MA LAGA YAABAA INAY SHIRKADAHA KORONTADA GELIYA MUQDISHO AMABA DAD KALE AY KA DANBEEYEEN QARXINTA BAALAYAASHA OO AL-SHABAAB LAGU SAANTIRANAYO?


Sida aan la soconaba Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, waxay noqotay bahalo galeen iyo meel ay danaystayaashu aad ugu badanyihiin.  Waxaa marar badan dhegeheena soo gaaray ganacsato daawa dhacday dadka ka gadda, kuwo raashin dhacay suuqa soo geliya, kuwa xirfad aanay lahayn kushaqaysta iyagoo isku sheega dhakhaatiir laayayna dad badan, iyo weliba,  weliba , odayaal qabiil dishay, iyo weliba dad siyaasiyiin ah oo ka yimid gobolada dalka oo dhan qaarkoodna ay isku dayaan sidi ay u dhabardaaci lahaayeen hanaanka horukaca leh ee dalka ka socda maadaama sidi iyagu ay rabeen aanay wax usocon.

Dadkaas aan kor kusoo sheegay waxay ama si toos ah ama si dadban ugu keceen khiyaano qaran. Haddaba mar dhow iyo mar horeba waxaa lagu qarxiyay Muqdisho baalayaasha ximbaarsan nalalka iftiimiya wadooyinka kuna shaqeeya cadceeda.  Waxaa la sheegay inay arintaas ka danbeeyeen Al-shabaab laakiin ma dhici kartaa inaanay Alshabaab shuqul ku lahayn oo ay ka dnabeeyeen shirkadaha korontada ka shaqaysta oo aaminsan hadii dadku ay tamarta cadceeda fahmaan inay u isticmaalayaan guryohooda iyo weliba goobaha ganacsiga sidaasna ay ku waynayaan ilo wax soosaar oo aad muhiim ugu ah.

Su’aasha iswaydiinta mudan waxa ay tahay ; maa dhan kasta wax laga eego si looga feejignaado cadaw aan layska jirin inuu dhib gaysto. Anigu  cid aan farta ku fiiqayo ma jirto laakiin waxa macquulka noqon kara ayaan tilmaamayaa si looga feejignaado.

Ma ka suurtowdaa shirkadahan inay geystaan dhibkaas? Taa shaki iigama jiro hadii dantoodu ku jirto. Waxaan aaminsanahay meesha qof loo dilayo si shaqadeeda loo qaato inaanay adkayn in baale la qarxiyo hadii uu hortaaganyahay ilaha wax soo saarka ee ay dad leeyihiin.

Waxaan aaaminsanahay inay ahayd in la sameeyo baaritaan si loo ogaado cidda dhab ahaan ka danbeeysay qarxinta baalayaasha iyadoo aanan cidna laga reebayn haday noqon lahayd ganacsato, Al-shabaab, masuuliyiin dowladeed, iyo weliba dad doonaya inaan marna la helin amaan sugan oo ay yeelato Muqdisho.

Al-shabaab iyagu banaanka ayay la taaganyihiin ficilkooda laakiin waxaa ka daran iyaga kuwa aan layska ilaalinayn ee dhabar daacinaya horumarka iyo himilada shacabka oo qaarkood ka tirsanyihiin xukuumadda una janjeeraan dano qabiil.

Haddaba waxaan kula tali lahaa xukuumadda inay dib u eegid ku sameeyso sida wax looga qabanayo amniga Muqdisho iyo gobolada kaleba iyo il gaar ah lagu fiirinayo dadka ku jira xukuumadda ee dano gaar ah ka shaqaynay si ay qabiilkooda ugu adeegaan amaba doonaya inaanay dowladdu horay usocon, ganacsatada u baratay inay siday doonaan wax u sameeyaan doonayana inaanay dowladu horusocon iyagoo ka cabsi qaba in canshuur lagu soo dabaalo, dad degan guryo aanay lahayn doonayana inay dowladdu dhacdo si aanan guryahaa looga qaadin, iyo weliba dad kasoo jeeda  maamul gobaleedyo oo maalintiina dowladda u shaqeeya habeenkiina sidi loo ridi lahaa dowladda ka shaqeeya.

Si waxyaabahan oo dhan looga gudbo waa inay dowladdu baaritaan ku samayso cidda ay u magacaabayso jago hadii uu yahay qof Soomaali ah oo daacad ah ama shakhsi ku sifoobay  qabiil, musuqmaasuq, iyo danaysi gaar ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: