WIXI TEGAY HA KU FAANIN EE HADDA MAXAAD HAYSAA?


Dadku markuu kulmo waxaa dhex mara wada sheekaysi, mararka qaarna in laysugu faano dhaqan wanaag, waxgalnimo, iyo weliba wax qabsiga ay bulsho leedahay.

Beri dhowayd ayaan waxaan meel laga shaaheeyo kula kulmay dhaliyaro aan is garanayno intooda badanna aa iskuul wada aadno. Runti, farqi wayn ayaa inoo dhexeeya aniga iyo raggan dhalinyarada ah marka laga eego xagga da’da laakiin taa ma dareemo ilaa aan muraayadda isku eego subaxdi oo aan arko madexayga oo geesaha ka cadaaday iyo garka oo inta badan cadaaday. Waxaan ahay ciroole aan is ogayn oo ismooda dhalinyaro taana waxaa sababay anigoo inta badan dadkan dhalinyarada ah ku dhex jira maalintii oo dhan maadaama aan wax wada barano. Yaanan war kugu daaline, sida hadba arimaha iyo dhacdooyinka aduunka midba mar looga hadlayey ayay arinti isugu biyo shubatay in layska waraysto nin walba dhaqankiisa. Dadkan oo kasoo kala jeeda qowmiyado kala duwan oo qaar aan anigu ku jiro Afrikaan yihiin, qaar yihiin dad ka yimid Laatiin Amerika amaba waalidkood ka yimaadeen, qaar indhayar yihiin, laba madowga Maraykanka ah, iyo weliba kuwa cadaan ah ayaan haddana dhamaanteena waxaan bah wadaag ku nahay haysashada warqadaha ama jinsiyadda Maraykanka anigoo og in qaar naga mid ah ay aad isu xijinayaan amaba isu arkaan inay dadka kale ka xigaan. Runti waxaa meesha ka maqan ciddi meteli lahayd dadki dhabta u lahaa dhulkan oo loo yaqaano “Natives” oo macneheedu yahay “dadka dhaladka ah.”

Marki ay sheekadu meeshaas marayso ayaa ninba wax sheegtay uu ku amaanayo wadanka uu hadda kasoo jeedo amaba asal ahaan uu kasoo jeedo. Inti la hadlayey oo lays amaanayey dadka keliya ee aan dareemay inay wax wayn qabteen oo noloshooda wax ka bedeleen waa dadka madowga Maraykan u dhashay. Labada dhalinyada ahi waxay aad uga hadleen halganki ay aabayaashood iyo awoowayaashood u soo galeen inay madawgu xorobaan. Waxyaabaha ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa: Malcolm X., Martin Luther King, Fredric Douglas, iyo weliba naagti caanka ku ahayd inay adoonta madoow ee fakadka ah si qarsoodi ah ku geliso Kanada iyadoo iyada iyo dadki la shaqaynayey ay ikhtiraaceen wadooyin aan caadi ahayn ee lagu safro. Naagtan waxaa lagu magacaabi jiray Harriet Tubman. Sidoo kale waxay ka hadleen Rosa park oo ahayd gabadhi madoobeed ee ugu horaysay diidayna inay Baska gadaal ka fariisato. Intaa keliya maaha ee dhow kale ayay ka hadleen.  Iyadoo ay wax badan qabteen dadkan haddana waxaad moodaa in jiilashi ugu danbeeyay halganki aanay sii wadin oo ay Bulshada madoow aad u liidato maantay haday ahaan xagga tacliinta, isticmaalka mukhaadaraadka, iyo weliba iyagoo aad xabsiyada uga buuxa.

Markan doorku aniguu isoo gaaray; waxay noqotay inaan maskaxda baarbaaro. Waxaa isla markiiba iisoo baxay Sayid Maxamed, Axmed Guray, Xalane, Xarbi, Cilmi Nuur Tareey, iyo weliba Halyeeyaal kale oo usoo halgamay xoriyaddi dalkeena. Intaas waxaan sii raaciyay: Maxamed Faarax, Cabdi Bile, iyo dhowr qof oo Mutacalimiin Soomaaliyeed ah oo aan magacyadooda iyo waxa ay qabtaan aan tilmaamay.

Marki aan dhameystay ayaa laygu yiri, “Waxan aad ka hadashay inta badan waa taariikh hore laakiin hadii ay dadkaadu dad wax gal ah yihiin may isdaba qabtaan inta aanay aduunka ka tirtirmin.” Waa hadal dhab ah oo jira jawaabtiisana ma hayo.

Waxaan ku jawaabay anigoo runti yaxyaxsan  in aduunka oo dhan uu soo maray dagaal sokeeye oo wadankan aan joogno oo ah kan dunida oo idil maantay kor u eegayso uu soo maray kana soo kabtay. Waxaan rejaynayaa inaan annaguna wax ka baran doono kana soo kaban doono.

Waxaa soo booday mid ka mid ah labadi dhalinyarada madowga ahaa oo yiri, “Hadii aad sidaas aaminsantahay aad ayaad u qaldantahay sababtoo ah waqtiga uu dhacay dagaalki sokeeye ee dalkan dunidu sida ay hadda tahay maahayn. Maantay, waa adagtahay sidi lagu dhameeyo dagaalka sokeeye ee dalkaada ka jira maxaa yeelay Soomali uun keliya maaha waxa dagaalka wada ee waxaa ku jiraa dalal aad u farabadan oo midba maalinkaas qabiilka uu dan kaleeyahay haduu ka waayo mid kale kusoo hubeeya. Taa keliya maah ee waxaa jira dagaal diimeed muuqda iyo mid qarsoo oo dalkaada ka socda.”

Runti ninkan waxa uu sheegay waa dhab oo qabiilooyinka Soomaalida midba maalin ayaa gaalo iska hogaansataa maskaxdoodana wixi ay doonto kusoo shubataa hub iyo xoogoow lacag inta siisana kuwa kale ku dirtaa. Taa keliya maaha ee dagaal diimeed qaab daran ayaa ka jira dalka. Dagaal diimeedku kuma koobna oo keliya Al-shabaab laakiin waxaa kasii cawaaqib xun kan aan loo jeedin oo maktabadihiisu ku yaaliin dhulka hoostiisa. Alshabaab dagaalkeedu waa muuqdaa oo waa la wada arkaa laakiin dagaalka ay masiixiyaddu ku hayso Soomaaliya cid ka hadasha amaba kahadli karta ma jirto. Waxay isticmaalaan lacag aad u farabadan iyo weliba ururada gargaarka oo dhan si ay dadka u gaaleeyaan. Runti, Masiixiyaddu diin fidis keliya uma gaalaynaso dadka laakiin waa in la heli karo mustaqbalka dad metela dana gaar ah oo hadii la doono wadanka lagu maamulo iyadoo la siinayo lacag iyo hub xad dhaaf ah. Taas waxay keeni kartaa in dagaalka qabiilku uu noqdo mid diimeed oo dhex mara Shiico iyo Sunni, muslim iyo masiixi, Suufi iyo Sunni. Taas yaanay yaab kula noqon oo dib u eeg taariikhda Libnaan.

Haddba, Marki ay sheekadi halkaas marayso ayaan ku kala dareernay meeshi laakiin aniga dhowr saacadood ayaan ka fikirayey waxyaabihi laga hadlay gaar ahaan marki la yiri ha ku faanin taariikh hore ee xaalka dadkaada iyo dalkaadu waa sidee maantay. Arintu waxay noqotay dhafoorka qabso ee iska aamus. Haddaba Soomaalida ayaa laga doonayaa inay wax ka bedelaan xaalkeena maantay anigoo ka mid ah diyaarna u ah inaan ka qayb qaato.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: