FAROOLE IYO AXMED MADOOBE OO LAGA YAABO INAY ISKU DHACAAN!!!


Waxaa qayb wayn ka qaatay howlaha ka socda Kismaayo ee lagu dhisay maamul aan loo dhamayn kuna salaysan qabiil Faroole oo geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii uu u arki lahaa dhismaha maamulkan. Runti Froole mowqifkiisu wuxuu ku salaysnaaa laba arimood. Tan hore waa Faroole oo aad uga soo horjeeda dowladda kumeelgaarka ah ku doonayey inuu ku carqaladeeyo kuna fashiliyo. Tan kale waa asagoo doonayey inuu maamulkaas lagu saleeyo qabiil sidaasna uu wax uga helo manaafacaadka dekadda, garoonka, iyo weliba iibsiga dhuxusha. Si kastaba ha ahaatee marar badan ayaa laysweydiinayey hadii Faroole uu ciidan u diray Kismaayo iyadoo la sheegayey inuu doomo ku daabulay ciidamo kana dejiyay Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Axmed Madoobe uu ciyaarayey shax uu ku doonayey inuu magac qabiil marka hore wax ku qabsado dabadeedna uu ka takhaluso inta kale marka laga reebo jifada uu asago kasoo jeedo. Doraad ayay ahayd marki Axmed Madoobe uu Nairobi ka dhoofiyay odayaal uu kasoo aruuriyay gobolka gedo si uu u meel mariyo danihiisa. Odayaashan ayaa ka hadlay arinta ka jirta Kismaayo iyagoo aad uga dayriyay tilmaamayna inaanu meesha  ka jirin maamul ee Axmed Madoobe iyo Jifadiisu ka sameeyaan wixi ay doonaan.  Waxaa kale oo ay ka warameen tacadiyo dad shacab ah loo geystay iyadoo loo dilay dad qabiil ama in laga boobo ganacsi ay haystaan.

Hadaba waxaa mardhow ka hadlay xurgufta soo kala dhexgashay Puntland iyo Axmed Madoobe oday reer Puntland ah oo tilmaamay in la ihaaneeyay ciidamada Puntland ee halkaas la geeyay. Waxaa kale oo ay tani cadayn u tahay in ay Kenyaatigu si toos ah uGu jiraan qaybna uga yihiin fowdada ka taagan Kismaayo maadaama ay iyagu yihiin kuwa hubka ka dhigay ciidamada Puntland laga keenay ayna horay xabsi ugu hayeen ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Halkan riix si aad u dhegaysato: http://aqris.net/wp-content/uploads/2013/08/maxed-daahir-siyaad-.mp3

Soomaalidu waxay tiraahdaa, “Labadi laqdabo ku heshiisa Lilaahi ayay ku dagaalaan” ee balaan aragno meesha uu ka dhaco xiriirka aad loo buunbuuniyay ee u dhexeeyay Faroole iyo Axmed Madoobe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: