AXMED MADOOBE OO KA BIYA DIIDAN CIIDAMADA ISKU DHAFKA AH EE LA GAYNAYO KISMAAYO


Waxay ahayd laba maalmood ka hor marki ay madaxda Afrikaanka ah ee ciidamdu ka joogaan Soomaaliya ay ku kulmeen Kampala oo ah caasimadda dalka Yugandha. Iyadoo kulankaas lagu gorfaynayey horumarka xagga nabadda ee laga gaaray Soomaaliya, waxa in la qabto loo baahanyahay si taasi usii socoto iyo weliba eedaymo loo soo jeediyay ciidamada Kenya ee kusugan Kismaayo oo ay U.N-ta iyo ururada xuquuqul insaanku ay soo jeediyeen. Haddaba falanqayn dheer kadib ayaa waxaa shirkaas kasoo baxay qodobo laysala meel dhigay oo uu ka mid ahaa in Kismaayo la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo aan dowlad gaar ah ka koobnayn.  Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in lagu taageero dowladda kumeelgaarka ah sidii ay xal ugu heli lahayd is qabqabsiga ka taagan Kismaayo iyadoo tixgelinaysa dhamaan qabaailka kala gedisan ee kunool halkaa abuuraysana maamul gobaleed loo dhanyahay cidna aanan lagu dulmin. Sidoo kale waxaa lagu go’aamiyay shirka in gegida dayuuradaha iyo dekadda Kismaayo maamulkeeda lagu wareejiyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Haddaba arimahan aan kor kusoo sheegnay ayaa waxay ka caraysiiyeen Axmed Madoobe oo isagu ka mid ah dhowr madaxweyen oo qabaailadoodu doorteen kuna loolamaya halkaas iyadoo dagaal horay uga dhacay. Dagaalkaas ayaa kamid ah waxyaabaha keenay shirkan maadama Kneyaatigu si toos ah uga qayb qaateen dagaalka iyagoo la jira Axmed Madoobe Jabhadiidsa. Haddba Axmed Madoobe oo ka caraysan arimahan soo cusboonaaday ayaa dhaliilay in eedayn loo soo jeediyo ciidamada Kenya isagoo intaa ku daray in ciidamada Amisom laga saaro dalka dhamaanba iyadoo aan la tilmaamin cid gaar ah.

Waxaa kale oo uu si dadban u weeraray madaxda dowladda oo uu ku tilmaamay kuwo taangiga AMISOM lagu waardiyeeyo  sidoo kalena asaga iyo jabhadiisaba ku amaanay inay weligood Al-shabaab la dagaalmai jireen . Wuxuu intaa sii raaciyay in la arki doono ninki Shabaab taangi looga ilaaliyo iyo ninki kaleba.

Haddaba arimahan waxay u muuqdaan kuwo Axmed Madoobe uu ku muujinayo caradiisa iyo weliba niyad xumida uu ka qabo in Kenyaatiga lagu bedelo ciidamo isku dhaf ah oo aan isaga xiriir gooni ah la lahayn sida Kenyaatiga. Haddaba hadii ay dhacdo in ciidamada Kenya laga wareejiyo Kismaayo waxaa soo wajihi doona Axmed Madoobe iyo ciidankiisa dhibaatooyin ay ugu horayso dagaal ay kusoo qaadaan kuwi uu shalay Kismaayo kasaaray isagoo garabsanaya ciidamada Kenya iyo weliba Puntland oo laga yaabo inay taageeradi ay u haysay kala noqoto maadaama ciidamadeedii lagu sameeyay hub ka dhigis qaarna xabsiga loo taxaabay meesha qaar kalena ay ka fakadeen una noqdeen Puntland.

Haddaba waqtiga ayaa na tusi doona  sida wax u dhacaan iyadoo ay dhici karto in miisaanka awoodeed iyo siyaasadeed ee uu Axmed Madoobe ku lahaa Kismaayo ay wax iska bedelaan hadii ay hir galaan qodobadi ka soo baxay shirkaas.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: