KISMAAYO: DAGAALKA KENYA MA KAQAYB QAADATAY MISE?


  •  

Waxaa dhowaan dagaal faraha looga gubtay ka dhacay magaalada Kismaayo. Dagaalkaas waxaa marki hore lagu kuusay ciidamada Axmed Madoobe. Waxaa kadib dhacday in ay ciidamada Kenya ka qaybqaateen dagaalka iyadoo isticmaalaya dayuurado, taangiyaal, iyo madaafiicda goobta. Taas waxy keentay in lagu dilay halkaas 150 qof oo shacag ah. Taas keliya maaha ee waxaa dhacday in la kufsaday hablo iyo dumar caruur leh intaba. Intaas keliya kuma siman Kenyaatigu laakiin waxay dileen dhamaan gabdhihi iyo dumarki ay qabsadeen si aanay ugu marqaati furin marki xaqiiqa raadintu timaado.

Hadaba Axmed Madoobe ayaa Nairobi ka yir, “Kenya waxaan ku eedaynayaa inay dagaalka igala qayb qaadan waayee.” Taas waxay u egtahay riwaayad dadka lagu marin habaabinayo oo ay isla dhiseen asga iyo asxaabtiisa.

Waxaa maalmahaan Makarafoon la ordayey nin lagu magacaabo Fartaag oo aad ugu dhow Madoobe oo u sheegaya dadku inay isdejiyaan. Nasiib daro hadii aad abeeso gurigaada soo gashato adigay kugu bilaabe qaniinyada. Waxaa dhacady ninkan in xaaskiisi dhibaato aad u baahsan ay u geysteen ciidamada Kenya iyo kuwa Madoobe iyadoo sida la sheegay horteeda lagu dilay sadex hablo ah oo ay deris ahaayeen. Iyadna laga dhacay wax alle iyo wixi guriga yiilay oo xitaa dahabki ay xirnayd laga qaatay.

Xaaska Fartaag ayaa iyadoo ku suga meel ka baxsan Kismaayo ka hadashay arintan ee hook a dhegayso.

HALKAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO:  http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/Xaaska-Fartag.mp3

SOURCE: SAADAALNEWS.COM

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: