IIBKA CODKA XILDHIBAANADA SAAMAYNTA AY KU YEELATAY XUBNAHA BAARLAMAANKA


Waxaa maalmahan dagaal aan wax laysu reebanin ka socdaa magaalada Muqdisho kaas oo dhex maraya laba nin oo horay loo filayey inay aad asxaab u yihiin dadkuna aad ula dheceen sida ay isu maqlaan isulana shaqeeyaan. Haddaba waad garan kartaa labadan nin oo waa Madaxweyne Xassan Sh. Iyo R/wasaare Saacid. Haddaba khilaaf loo aanaynayo inuu ka dhashay soo magacaabidda wasiirada cusub ayaa wuxuu sababay in nin walba dhiniciisa uu dhaqaajiyo wixii suurogal ah. R/wasaaruhu wuxuu ku jiraa difaac adag iyadoo dhinaca madaxweynahana weerar adag uu kasoo socdo. Haddaba dagaalkan wuxuu galaaftay malaayiin doolar haba u badnaato khasaaradu dhinaca madaxweynehee. Madaxweynaha iyo xulufadiisa oo iyagu ah kuwo aad u awood badan jeebkooduna buuxo ayaa waxyaabaha ay sameeyeen waxaa ka mid ahaa inay iibsadaan codadka xubnaha baarlamaanka si ay ugu codeeyaan in kalsoonidi lagala noqday R/wasaare Saacid. Waxay u muuqataa inay dhinaca madaxweynaha ku badanyihiin dadka xarfaanta ah kuna dheereeya cabsigelinta, waxisdabamarinta, iyo weliba ku hanjabaadidi dil hadii laga maarmi waayo. Tan danbe horay ayaa loogu eedeeyay xulufada madaxweynaha kadib markii Yusur Abraar oo ahayd gudoomiyihii bangiga dhexe loogu hanjabay in la dili doono hadii aanay shaqada ka tegin maadaama ay sidii ay doonayeen ay wax u wedi waysay.

Haddaba waxaa suuqa ku jirta oo barwareedyada internet-ka Soomaalidu leedahay lasoo dhigay warqado laga saxiixayo xildhibaanki lacag qaataba iyadoo weliba loogu hanjabiyo hadaanu fulin dalabka inuu cawaaqib xumo la kulmi doono waa sida hadalka loo dhigaye. Taas keliya maaha ee waxaa jira xildhibaano fara badan oo dalka ka maqan oo la isticmaalay saxiixooda si loogu badasado tirada kuwa diidan r/wasaaraha. Waxaa kale oo aan iyaduna meesha ka marnayn inayba qaar ka mid xildhibaanada oo iibsaday codkooda ay hunguriyeeyeen inay iibsadaan codadka kuwa dalka ka maqan amaba ay wadaagaan manaafacaadka la helo. Sida la sheegay xildhibaanadu markan jeebabka waa buuxsadeen oo sicirka codku waa kacay maadaama labada dhinacba ay iibsanayaan. Waxaase xusid mudan in dhinaca madaxweynaha loo batay maadaama laga bixinayo halkii coda ilaa $15,000. Waxaa laga yaabaa in uu sicirka codku sii kaco oo uu gaaro $50,000. Taa macneheedu waxay tahay in iibsiga codka laba boqol oo xildhibaan uu ku kacayo $3,000,000 waa marka uu ugu rakhiisisanayahaye. Taas keliya maaha ee waxaa iyaguna malaayiin qaadanaya dadka howsha wada oo qaarkood yihiin ku xeeldheerayaal arimaha noocaan ah sida gudoomiyihii hore ee baarlaamaanka Shariif Xassan Sh. Aadan oo la leeyahay wuxuu hunguri ka qabaa in markii howshani hirgasho sidoo kale laga takhaluso Jawaari asgana booskiisa loo dhiibo. Haddaba lacagtani xagee bay ka imaanaysaa?

Sida ay aniga iila muuqato waxay lacagtu ka imaanaysaa saddex ilood: isha koowaad waa lacagta dowladda u taal oo marba sidii la doono loo isticmaalo; Isha labaad waa dad lacag leh oo dano gaar ah wata doonayana inay danohooda si sahlan dowladda uga dhamaystaaan amaba la siiyo qandaraasyo xaaraan ah oo ay ku cunayaan lacagta dalka; tan saddexaad waa dowlado dano kale Soomaaliya oo iyagu taageersan kooxdii ay aaminsanyihiin inay danahooda waadaan.

Iyadoo xaalku sidaa marayo ayaa waxaa damac galay mid ka mid ah xildhibaanada kuna fikiray inuu saaxiibkii oo dalka ka maqan uu iibiyo codkiisa laakiin ilaa xad waaba daacad xildhibaankani. Marka aan leeyahay waa daacad waxaan ula jeedaa ma iibsanin codki asagoo aanan la socodsiin saaxiibkii. Anigoo aan doonayn inaan cidna ceebeeyo ayaan ka leexday magac uu shaksi lahaan karo sidaa darteed waxaan ku magacaabay midkood X, kan kalena Y. Haddaba labada xildhibaan sheekadan ayaa ku dhex martay khadka teleefoonka.

Xildhibaan X ayaa isu diyaariyay inuu waqti hore baxo si uu u waco saaxiibkiis. Xildhibaanada kuwa tunka wayne leh maahee kuwa kale waxay deganyihiin hoteelada magaalada ama guryo ayay shan shan u ijaartaan. Sidoo kale waxaa la sheegay wasiiraduna inay koox koox u deganyihiin marka laga reebo wasiirka madaxtooyada iyo kan arimaha gudaha oo iygu degan guryo waawayn oo leh ilaalo aad u xoog badan. Sidoo kale guryahan waxaa ku wareegsan silig iyo weliba kaamerooyin wixi usoo dhowaada laga arkayo. Haddaba xildhibaanku markuu baxayey ayay saaxiibaddiis ku yiraahdeen xagee baad u kalehee waqtigan? Asagoo jawaab waafi ah aan haynin ayuu yiri inaan teleefoon waco ayaan doonayaa. Banaanka ayuu usoo baxay oo lasoo baxay teleefoonkiisa gacanta wacayna xildhibaanki saaxiibkiisa ahaa. Sheekadi dhex martay sidan ayay u dhacday:

Teleefoonkii ayaa dhacay DIIiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiDDD, DIIIIIIIIIIIIID,DIIIIID

Dhanka kale ayaa hellow ka yeertay.

Xildhibaan X: Hello, Salamu calaykum, war waa kuma.

Xildhibaan Y: Waa anigee, waa kuma.

Xildhibaan X: waa xildhibaan X; ee xaalkaada ka waran.

Xildhibaan Y: Aad ayaan u ladanahay.

Xildhibaan X: Saaxiib waan ogahay inaadan waqti haynin ee arin muhiim ah ayaan kuusoo wacay.

Xildhibaan Y: Ii sheeg haddaba.

Xildhibaan X: Waxaa la kala iibsanayaa codadkii xubnaha baarlamaanka marka anigu kaygii waa iibiyay marka waxaan ku fikiray inaan kaadana iibiyo. Halki cod hadda wxuu joogaa $15,000 iyadoo laga yaabo inuu sii kordho sicirku. Marka waxaan ku fikiray inaan inoo iibiyo oo qaybtaada aan kuu dhigo.

Xildhibaan Y: Saaxiib waad mahadsantahay laakiin anigaaba soo baxaya hadii ay arintu sidaas tahay. Hana baqin xoogowgaaga waan ku siinayaaye. Waxaan la sugayaa intuu sicirku ka kacayo dabadeedna waan iibinayaa. Sidee bay kuula muuqataa hadaad adigu suuq sii gashid oo aad kicisid sicirka.

Xildhibaan X: Sidee baan sidaas ku samayn karaa?

Xildhibaan Y: Waa sahal oo waxaad u tegaysaa qolooyinka bixinaya $15,000 kuna leedahay dhinaca kale waxaa laga dhiibayaa $20,000 sidaas ayaaba laga yaabaa inay iyagu bixiyaan $30,00 amaba ka badan.

Xildhibaan X: (Asago amakaagsan oo la yaaban xariifnimada saaxiibkii ayuu isu sheegay inay sheekadaas macquul thay asaguna uu ku degdegay iibinta codkiisii). Waa runtaa waana aan samaynayaa ee adigu soo dhaqso.

Xildhibaan Y: Anigu diyaaradda ugu soo horeysa ayaan soo qaadanayaa oo waan kula joogaa laba maalin kadib ee adigu sii dadaal xisaabtaaduna waa diyaar.

Xildhibaan X: Waa yahaye soo dhaqso saaxiib allahana kusoo aruuriyo.

Sidaas ayaa laysku macsalaameeyey oo uu xildhibaan X kusoo noqday asagoo ciil fara badan uu ku hayo codka uu rakhiista gaday.

Waxay u muuqataa in dalka Soomaaliya uu iib yahay nin walbana dhinaca uu ka iibin karo uu ku dadaalayo. Xilhdhibaanada oo iyagu ah kuwa loo xilsaaray sharci dejinta, ka hortagga qaladaadka madaxda dowladda, iyo weliba la xisaabtankeeda ayaaba iyagu ah kuwo aan awood lahayn oo ninkii waraabadaba meeshuu doono u jeedin karo. Waxay u muuqataa inay Soomaalidu yihiin dad aad u nasiib daran oo marki ay iftiin yar ayaad u jeedeen isyiraahdaanba uu daboolo mugdi daran oo qalbi jab ku rida. Dowladdan oo dad badani aaminsanaayeen inay tahay dowlad wax tari doonta dadka iyo dalka ayaa hadda u muuqata inay martay jidkii ay mareen kuwi ka horeeyey. Inkastoo aanu aragnay fir fircooni iyo dadaall badan bilihii ugu horeeyey hadana hadda waxay u muuqataa in arintu isugu soo uruurtay nin jeclaysi iyo jeeb buuxsi oo qurah. Ilaaheeyow adigaa Soomaali u maqan ee sidan noo dhaan.

HADAAD AQRIDO SHEEKADAN WAXAAN DOONAYAA INAAN KUU SHEEGO INAANU JIRIN XILDHIBAANKA AAN SHEEGAY BALSE AAN DOONAYO INAAN KU TUSIYO MEESHA AY XAALADU MARAYSO. ARIMAHA KALE EE AAN KOR KUSOO SHEEGAY WAA WAX JIRA OO AY WARBAAHINTU MAALMAHAAN HADAL HAYSAY.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: