Awoodda ka oomanaw ama islaax ahaaw! By Abdulkadir Osman “Aroma”


Awoodda ka oomanaw ama islaax ahaaw! By Abdulkadir Osman “Aroma”

Dhowr qarni dalka Koofur Afrika waxaa ka jirey midab-takoor ay wadeen koox Caddaan ah oo si ba’an u kadeeday madowgii tirada badnaa balse aan Alle tayada ugu deeqin. Gumeysteyaashii caddaa waxay Koofur Afrika ka hirgeliyeen xasuuq bahalnimo iyo dadkii madoobaa oo lagu ooday xeryo xabsiyada ka liita. Si jirta siima jirto, qarniyaal dulmigu waa socon karaa waxaase ugu dambeysta guuleysta xaqa iyo sinnaanta. Sannadkii 1989kii F.W. de-Klerk ayaa loo doortay madaxweynaha Koofur Afrika wuxuu beddelay P.W. Botha oo ahaa cunsuri  ku xeeldheer midab-kala-sooca, dadka madowna u yaqaan baranbaro mudan in la buufiyo.

Goortey isbeddeleen labadaas hoggaamiye, waxaa la saadaaliyey in waa-cusub u baryey Koofur Afrika oo ay ka xorowday nidaamkii foosha xumaa ee midab-takoorka. Madaxda caalamku waxay hambalyo iyo boogaadin u direen F.W. de-Klerk, waxaa loo rejeeyey shacabka Koofur Afrika (madow & caddaan) horumar iyo sinnaan inay ku naaloodaan. Ayaandarro dad baan ku farxin doorashada F.W. de-Klerk oo arrintu ugu muuqatay laba nin oo ilma-adeer ah oo jagada kala dhaxlay. Dad baa goconaayey guuldarradii gumeysigii ummadda kadeeday, wejiyo isbeddelay iyo magacyo kala duwan oo loo qorsheeyey in lagu marinhabaabiyo shacabka madow. Baaderiga Desmond TuTu oo ka mid ahaa dadkii aragtidaas aaminsanaa ayaa maqlay F.W. de-Klerk waa “moderate” ka wanaagsan P.W. Botha, wuxuu yiri murti loo riyaaqay oo taariikhda baal dahab ah ka gashay, erayadii TuTu waxaa ka mid ah “PW iyo FW waa xarfo Ingiriisi ah Botha iyo de-Klerk waa laba nin oo caddaan ah = F.W & P.W are English alphabets and both leaders are whitemen”

Akhristeyaasha qaar baa dhibsada qoraalladeyda ararta dheer leh, akhriste raalli ahaaw maanta dheereyn mayo oo waan soo koobayaa. F.W. de-Klerk oo beddelay P.W. Botha waxaa la mid ah, shalay waxaa dalka boobi jirey oo baanka-dhexe lacagta ka daldalan jirey dad isku beel ah oo ay ugu caansanaayeen: (Maama Madaxtooyo, Injineer Bidaar, Gafane Kibrey, Korneyl Kooshin, Cigaal-Shire-Diini-Diiriye, seedi wasiir maaliyadeed iyo kuwo kale) maanta waxaa beddelay (Jimcaale jeebweyne, Calasow cunaaye, ina-macallin-marya-cadde, Yeberow yaxaas, Jineraal Xarago, Guulwade Garcadde, Damdamle dib-ka-naax  iyo kuwo kale, malaha madasha maanta waxaa ka maqan Seedi Saldano helay iyo Maama Madaxtooyo oo marwooyinka madaxweynuhu weli ma ilbaxin). Shalay halkudheggu wuxuu ahaa Xisbiga Hantiwadaaggu gaabin mayo, gadaal u laaban maayo, gulufka joojin mayo, guul-guul-guul. Maanta halkudheggu waa “Al-Islaax waa amiir, inta kale waa agoonn”. Shalay qofka doonaya inuu madaxweyanaha arko haddii ay ka wasteeyaan Cigaal-Shire-Diini-Diiriye oo aad safka ku biirto salaadda cisha kadib waxaad salka ku siqdaba madaxweynaha oo sigaar iyo kafee isu dulsaaran yihiin waxaad arkeysay addinka hore ee salaadda subax, jawaabta madaxweynuhu waxay u badaneyd qoraal nuxurkiisu ahaa “halla tixgeliyo muwaadinka warqadda sita”. Maanta wax-qabasho iyo daryeel shacabka iska daaye, xataa lama hayo warqadii halla tixgeliyo. Abshir Bacadle (AUN) wuxuu yiri “nabee waa loo darsaday duqii dacayda weynaa”     

Tobankii sano ee lasoo dhaafay xafiisyada dowladda waxaa hortaagan AMISOM,  ayaandarro shacabku inay si caadi ah u galaan oo muraadkooda ka helaan waa arrin adag. Afka askarta AMISOM oo aan shacabku aqoon ka sokow, maamulka oo dhan wuxuu gacanta ugu jiraa koox yar oo habka TAKFIIRKA oo kale u abaabulan, xubnaha kooxdaan mooye qof kale inuu xerada soo galo waa madhacdo. Qofkii kooxdu raalli ka tahay ama uu ka wasteeyo qof xigto leh mas’uulka muraadka laga leeyahay ama xoghaynta xafiiska kula macaamila “faro dufan leh baa wax duuga” ama siyaabo kaloo gurracan wax ku doona, waa laga yaabaa inuu si ciriiri oo waqti badan ku lumo ku arko madaxda dowladda. 1960kii nin baa yiri “nimaan dibutaati daaya lahayn amaan dabagaabi daadihineyn, wallee dameerahaa dardari”. 1940-yadii waagii Hindiya faqriga faraha maran ahayn, qof kastoo xafiis maamule ka ah, albaabka xafiiska laga soo galo waxaa u yiil sanduuq laaluusha loogu rido. Maamuluhu waa aamusi jirey oo ma hadli jirey ilaa uu maqlo wixii sanduuqa lagu riday shanqartiisa, waxaana halhays u ahayd sidee kuula hadlaa adiguba sanduuqa lama hadline “How can I speak because you don’t speak to my box”. Maanta laaluushku waa mushahaarka qaranka loogu shaqeeyo, waxaa socota afgarasho la mid ah sanduuqii Hindiya oo nuxurkiisu yahay madaxda qaranka ma arki kartid, muraadkaagana ma heli kartid haddaan lagaa wasteyn “recommendation” ama aadan laaluush bixin. Waxaa dib loo soo nooleeyey halkudheggii 1960-yadii oo maanta ah “nimaan damul-jadiid daadihineyn amaan doollarkiisa ku daanshoon ama digdigle qabiil daaya lahayn, xafiis dowlo dan kama helo”. Maanta mansabka dowladda waxaa loo arkay mashruuc laga maalaysto, waxaana loo tartamay jagooyinka kala ah: (Bad-gate, bad-sumeeye, bad-xaalufiye, birri-xaalufiye, macaawino boobe). Waayadii Soomaalidu Muslimka toosan ahayd wiilasha waxaa loogu waqlali jirey (Cabdiraxmaan, Cabdillahi, Cabdishakuur, Cabdiqani, Cabdixakiim iyo wixii la mid ah, magacyadaasi waxay ka taagan yihiin addoon Eebbe). Soomaalida maanta waxay u badan tahay (Cabdi-Laba-shaarle, Cabdi-Tabcane, Cabdi-Tigree, Cabdi-Kikuyo, Cabdi-jaajuus, Cabdi-maquuste, Cabdi-gooste, Cabdi-goboleysi, Cabdi-qabiil, Cabdi-jallaafo, Cabdi-luggooyo, Cabdi-laaluush, Cabdi-boobaaye, Cabdi-qandaraasle, Cabdi-shidaal, Cabdi-xaalufiye, Cabdi-dhuxulle, Cabdi-NGOle, Cabdi-Qarxiye, Cabdi-Xasuuqe, Cabdi-Qaxiye iyo kuwo la ayni ah, magacayadaasi waxay ka taagan yihiin addoon adduunyo). Sannadihii Maxamed Ibrahim Cigaal RW ahaa, halhaysku wuxuu ahaa “Ciise Muuse mooyee haddii cidiba noolaato”. Maanta halhaysku waa “Cabdi-adduunyo mooyee haddii cidiba noolaato”.

Soomaalidu waa dad xiiso badan oo naftooda been ku maaweeliya, marnaba run isuma sheegaan. Erayga dowlad si khaldan bey u fahmeen, markey maqlaan dowlad waxay ka rejeeyaan inay cirka malab iyo dahab ka keento oo ay daruuro dahab ah dalka ku wada camirto, qof kastana gurigiisa ku helo nimcadaas.  Maamulkii daaqiliga ahaa ee 1950-yadii waxaa hormood ka ahaa (Aadan Cadde, Cabdullaahi Ciise iyo Sh. Cali Jimcaale) haddiiba wax sannad ka yar, magacyadii raggaas waa la beddelay oo waxaa hirgalay halkudhegyo ay ka mid ahaayeen “Shabcuun iyo Shigshigaaye iyo Sheekha weydaa shartooda Allow na dhaafi”. Koox hal sano hoggaanka haysa oo aan la dhaleeceyn taariikhdii lasoo maray madhicin, madaxweynaha in naaneys xun lagu sunto waxay ka mid tahay dhaqan xumada iyo fowdada Soomaalida. Dowladihii dalka soo maray sannadihii burburka, dowladda hadda hoggaanka haysa inay xagga arrimaha dibedda uga firfircoon tahay maamulladii ka horreeyey  bulshadu waa qirsan tahay. Ha-yeeshee bulshadu waxay farta ku goday in DF ay ku guuldarreysatay arrimaha gudaha, gaar ahaan nabadgelyada, adeegga bulshada iyo dib-u-heshiisiinta, oo cabashada dadweynuhu waxay leedahay “meel Islaax ka arrinshoo ammaana la waa, meel Islaax ka arrinshoo ubax ka nuuro la waa, meel Islaax ka arrinshoo adeegleh la waa, meel Islaax ka arrinshoo dib-u-heshiisiin ah la waa iyo wixii la mid ah”.

Oktoobar 1947 Ganacsade Carab ah ayaa karbaashay xamaali u shaqeynaayey, dabadeed Soomaali caraysan ayaa cagta marisay Carabtii Xamarweyne deganayd “Soomaali hannoolaato iyo Daanaxdaanax dalka ka erya” ayaa halkudheggu maalintaas ahaa. Jannaayo 1948 waxaa Soomaaliya yimid “Four Power Commission” waa afartii waddan ee dagaalkii 2aad ku adkaatay. Qeybaha bulshada ayey wareysi la yeesheen, maadaama Soomaaliya laga kiciyey Fajiistadii Talyaani, shacabka ku nool Koofurta Soomaaliya waxay doonayaan. Maalinba qolo ayaa la qaabiley, jaalliyada Carbeed oo sheegatay inay dhan yihiin 25 kun waxay diideen inay ku hoos noolaadaan dowlad Soomaaliyeed. Carab suugaanta wax ka yaqaan ayaa yiri “niman suldaan u suubanoo, Soomaali ka roon Allow na sii”. Hal sano oo urur diimeedka Al Islaax daadihinaayey maamulkii dalka, guuxa dadweynuhu wuxuu leeyahay “agaasin Islaax ka roon iyo amni-waara Allow na sii”.

Cabdi-Laba-baasaboorle iyo Cabdi-diaspora

Boqollaal Cabdi-adduunyo oo saaxada siyaasadda iyo hidde dhaqanka Soomaalida ku cusub ayaa soo ifbaxay sebenka fowdada. Maqaalkeygii hore ee dulucdiisu ahayd “Suluqsaaluq socodka Prof Axmed Samatar” waxaan ku qoray “Soomaaliya waa qashin qubkii qurba-joogta”. Waraabe ayaa yiri “hooyaday intay nooshahay waan nuugayaa, markey dhimatana waan cunayaa”. Qurbajoog sidata baasaboor ajnebi iyo baasaboor Soomaali diblomaasi ah ayaa sida  Ayax dalka ugu duldegay, waxay la mid yihiin Gorayadii tiri “haddii ciyaartu wanaagsan tahay lug baa iigu jirta, hadday xun tahayna waan kali bixi lugta”. Cabdi-Laba-baasaboorle iyo Cabdi-Tabcane dalka ka qaxay 1991kii ayaa dib u soo rogaalceliyey, qaar waxay ku andacoodeen waxaan ka nimid Yurub iyo Ameerika oo afka Ingiriiska ayaan ku hadalnaa ee waa in madax nalaka dhigo derejo sare naloo dhiibo (karaani ilaa wasiir). Qurbajoogta qaar waxay la yimaadeen mashruuc musuq la yiraah (lease agreement) oo waxay kala boobayaan hantidii qaranka sida hoteelladii wasaaradda dalxiiska iyo kaalimihii shidaalka. Kooxaha qurbajoogta waxay u hamuun qabaan inay ka faa’iideystaan burburka Soomaaliya, waxayna kusoo xoomeen “Raqdii Maandeeq”, nin cad dubaax leh helay iyo nin calool iyo cagaf helayba ceeriinka ayaa lagu qeybsaday hilbihii Maandeeq. 1970-yadii Ruwaayaddii aqoon iyo afgarad ee Abwaan Hadraawi allifey, waxaa ka mid ahaa:

“Hal la qalay raqdeed baa lagu soo qamaamoo. Qalalaasihii baa ninba qurub haleeloo. Laba waliba qeybteed qorraxdey ku dubatoo”.. Hadraawi waa asiibey oo Allaa waafajiyey inuu saadaaliyo qaranjabka iyo fowdada maanta taagan.

Cabdi-laba-shaarle & Cabdi-jallaafo

Dibindaabyada darxumada leh ee ay hirgeliyeen (Cabdi-laba-shaarle & Cabdi-jallaafo) waa ka baaxadweyn tahay xil-doon iyo hanti boob, waa shirqool iyo siriq aasan, intooda badan waxay ku shaqeeyaan af iyo uur kala beddelan, munaafaqad iyo marinhabaabin oo qaar baa diiddan qaran mideysan iyo Soomaali wadajirta. Erayada afka baarkiisa ku siman aan tusaale kooban ka bixiyo. Goortii la riday dowladdii dhexe, daafaha dalka waxaa ka hanaqaaday magacyo cusub oo danta loo allifey ay tahay qabiil naaxin, waxaa ka mid ah: (Isaaq waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Somaliland, Majeerteen waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Puntland, Ogaadeen waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Absame, Abgaal waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Mudulood, Murusade waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Karanle iyo kuwo kaloo la ayni ah). Xafladdii waqlasha Mudulood waxaa ka duceeyey oday Harti Abgaal ah oo curadnimada lagu maamuusay. Duco dheer kadib wuxuu kusoo gunaanaday “Allow ducada iyo duraamada Abgaal ku dhowr”, nin baa dhegta ugu sheegay inuu ducada ku noqdo maadama dadka goobta fadhiya ay Abgaal ka badan yihiin. Markale ayuu duceeyey kuna qatimay “Allow ducada iyo duraamada Abgaal ku dhowr”, saaxiibki ayaa mar labaad u baaqay oo ku yiri ducada ka dhig mid guud oo Mudulood ah. Odaygii ayaa wixii qalbigiisa ku jirey afku xaday, wuxuuna yiri “50 sano ayaan erayadaan xafidsanahay oo aan Abgaal u duceynaayey, duco Mudulood weli maankeyga ma gelin ee raalli ahaaw”. Socod aan loo dhalan seddax saamood madhaafo. Muddo gaaban si taxadar leh waa loo jili karaa been aan niyadda jirin, waxaase runtu tahay wixii uurka ku jira ayaa afka kasoo baxa.

Meel kasta iyo madal kasta, wasiirada iyo xildhibaannada qaar bey afkooda kasoo fakataa “Gooni-isu-taagga Somaliland waa muqadis.. dee anigu Somaliland baan ahay ee carruurteyda ayaa reer Koonfur ah.. dee sidii Khaliijka Carabta loogu shaqo tegi jirey oo kale ayaan Muqdisho u soo shaqo tagnay.. dee Koonfur waxaa taal hanti reer Somaliland oo aan beylahda ka ilaalineynaa.. Si caasimada degmo kale loogu raro, bowe Muqdisho waa in aysan marnaba degin oo ay weligeed ahaato qabri iyo qashin.. Puntland waa isku filan tahay ee waa inay Xamar ka goosato, Jubbalandna laga dhigo SARSAR Keenya.. walee ama u talinay Soomaali ama kala tagtay.. Eegga annagoo dhowr malyan ah oo weliba ah adeegeyaal daacad u ah Adis Ababa iyo Nairobi, in maamulka Jubbaland qolo kale damac ka galo waa gardaro aan geed loogu soo gamban.. Halhayskii siyaasiyiintu waxay kusoo uruurtay,  dan guud ma jirto ee waxaa jirta dan shaqsi iyo mid beeleed. Siyaasiyiinta sebenka in badan oo ka mid ah hadaf iyo halbeeg waxaa u ah erayada sare iyo afkaar goboleysi ku dhisan.

Cabdi-maquuste & Cabdi-qandaraasle

Seddax eray oo afka Ingiriiska ku jirta oo afka Somaalida aan laga helin ayaa jirta, waxay kala yihiin (expiry, office tenure & pension). Waayadii Soomaalidu miyiga ku noolayd waxay keydsan jirtay (uunta xoolaha iyo badarka). Raashinka oo sidiisaba dalka ku yar awgeed, keyd dheer ma jirin oo wixii risaq la haysto muddo gaaban ayaa lagu cuni jirey. Sidaas awgeed erayga “wax dhacay ama expiry” hidde dhaqanka Soomaalida kuma jiro. Sidoo kale xilalka bulshada loo hayo taariikhiyan waxay ahaayeen (Ugaas & Caaqil) labadaas jago ma lahayn waqti ay ku eg-yihiin oo xilka laga fariisto (office tenure & pension) oo ilaa odaygu ka geeriyoodo isagaas ahaa (Ugaas ama Caaqil) markuu xijaabtana wiilkiisa ayaa jagada ka dhaxli jirey. Dhaqankii miyiga magaalada ayaa loo soo raray, wuxuuna ku milmay siyaasadda iyo maamulka dalka. Tusaale: ninkii aabbihi 1940-yadii ahaa “ilaal ama gogle” wuxuu ku andacoonayaa jagada ilaalnimada aabbahey ayaan ka dhaxlay. Ninkii aabbihi 1955 ahaa xildhibaan wuxuu ku andacoonayaa anigaa maanta ah xildhibaanka beesha oo aabbahey baan ka dhaxlay. Ninkii hal maalin xil-qaran qabtay (Agaasime guud ilaa Madaxweyne) waa xiiqsan yahay wuxuuna u xusulduubayaa jagadaan anigaa iska leh geerideyda kadibna wiilkeyga ayaa dhaxlaya (political expiry, office tenure & pension) qaamuuska siyaasadda Soomaalida kuma jiraan.

Cabdi-maquuste & Cabdi-qandaraasle muddo dheer ahaan jirey jileyaasha siyaasad beeleedka sebenka fowdada ayaa beryahaan saldhig ka furtay Nairobi, walow aysan magac urur oo rasmi ah la bixin, waxaa lagu suntay “Naadiga Fidnada Nairobi ama Baadi-irmaan”. Hiirta waaberi goortii laga qaxweeyo “Hotel Grand Regancy” falanqeyn ku wajahan jallaafeynta iyo dhabar-jebinta DF iyo maamullada kale kadib dooddu waxay ku biyoshubataa calaacal nuxurkiisu yahay (Markaana xilka hayey waan ilduufay oo hanti badan meel ma dhigan, markaan xilka hayey fursad baan lumiyey, qandaraaskii lay siiyey kama faa’iideysan, baaqii beesha caalamka ma fahmin iwm). Waa rag aan fahamsaneyn in waqtigoodii dhacay “expiry” isla markaana qandaraaskii ka dhammaaday. Waxay la mid yihiin “House Nigger” qanadaraaskii ka idlaaday. Addoontii qaaradda Afrika laga qaaday markii la geeyey “Yurub & Ameerika” shaqo ahaan waxaa loo qeybiyey “House Nigger and Farm Nigger”. Intii xoogga weyneyd oo loo bixiyey “baqal “mules” waxaa lagu jaaday wax-soo-saarka beeraha iyo warshadaha, goobaha shaqada ayaa la dejiyey. Kuwii xoogga yaraa waxaa laga dhigay adeege guri “House Nigger” markuu 40 sano gaaro oo firfircoonidiisu yaraato waxaa lagu dari jirey “Farm Nigger”. Sannadaha uu ka shaqeynaayo guriga  milkilaha   “House Nigger” waa is kala weynaadaa “Farm Nigger” maadaama uu ka luflufto guriga “whiteman-ka”, wuxuu jaajuusaa oo cadaadiyaa tolkiisa “Farm Nigger” maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay inuu ka dallacay sinjigii “blackman” una dallacay “whiteman” oo ka sarreeyo “Farm Nigger”.

“House Nigger” wuxuu isla sarreeyaba oo is moodo inuu yahay “whiteman”  markuu gaaro 40 sano ayaa albaabka laga soo xirtaa oo loo beddelaa goobaha wax-soo-saarka. “Farm Nigger” u ciilqaba jaajuuskii “whiteman-ka” ayaa takoora “House Nigger” bahdilan oo lasoo eryey. Habaar-qabe “House Nigger” sida carsaanyada ayuu hadba gees u cararaa, mar wuxuu tagaa goobaha shaqada, wuxuuna ku calaacalaa “isku midab ayaan nahay, isku qaarad baa nalaka keenay, isku markab baan kusoo safarnay ee tolow yaan lay eryin”. Looma jixinjixo sidii eey qoyan baa loo ceyriyaa oo weliba lagu yiraah dib ugu noqo milkilihii “whiteman” aad jaajuusku u ahayd. Habaar-qabe “House Nigger” waa islaba-rogaa oo wuxuu ku laabtaa gurigii milkilaha, wuxuuna ku calaacalaa “waataan ubax qurxoon beeri jirey, waataan musqulaha nadiifin jirey, waataan cuntada dhadhanka wacan karin jirey, waataan Islaanta odaygu ka dhinto shaydaanka ka naari jirey, waataan waqtiyada faakiheysiga sida dibiga Spain ciyaaraha idinku maaweelin jirey oo hortiina ku niikin jirney oo haddii loo baahdo jinsi ku jiro “live sex” ee mudanow maanta yaan lay eryin”. Milkilihii “whiteman” oo sigaar qiiqinaya ayaa cabbaar ka aamusa, kadibna wuxuu amraa inuu iska xaadiriyo goobaha wax-soo-saarka maadaama uu hawlgab yahay. “House Nigger” oo labadii meeloodba laga diiday ayaa ku calaacala “ciilow bey ceebteyda carsaanyada sideedii miyaan gees walba u cararay”.

Kooxaha loo yaqaan (Cabdi-qandaraasle & Cabdi-maquuste) ee sida qiiqa iska-daba wareega kuna meereysta xarumaha laga walaaqo fidnada Soomaaliya iyo xafiisyada ku hawlan inay Soomaaliya ku waarto qaranjabka iyo qaxootiga darxumeysan, waxay la saayiraan si joogto ahna ula xiriiraan hay’adihii waagii hore qandaraaska soo siiyey oo fahamsan in heshiiskii “contract” dhammaaday. (Cabdi-qandaraasle & Cabdi-maquuste) weligood ma sabraan, mana fahmaan murtida leh “soo noqo berri, saad-dambaan ku siin iyo saakuun bey hagaagi, doqon baa sed u qaadata” sida carsaanyada ayey hadba gees u cararaan, waxayna ku calaacalaan “waataan ahaan jirney Magac-Muslimle Maan-Gaalle, waataan ahaan jirney adeegeyaal daacad ah, waataan danahiina ka hormarin jirney danaha dadkayaga, waataan ahaan jirney cilmaaniyiin diidan caaqiidada Islaamka, waataan hirgelinay qorshaha kala qoqobka Soomaaliya oo loo sii qeybiyo (lixlanad = Somaliland, Puntland, Midland, Banadirland, Bayland, Jubbaland iyo weliba Sunno & Sixiroole” ee mudanaw markale qandaraaska hanaloo cusbooneysiiyo. Ayaandarro looma jixinjixo, jawaabta kooban ee la siiyo waxay tahay “Former servants your contract has been expired” akhyaarey qandaraaskiinii waa dhacay waana inaad fahamtaan nidaamka wada shaqeyntu inuu waqti ku eg-yahay.

Geeljire la yaabay tirada takbiirta salaadda Iidda ayaa yiri maanta xagee salaadu iska qaban la’dahay?. Is-afgaran-waagga ka dhex oogan qandaraasle iyo qandaraas bixiye maxaa sababay? Sababtu waa faham la’aan ka timid kooxda Nairobi oo ka dhalatay (expiry, office tenure & pension) eryadaas oo aan ku jirin hidde-dhaqanka iyo eray-bixinta Afka Soomaalida. Weli waxaan maskaxdeyda ka doon-doonayaa magac ku habboon guud ahaan Soomaalida u adeegta shisheeyaha, gaar ahaan Kooxda Nairobi. Magac loogu wanqalo waa hal-xiraale u yaal suugaanleyda iyo qalinleyda. Waxaanse maqlay magac ku habboon, luqaddu waxay la saanqaaddaa dhaqanka iyo hab nololeedka bulshada oo waayaha iyo waqtiga ayaa soo kordhiya eray-bixin cusub. Dagaalladii dhexmaray Jabhadda Ogaadenya iyo ciidanka Xabashida jaajuuseentii la safneyda Xabashida, ONLF waxay ugu wanqashay “Dabaqoodhi” kolley anigu garanmaayo macnaha magacaasi ka taagan yahay, wuxuu u eg-yahay magac ku habboon kooxaha  shisheeye kalkaal.

Cabdi-qarxiye & Cabdi-qaxiye

Nin lagu magaacbi jirey THOMAS MORE ayaa qarnigii 15aad (1478-1535) ku riyooday muuqaalka JANNADA wuxuuna ku magaacabay “Utopian Socialism”  isagoo sharrraxaya riyadiisa wuxuu yiri “adduunku wuxuu gaari doonaa nabadgelyo iyo barwaaqo aan loo baahneyn dowlad iyo askar, iyadoo dadka oo dhan ay yihiin walaalo siman”. Meel barwaaqo ah oo nicmo xad-dhaaf ah taal oo aan addiyad iyo askar lahayn, dabcan waa jannada. Koox la fekrad ah THOMAS MORE ayaa ku riyootay in Soomaaliya laga sahay qaato oo rucle orod lagu tago qorrax kasoo baxa Australia ilaa qorrax u dhaca Ameerika oo afkaartooda lagu maamulo adduunka dadka oo dhanna ay noqdaan walaalo is jecel “rag garleh iyo haween indhashareer leh”. Kooxda loo yaqaan Cabdi-qarxiye & Cabdi-qaxiye, waxaa halkudheg u ah shiribkii oday Cabdulle ee ahaa “hal waa qalaa, halna waa qarxaa, halna inuu qaxaan qasbaa”. Waa koox mayal adag oo mowqifkeedu yahay haweenka ku nool Australia ilaa Ameerika oo indhashareer laga simay in la qaniimeysto. Kooxdaani haweenka indhashareerka leh waxay ku aroosaan nidaam loo yaqaan “dar-Alle iyo derin” laakiin ma kufsadaan “AIDS-na” kuma ridaan sida AMISOM oo haweenkii Soomaaliyeed isugu dartay kufsi lagu bahdiley iyo cudur dilaa ah oo bulshada lagu dhex faafiyey. Imaanshahii AMISOM ka hor Koofurta Soomaaliya kuma jirin cudurka “AIDS” maantana wuxuu gaarey 5%.

Bulshada Soomaaliida oo xubinaha neefta laga xiray, dhan kastana laga cunaqabateeyey ayaa hadda suuxsan oo ku jirta xaalad miyirbeel ah. Guud ahaan taariikhdii lasoo maray gaar ahaan sannadaha burburka, bulshada waxaa soo samatabixiyey haweenka. Maalin iyo habeenba waxay ku hawllan yihiin ganacsiga yaryar sida iibinta: shaaha, caano, cuntada, bacadlaha, jaadka, qudaarta iyo wixii la mid ah. Ayaandarro haweenkii Soomaaliyeed waxaa laga dhigay maxaabiis ku xayiran guryaha, sababtoo ah, dhowaan waxaa Xamar laga billaabay mashruuc halis ku ah haweenka. Dabley wadata baabuur ayaa haweenka xaafdaha ka afduubta sida la sheegay waxayna geeyaan xeryaha ciidammada AMISOM. Haweenka la afduubay waxay AMISOM u noqdaan addoon loo galmoodo “sex slaves” ugu dambeystana waxaa lagu beeraa cudurro halis ah oo “AIDS” ka mid yahay. Dhowaan warbixin ay soo saartay hay’adda Aminsty International waxay qeexday sannadkii 2012 in Gobolka Banaadir lagu kufsaday 1700 haween, inta badan kufsiga waxaa geystay ciidan ku-sheeg hubeysan. Bahdilka iyo karaamo ka qaadka haweenka ka sokow, waxaan la garaacay albaabkii ugu dambeeyey ee cunaqabateynta iyo macaluusha. Afduubka iyo kufsiga laysku lammaaniyey waxaa laga leeyahay qorshe fog oo ku wajahan tirtirista qowmiyadda Soomaalida, waxaa la doonayaa in qaar macaluul u dhinto, qaarna dibedda u qaxo, dabadeed dalku noqdo dhul aan cidini lahayn “no men’s land”.

Isdilka iyo kufsigu waa Camal-Shaydaan facweyn oo lasoo saanqaday jiritaanka aadamiga.  Bini-aadamka oo lix qof ah ayaa Qaabiil diley walaalki  Haabiil, waxayna ku dirireen gabadh, laga soo billaabo waqtigaas waxaa hirgalay isdil iyo kufsi. Maadaama haweenku yihiin nimco Alle ragga ku manneystay waa lagu dagaallamaa, hadbana qoladii guuleysta oo gacanta sare leh ayaa haweenka qaniimeysata. Tusaale, Ameerikaanku markuu jebiyey xoogagii Ciraaq si safmar ah ayaa haweenkii Ciraaq loo kufsaday, ugu dambeystiina xabsiga Abu Qureyb rag baa lagu kufsaday. Haweenka Soomaaliyeed ee sida safmar ah loo kufsaday macnaheedu waxaa weeye raggii difaaci lahaa ee nimcada Eebbe hanan lahaa ayaa la jebiyey ee haweenku hayska sabreen, insha-Allaah maalin aan dheereyn baa geesiyaal fool adag ayaa difaaca haweenka u soo gurman doona. Guud ahaa daafaha dunida dab baa ka holcaya, gaar ahaan waddamada Islaamka oo lagu soo qaaday “Xarbi Saliib”. Xasuuqa iyo kufsiga dacallada caalamka ka socda, gumeystaha wax gumaada, gaboodfalkiisa waxaa ka hadla oo fardheer ku fiiqa gardarrada qaawan madaxda shacabka la dhibaateeyey, taas beddelkeeda madaxda Soomaalidu waxay inkiraan dhibaatada Soomaalida la garsiiyo, waxay u duceeyaan isla markaana difaacaan dembileyaashii shacabka dulmiyey. Tusaale: 2007 masjidka Al-hidaayo ee xaafadda Huriwaa waxaa lagu laayey culumo Tabliiq ah. Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo xasuuqaas ka hadlay, waxaa xaq loogu lahaa inuu u tacsiyeeyo culumadii la xasuuqay, balse wuxuu ku tilmaamay argagixiso, ciidammada Itoobiyana wuxuu u tebiyey hambalyo iyo bogaadin. Mar labaad 2010 dagaal dhexmaray AMISOM iyo Shabaab, dhaawacii AMISOM oo lagu dabiibaayey isbitaallada Bujunbuura iyo Kampla, madaxweynihii xilligaas ayaa isbitaalladii ubax ugu geeyey, caafimaadna u rejeeyey. Mar seddaxaad kufsiga safmarka ah ee haweenka lagu kadeeday, dowladdu si firfircoon uguma hadasho, marmarna waaba dafirtaa jiritaanka kufsiga oo waxay dhiirigelisaa in la qariyo. Wasiir damiir ahaan iyo diin ahaanba laga filayey inuu cod dheer ku difaaco guud ahaan xuquuqda haweenka gaar ahaan kuwa la kufsado ayaa kufsi ka dhacay xerada Maslax si dadban u inkirtay kufsigaas isla markaana hiil iyo taageero u muujisay ciidammadii AMISOM ee kufsiga geystay, warbaahintana ku amartay in aysan ka hadlin haweenka la kufsado.

Murti baa leh, geelu hadduu labada dambe habeed ku yeesho waa ged lagu yiqiin, hadduuse labada hore ku yeeshana waa ged cusub. Waxaa ged cusub ah haweeney shuko leh oo halkii ay ka difaaci lahayd xuquuqda dumarka, dafireysa marwo cadow kufsaday oo dhiig-baxaysa. Wasiir shukaale ma daryeelka haweenka ayey derajada ku heshay mise darxumada iyo silica haweenka ayey ku diirsataa? Wasiir shukaale ma arrimo dahsoon iyo kala aarsi bey ka dabaaqeysaa? Hidde dhaqanka Soomaalida kala aarsigu sharaf iyo haybad buu ku yahay, oo horaa loo yiri “ciyoon aarso waa camal carruureede, cagta ii dhig waa kaa nabsigii soo carceersadaye”. Hawwenta lagu kufsaday xerada Maslax ma laga yaabaa in Maleeshiyo ku hayb ah inay 1991kii haween ku kufsadeen degmada Baraawe oo Wasiir shukaale ka jawaabayo gaboodfalkii dableydii shalay?  2007 xasuuuqii ciidanka Xabashida haweeney waxyeello ka soo gaartey oo ooyeysa ayaa waxaa maqlay Wasiir TFG oo ciil ku gaamurey kadibna isagoo faraxsan wuxuu yiri ooyintaan ooyin baa ka horreysay ee kuwii shalay dulmiga geystay ha-adkaysteen.

“Minority rights” waa mushkilad cusub

Murti baa leh, Ayax teg eelna reeb. Hay’adaha Caalamka oo har iyo habeenba heegan u ah inay si joogto ah u  jahawareeriyaan bulshada Soomaalida, waxay u tallaaleen geed fidno oo qarniyo jiri doona. Dhibaatada Soomaaliya loo beeray waxaa ugu xanuun badan waxa bulshada caalamku ugu yeertay xuquuqda haween iyo dadka laga badan yahay “Gender equality & minority rights”. 2010 Baar KM4 waxaan ku sheekeysanay xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federal, wuxuu ii sheegay inuu hayb ahaan yahay Yibir jagadana ku helay qorshaha luggooyo ee loo yaqaan “four point five”, waxaan kula taliyey inuu bil kasta dhowr wan qalo oo wadaado u yeer oo ku duceysto in Alle Soomaaliya ku waariyo fowdad iyo dowlad la’aanta. Wuxuu yiri oo maxay sababatu tahay? Waxaa ku iri, haddii nidaam la helo oo la gaaro hal cod hal qof “one man one vote” degmadee xildhibaan Yibir laga soo dooran doonaa oo laga heli karaa 100 Yibir oo meel wada degan? Hay’daha dastuurka Soomaaliya u dejiyey oo ah qareennada qorshe dhalanteedka loogu yeero demoqoraadiyadda, waxay ku andacoodaan in demoqoraadiyaddu ku taagan tahay “xukunka inta badan iyo xaqdhowrka inta yar = majority rule & minority rights” ha-yeeshee Soomaaliya waxay ka hirgeliyeen nidaam bilcaksi ah oo ku dhisan “xukunka inta yar iyo ku-xadgubka inta badan = minority rule & majority oppressed”. Taariikhdii shalay marka la yaqaan ayaa mushkiladda maanta aloosan la maareyn karaa. 21kii sano ee Kacaankii Oktoobar beelaha yaryar ayaa mudnaan xad-dhaaf ah la siiyey. Horraantii 1990kii Siyaad Barre ayaa Ra’iisul Wasaare u magacaabay M.C.Samatar oo soo xulay wasiiro aan laysu dheellitirin beelaha laguna saleeyey cadaaladdarro xagjirta, iyadoo Samatar beeshiis Gabooye u qoondeeyey 3 wasiir. Laashin diiddan eexda Samatar & Siyaad ayaa ku shirbay “Sanca-yaqaan seddax wasiir, sagaal Abgaalna Suulalley. Siyaad Barrow sinnaantu sidaan miyaa? Waxbaan saxaa sidaan miyaa? Siyaasadda Kacaanku sidaan miyaa? Cadaaladdarradii Siyaad Barre waxay sababtay dagaallo lagu hoobtay, ayaandarro 2012 rubac qarni kadib ayaa dib loogu noqday cadaaladdarradii shalay oo la sii boqol jibaaray. Murtida maantu waa  “Saf Islaax sedbursi sii, inta kale salaan u taag. Siyaasadda cusub sidaan miyaa? Sahanka Xasan sidaan miyaa?”. 1960-yadii Xaaj Aadan Afqalooc ayaa ku gabyey “Kaba-tole maxkamad loo tirshey waa tusmo habaabe, iyana waa tabaallaha waqtiga taynu aragnaaye. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego”. Haweeney awooddeedu ku siman tahay inay carruurteeda xannaaneyso in xil culus garbaha loo saaro waa tusmo habaaw. Gabyaa Saciid Gacamey oo dhaleeceynaayey maamulkii Siyaad Barre ayaa ku maansooday “habar saar ka qaylisay yaa mas’uul qaaliya u dhiibey”. Kacdoonka Carabta waxaa loogu wanqalay “Gugii Carabta” kacdoonka Soomaaliya waxaa lagu suntay “Gugii Gaagaabta iyo Gambooleyda”.

26/09/1956 Ra’iisul Wasaare Cabdullaahi Ciise ayaa golihii xeer-dejinta horgeeyey “motion” ku saabsan in haweenka loo oggolaado  waxbarasho iyo codbixin. Xildhibaannadii qaar baa goobtii ka dareeray oo ku andacooday “motion-ku” wuxuu keenayaa Gaalnimo iyo anshax-xumo qoysasku ku burburaan. Halgan adag iyo loollan dheer kadib “motion-kii” waa la dhaqangeliey “Bollettino Ufficiale Supplemento n. 1 al n. 11 of November 13, 1956”.  Alle haka abaalmariyee Cabdullahi Ciise dadaalkiisii mirodhal iyo naajax buu noqday, wuxuuna ku guuleystay  haweenku inay waxbartaan isla markaana doorashada ka qeybgalaan oo ay hantaan xilal sarsare qabtaan. Haweenku waa saldhigga bulshada, waxayna kaalin firfircoon kaga jiraan horumarka dalka, ha-yeeshee hadalhaynta horumarinta haweenka beryahaan waa laga badbadiyey, wax kastoo xadka la dhaafiyo way qiime-dhacaan, weelkii qaadkiisa ka badan lagu shubo waa qubtaa, qabaal qaadkiisa madhaafo ama qarkuu ka jabaa. Xildhibaannadii 1956kii diiday waxbarashada iyo codbixinta haweenka, hadday maanta arki lahaayeen heerka haweenku gaareen maxay dhihi lahaayeen? Hubaal iyagoo anfariirsan waxay oran lahaayeen “waa adduun calooshii laga raray oo tuurta laga caynshay”.  Abwaan reer Galbeed ah ayaa yiri dadka garaacaya durbaannada daryeelka iyo derajeynta haweenka waxay dumiyeen qiyamkii qoyska, waana laga badbadiyey oo heerkii waa la dhaafiyey.  “Feminist drums of women’s emancipation is over-limited and too exaggerated”  FG: Kooxaha Cabdi-adduunyo qormo kasta laba ayaan ku falanqeyn doonaa ee la soco qeybaha dambe. Akhristeyaasha waxaan ka codsanayaa inay wax ka qoraan cinwaanka Cabdi-adduunyo.

 

Abdulkadir Osman “Aroma”
Shirwac55@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: