato sidaasna guriga ugu soo celiyay kuna dhaafay. Hooyadi ayaa aad u faraxday ilaahayna u mahad celisay.

Waxaa dhacady inay xaaskiisi uur kale yeelatay sidaasna cabsi kale ku soo wajahday iyadoo ka baqaysa in hadii gabar ay dhasho ay la kulmi doonto xaalki gabadheedi hore ee aabeheed isku deyay inuu ka takhaluso. Markan waxay dhashay wiil laakiin waxaa dhimatay gabdhahi lixda ahaa tii ugu waynayd. Mar kale ayay hadana uur yeelatay waxayna dhashay wiil markaan waxaa ka dhintay gabadhi ku xigtay tii hore ee dhmatay ee hablaha ugu waynayd. Sidaas ayay iskugu xijisay shan wiil laakiin gabdhihi oo dhan ayaa ka dhintay marka laga reebo tii aabeheed masaajidka hortiisa dhigi jiray.

Muddo kadib hooyadi caruurta dhashay waa dhimatay. Sidaas ayaaa waxaa ku koray gabadhi aabeheed doonayey inuu ka takhaluso iyo shanti wiil.

Macalimaddi ayaa ku tiri asxaabteedi ma taqaaniin gabadhaasi waa tuma? Isla ayadi ayaa su’aasheedi ka jawaabtay oo tiri: waa aniga gabadhaas massjidka la hordhigi jiray habeenki subixina laga soo qaadi jiray. Waxaan u guursan waayey maadaam aabeheey uu duqoobay aanu  lahayn cid kale oo xanaanaysa. Waxaan u qabtay khaadimad si ay uga caawiso wixi uu u baahanyahay iyo inay cuntada u kariso.  Walaalehaygi uu aabeheey ku hami jiray inu hal mar arko wiil uu dhalay maantay waa kawada tageen oo kan ugu roon ayaa soo booqda bishi hal mar. Laakiin aabeheey har iyo habeen wuu ooyaa asagoo ka qoomameeya  wixi uu falay.

Sidee bay arintan idiinla muuqataa kuwiina ka xumaada inay gabar u dhalato?

Gabar iyo wiil ilaahay ayaa haysta ee markastaba ku ducaysta inuu dhashiina idiin barakeeyo kuwa kheyr qabana idinkaga dhigo. Badanaa gabdho boqol wiil ka wanaagsan dhan walba!!!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: