Habsanku yuusan kala harin!


Habsanku yuusan kala harin!

December 11, 2013 |

Bashir M. Hersi

Bashir M. Hersi

Sanadkii  tagay ayaan qoray qormo ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” in  kasta oo dadka qaar dhibsadeen erayga “HARAADI” sidii inuu magac  beel noqday oo kale, ama ay tahay in adeegsiga erayga afka looga idin qaato,  waanse loo joojinayne, maanta aan meel kale ka abbaaro waa iska xaal adduun, oo  waa harka labadiise geline.

Ma  istiri wali waxaa la taagan yahay maalintii aan qormadaa qorayey meeshii la  taagnaa? Kama darane, armaa dib loo laabtay? Anisa sidaa ayey ila tahay adiga  mooge, balse, aan u imaado midda jirta iyo jugjug meeshaada joogta jaangoynta  noqotay.

Kooxda  DAMAC-JADIID markii ay Xalane ku soo bexeen ayaa waxaa meel  walba is qabsaday waxaa dhacay ISBADDAL, lagu saleeyey arrimo dhawr ah, oo ay ka  mid yihiin:

  1. Ammaanka  Muqdisho oo ka soo ranayey.
  2. Alshabaab  oo Muqdisho iyo Magaalooyin dhawr ah laga saaray.
  3. Is  doorashadii u horraysay dalka gudihiisa lagu qabtay.
  4. Qaar  ka mid ah Qurba-joogta iyo qaxootiga oo dalka dib ugu soo laabanayey. 
  5. Madaxda  cusub inay ahaayeen mudanayaal aan lagu aqoon qoriga, diinta iyo qabiilka. 
  6. Dib  u dhis iyo maalgashi ka billowday Muqdisho.
  7. Reer  Galbeed oo xarumo shirqool ka samaystay Muqdisho.
  8. In  la xakameeyey saamaynta iyo ka mid noqoshada qabqablayaasha XIL-DHAANNADA ama  XIG-DHIBAANNADA cusub.
  9. Burcadbadeeddii  oo yaraatay.
  10. Ifafaale  xasillooni oo guud ahaan Soomaaliya laga dareemayey.

Qodobbadan  iyo kuwa kale ayaa sabab u ahaa in badan ku kadsoomaan hanqaltaagga galay,  balse, ay ku hungoobeen ugu dambayn, maantana aan guraynnayaan mirihii iska  hubin la’aanta sida marar badan sooyaalka soo maray oo kale.

Horta yaa  yiri ISBADAL baa dhacay? Yaa yiri marxalad  cusub baa la galay? Yaa yiri murankii waa laga  gudbay? Yaa yiri Profyadan ayaa wax tari kara? Yaa yiri  khilaafkii baa dhammaaday? Yaa yiri is  qabqabsigii baa idlaaday? Yaa yiri is  maandhaafkii baa haray? Yaa yiri waxaa la galay  xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u deginta dadka? Yaa yiri  waxaa la gaaraybisayl siyaasadeed? Yaa  yiri AL baa laga xoroobay? Yaa yiri … Yaa yiri… Yaa  yiri….

Inaan weydiimahan dhigo inay dani ii sheegtay ka  sokow, oon hore u dhigay, haddana aanba xaq u leeyahay inaan ku celsho, illeyn  wixii aan ka digayey ayaa dhecee, waxaan is leeyahay durbaankii la  gaaracay Maalinnimadii Talaadada ee 28-ka bsihii Agoosto, ee la  doortay Mudane Jawaari, 10kii bishii Sebtembre, ee la  doortay Mudane Xasan Sheekh iyo 06-dii Oktoobar, ee la  magaacabay Mudane Saacid, daxashii ka dhalatay iyo mirirkii uu maanka u gaystay  kolleey kama goyn kartide, armaad ugu yaraan burush Timo yix ka jilic marisaa,  Suujinadu inaysan qaadmayn ma moogi, balse, waxaan is leeyahay armaysan ka  darayn “Cayri caymo ma diiddee!”.

Ka  kaalay taa yaanan kugu daalin wixii tagaye, illeyn soo noqon maayaane, ee midda  aan maanta joogno aan ku dulgeeyo, oo aan bal iyana dhawr eray ha dhaho sidii  aan horayba uga dhahay, maxaa yeelay “Madax soo taagan iyo Middi saawira  midna laga samree” iyo af qoyan hadal ma daayo. Maanta  waxaan joogaa meeshii aan joognay maalintii nimankan ay xilka qabteen sanad ka  hor, haddii aannaan ka liidan dhan walba marka laga eego.

In  kasta oo ay noo sheegeen been ah in Ku meel gaarkii ma laga baxay,  oo aan laga bixin, balse, uu dhacay kala wareeg, oo kaliya wax ka  baxsan aan lagu tilmaami   karrin. Kala wareeggii wuxuu keenay toban  Wasiir in ay la soo shirtagaan, haba la soo shirtagaane hadday keeni lahaayeen  halyeeyo iyo hawlkarro xaa kaa bi’i lahaa, waxayse la yimaadeen habacsanayaan  iyo maqaneyaal jooga, oo aan waxa dhacaya ka warqabin, iska daa inay ogaadaan  wixii dhacay ama ay sii saadaalin karaan waxa dhici doonee.

Inaan  toban Wasiir oo tiicaya aan meel lagu gaarayn waa la ogaaye, waxaa loo baahday  in xukuumadda la isku shaandheeyo, balse, waxaa ka dhashay in xukuumaddii dhanba  la burburshay, XIG-DHIBAANNADA XALANE, ee laaluushka  iyo musuqmaasuqa ku shaqeeya, ayaa mooshin la maalgalshay xukuumaddii xilka uga  qaadday, oo lagu eedeeyey in ay ku fashishay hawlihii loo xilsaaray, haddana,  isweydiinta baa ah: xukuumadda (Goloaha Wasiirrada oo dhan) miyaa xilka  ka gaabshay mise qaar ka mid ah? Mise waxaa xilka ka gaabshay Mudane Saacid oo  kaliya?.

Weydiintani  waa muhim, maxaa yeelay sida aan wax loo kala reebin ayaa kuu caddaynaya in aan  waxba la is dhaamin, oo dhammaan golaha wasiirrada ku fashilmeen xilkii loo  igmaday, haddaba, saw ma habboona inaan nimankaa ka habsaamay xilkii hore loogu  dhiibay inaan midna ka soo noqon? Saw sax ma ahan inaan hal mudane oo ka mid  ahaa Golaha Xukuumadda uusan mar kale ka mid noqon golaha wasiirrada cusub ee  iman doona? Kaba muhimsane, saw ma habboona inaan la soo magacaabin Mudane  Saacid oo kale, oo lagu suntay “HURDAAYE”?.

Mid  baa muhim ah in la ogaado, oo ah: qolyahan Wadaada dambe ah (WAHAABIYA iyo  ISLAAX) waxay leeyihiin dhaqan ka duwan Wadaada Suufiyada, oo ah, inay u  dhaqmaan sida Sirdoonka ama Reer Galbeedka, oo ku  salaysan qofku inta uu dantooda wado ama ka shaqaynayo kor ayaa loo  qaadqaadayaa, la ammaanayaa, lana sheegsheegayaa, maalintii laga waayo dantii  laga lahaa ama laga gaaraba oo lagu fulshado, waxaa loo tuurayaa sidii cad balaq  ah oo kale, haddaanba dib loo xukumin ama loo qaarijin, marka ma is tiri: Mudane  Saacid waxaa laga waayey dantii laga lahaa markii hore? Waxaa jira war sheegaya  in ay jirto warqad laga saxiixay oo ah inuusana awood badan ku yeelan  magacaabista Wasiirrada, marka aad si fiican ugu fiirsato warkan ee aad ku  dabaqdo Golaha Wasiirrada wax badan ayaa ka run ka noqonaya.

Hadda  waxaa loo madlan yahay magacaabidda Wasiirka Koowaad oo laga sugayo Mudane  Xasan Sheekh, oo sida caadada ah heli doono soo dhawayn  dhiirran iyo mid dhabbacanba, haddana mudanah iman doona  waxaa hortaal hawl aan yarayn, oo ay ugu horreyso dhismaha Golihiisa  Wasiirrada.

Haddaba  aan mar kale ku celsho qodobbadii aan sanad ka hor qoray, oo aan mid ka mid ah  laga hirgalin, walina sidii u taagan, oo aanba qabo in maanta looga baahin badan  yahay shalay, illeyn shalay kali baan ku ahaaye, maantase dadka dhan ayaa wasa  arka inay muhim tahay in wax laga baddalo hannaankii hore wax loo hagayey,  waxayna kala yihiin:

  1. in haraadigu uusan kala harin, waxaan uga jeedaa, inaan xil  loo magacaabin masuul walba oo xil hore uga soo qabtay dawladihii burburka iyo  xukuumaddii Saacid ee xilka looga qaaday inay fashishay, gaar ahaan Golaha  Wasiirrada inaan lagu soo darin Wasiirradii dawladihii hore dalka u soo maray.
  2. In mudanihii Wasiir noqda uusan Baarlamaanka xubin ka sii  ahaan, oo mid ku ekaado Xildibaannimo ama Wasiirnimo,  sidaa waxaan u leeyahay inaysan dhicin inuu laba Mushaar qaato [Laba  canlayn] illeen beesaba looma hayee. Taa sokow, inuusan laba awood oo is  dhexgalaysa isla hayn, dabcan, dunida waa ka jirtaa, oo wax diidaya ma lahan,  balse, dani anaga nooguma jirto, illeen mudane isagu isu  codaynayaa, is dacweyn maayee! Allaha u naxariistee,  Abwaan C/qaadir XersiYamyam” baa shirkii Addis  Ababa ka dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:

“Waagii  mudnaantiyo

Wasiir  magac ku faanaa

Baabuur  madaw iyo

Muraayadaha  xiran jiray

Meelaha  nacfiganale

Loo  kala hor mari jiray

Maareeyana  la noqon jiray

Gudbe  maalmahoodii!”

  1. In la kala qaado xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho,  micnaha in laba qof loo kala magacaabo, maadaama ay xallin karto  gunuunac hoose oo beelaha qaar ku jiraba.
  2. In la baddalo Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo Maraayaha Garoonka Aadan  Cadde, maxaa yeelay xilalkan marka laga soo tago inay xasaasi yihiin,  waa ilaha ugu muhimsan ee dawladda dhaqaale ka soo galo, sidaa awgeed, waa in  loo xulaa rag hufan oo aan ka soo qaybqaadan maamulladii hore ee musuqu  daashaday.
  3. In xilalka laga qaado dhammaad saraakiisha ugu sarraysa ciidaanka iyo  nabad sugidda, Taa baddalkeed, dawladda Xasan Sheeq Taliyaha Nabad  Sugidda Gobolka Banaadir waxay u magacaayday Sargaal  Alshabaab horay uga tirsanaan jiray, oo la yiraa: Maxamed Aadan  Koofi.
  4. In la baddalo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, dabcan ma  sharcibaa mise ma ma ahan? Waa arrin kale, ujeedku waa inaysan kala harin  hoggaankii hore, ee nala haray halkanna na soo gaarsiiyey.
  5. In dalka maamulkiisa aysan la gooni noqon koox gaar ah, maxaa yeelay  hannaanka dawladdu waa Federal, kaba muhimsane awood qaybigu waa  Beelaysi, sidaa awgeed, waa inaan lala gaar noqon maamulka dalka,  oo si toos ah ugu hoos jira MAXMIYAD.

In  la xoojiyo qodobbadan, waxay keenaysaa dhammaystirka hannaanka geeddi socodka  billowday, ilaa laga guranayo mirihii oo dhan, maadaama aan is leeyahay in  maanta ay tahay maalintii la hirgalin lahaa qodob iyo qoraalhawraar iyo hadal, ee aan hoosaasin iyo haasawe midna loo hamuun qabin.

Ugu  dambayn, isu gaynta qodobbadab yaa isugu soo aruuraya “Haraadiga iyo  habsanku yeysan kala harin!” maadaama ay sii xaqiijinayso in aan la kala  reebin kuwii musuqa iyo murrugmaarugta ku mashaqeeyey dalkan iyo  dadkan.

Weydiinta baa ah, caddaanka iyo madawga Xamar  dhex fadhiyaa ma ka gacan maran yihiin wixii dhacay, waxa dhacaya iyo waxa dhici  doonaba? Ha ka yaabin taa, oo haddaa saw ma habboona inay wax ka badalaan habkan  gurracan ee ay wax u maaraynayaan, illeyn iyaga ayaa qayb lixaad ku lehe.

Hadda iyo dan, Saacid socoye, yaad soo waddaan?  Kani galbay ku kale mooyee, tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan  sheego. Anigu lama yaabbani khilaafkan hadda jira, sida uu ku dhammaadana  loo wada jeeday, ee midda aan ka baqayaa ee Wadna kurkurka igu haysaa waa in  2014ka aan mar kale marag iyo goobjoog u noqonno khilaaf hor leh iyo is  casilaad ama isku ku shaandhayn iyo ballaarin xukuumad, taa oo run  ahaantii aniga dareen xooggan igu haysa, sida muuqatana aan laga baaqsan doonin.  Bal adba.

Sanadkii hore markii Golaha Wasiirrada laga dhigay toban ayaan sidan ku Shirbay:

 

“Tiradu  hayska koobantee, Tafaraaruq ma ku tagaa?

Toban  Wasiir la soo tubyee, halkoo Tarriiq ma noo tolaan?

Toban  Wasiir tiro ku koob, Taariikh gashee ma toosismee?.

 

Haddana  waxaan mar kale ku Shirbayaa sidan:

 

Toban walxaatoo Ta’ ku taal, Tacabya talo  seeg ahaa

Anaa talaa tabtii Siyaad, Tacabya talo  seeg ahaa

Kanna iska tuur kana tilmaam, Tacabya talo  seeg ahaa

Ar hayga taaban Tiim-Jadiid, Tacabya talo  seeg ahaa

Faarax turoo tubtiisa yeel, Tacabya talo  seeg ahaa

Guuleed toobiyihiisa qaad, Tacabya talo  seeg ahaa

Fawsiya Taaj qurxoon ku taag, Tacabya talo  seeg ahaa

Tarzan warkiis Tabliiq ku sheeg, Tacabya  talo seeg ahaa

Talo Garaadya toosin diid, Tacabya talo  seeg ahaa

Talo Abwaan tufoo ka bood, Tacabya talo  seeg ahaa.

Tawstii dadweyne iska tuur, Tacabya talo  seeg ahaa.

.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Ilwareed: www.bilediraac.wordpress.com    

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: