XIRITAANKA NIN DAMEERKIISA KU XARDHAY MAGACA SIISII


Waxaa ciidamada amnigu ka soo xireen magaalada Qinaa oo ka tirsan Saciidka Masar jimcadii shalay ahayd nin beeraleey ah kadib markii uu dameerkiisa dushiish ku qoray magaca wasiirka difaaca ee dalkaasi Masar oo isagu ka danbeeyey afgenbigii xukuumaddii la doortay ee uu madaxda ka ahaa Dr. Mursi oo hadda ku xiran meel aan la ogayn.

Wakaalada Wararka ee Bariga Dhexe ayaa maantay oo Sabti ah sheegtay in ninka ficilkan sameeyay uu yahay nin beeraleey ah laguna magacaabo Cumar Abuulmajdi Cali Alsagiir oo 31 jir ah deganna tuulada Al-ashraaf Al-sharqiyah kana tirsan degmada Qina. Waxay wakaaladu intaasi raacisay inuu ninkani saarnaa dameerkiisa mar uu ka qaybgalay mudaaharaad looga soo horjeedo inqilaabka milateri oo ay soo agaasimeen Akhwaanul-muslimiinku; wuxuuna dameerkiisa dushiisa ku qoray magaca” Cabdi-Alfatax Alsiisii” asagoo weliba dameerka u saaray koofida ay qaataan ciidamada milateriga dalkaasi Masar.

Waxay wakaalada wararka ee Bariga Dhexe intaasi raacisay in la xiray ninkaas iyadoo lagu soo eedaayay ijaafo uu ugaystay mid ka mid ah madaxda ciidamada qalabka sida iyo weliba ihaanayn uu ihaaneeyay ciidamada dalka Masar iyo dharkooda gaarka ah waxaana loo gudbiyay qaybta denbi barista.

Waxaa la sheegaa in Cabdilfatax Alsiisii uu hogaamiyay inqilaabki juulaay 3-di ka dhacay Masar laguna xiray madaxweyne Maxamed Mursii, iyo weliba baabi’inta dustuurki dalka iyo kala diridda golaha wadatashiga taas oo keentay in ay qaybaha kala gedisan ee shacabka Masar sameeyaan Mudaaharaad looga soo horjeedo gaar ahaa kadib markii uu si wuxuushnimo ah ula dhaqmay dadki kasoo horjeestay inqilaabka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: