SHEEKO CAJIIB AH: Ninki faqiirka ah ee saca lahaa, taajirki deriska la ahaa ee faraska lahaa iyo qaaligii xikmadda badnaa.


Beri ayaa waxaa deris ahaa laba nin oo reer Banuu Israaiil ah oo mid faqiir yahay uuna leeyahay sac kan kalena uu yahay taajir leeyahayna faras.  Maalinki danbe ayaa ninki faqiirka ahaa siciisi dhalay wayl. Waxaa eedayn la yimid ninki taajirka ahaa oo leh dibigan waxaa dhalay faraskayga. Marki ay doodi dheeraatay ayaa lagu heshiiyay inay ku kala baxaan  sharciga.

Waxay isula tageen nin qaali ah si uu ukala saaro. Waxaa dhacday ninki taajirka ahaa inuu siiyay qaaligi laaluush si uu ugu xugmiyo dibiga ninka faqiirka ah. Qaaligi wuxuu yiri waysahan waxaa dhalay farasta ninka taajirka ah marka waa inuu ka tanasulaa ninka faqiirka ah.

Ninki faqiirka ahaa rafcaan ayuu qaatay oo dacwadi u gudbiyay maxkamad kale.  Sidi qaaligi hore ayuu ninki taajirka ahaa u laaluushay mar kale. Qaaligi ayaa hadana u xukmiyay ninki taajirka ahaa inay farastiisu dhashay waysgha. Ninki faqiirka ayaa waydiiyay qaaligi sida uu faras u dhali karo dibi. Qaaligi ayaa yiri ma waadan arag indhaha waysha inay u egyihiin indhaha farasta, ma waadan arag lugaha wayshu inay u egyihiin lugaha faraska. Sidaas ayaa loogu xukmiyay ninki taajirka ahaa inuu leeyahay waysha oo ay farastiisu dhashay.

Ninki faqiirka ahaa sidaas kuma joogsan ee wuxuu dacwadiisi u gudbiyay maxkamad taas ka saraysa.  Maalinti danbe ayaa maxkamadi ay wada tageen ninki faqiirka ahaa iyo ninki taajirka ahaa. Arinti ayaa loo sharaxay qaaligi dabadeed ninki taajirka ahaa ayaa qaaligi u tegay iskuna deyay inuu laaluusho. Qaaligi ayaa yiri, “anigu ilaahay ayaan ka cabsanayaa kaamana yeelaayo inaad  ilaaluushto.”

Dacwadi marki ay furantay ee uu qaaligi dhegaystay ayuu sheegay in uu maxkamadda xirayo maantay maadaama uu dhiigi caadada uu ku dhacay isla saacadaas. Ninki taajirka ahaa ayaa arintaas aad ula yaabay asagoo qaaligi usheegay inaanay macquul ahayn waxa uu sheegay oo aan ragga caado ku dhicin.

Ninki qaaliga ahaa ayaa ninki taajirka ahaa ku yiri sideed ku diidi kartaa in dhiig igu dhacay hadiiba aad kudoodaysid in uu faras wayl dhalay. Sidaas ayaa ninki faqiirka ahaa loogu xukmiyay wayshiisi dacwadina looga raayay ninki taajirka ahaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: