DABARGOYNTA DADKA AAN KA SOO JEEDIN QABIILKA AXMED MADOBE OO KISMAAYO KA BILAABATAY


Maalin dhowayd waxaa lagu dilay magaalada kismaayo nin ganacsade ah oo magaciisa la yiraahdo Cabdullaahi Ceelbuur. Waxaa dilka ninkaas gaystay niman ay aad isugu dhowyihiin Axmed Madoobe oo iyagu ugu yimid bakhaar uu ku lahaa halkaas dabadeedna rasaas ku furay. Intaas keliya kuma siman nimankani ee waxay rarteen dhamaan badeecadi taaley bakhaarka.

Dadka degan Kismaayo oo ninkan aad u yaqaan ayaa sheegay inuu ahaa nin ganacsade ah oo aan la jirin dhinacyada ku dagaalamaya magaalada. Waxay ahayd maalmo ka hor marki ay ciidamada Axmed Madoobe oo kaashanaya kuwa Kenya ay dad aad u fara badan ku laayeen magaalada kadib marki ay ka itaal roonaadeen ciidamadi ka soo horjeeday iyaga. Maalintaas waxaa magaalada ka dhacay tacadiyo aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen dil iyo kufsi aan loo kala soocin gabar iyo duq waayeel ahba. Tan taa kasii darnayd waxay ahayd marki la dilay inti badnayd dumarki la kufsaday si aanay uga sheekeyn dhibka la gaystay iyo sida uu u dhacay.

Waxaa ka mid ahaa dumarka dhibka loo gaystay xaaska mid ka mid ah kuw ugu dhow Axmed Madoobe oo magaciisa lagu sheegay Fartaag taas oo aan waragysigi lala yeeshay aan shalay idiinsoo gudbinay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: