KHILAAFKU WAA JOOGTO INTA LAGA HELAYO NIN U DHEGA FUDUD DANAHA KOOX GAAR AH


Waxaa dhowaan la casilay r/wasaare Saacid kadib markii ismaandhaaf ka dhex dhacay asaga iyo madaxweynaha. Haddaba iscasilaada waxaa keenay kadib markii uu Saacid keenay liiska wasiirada cusub madaxweynuhuna taa uu ka biyadiiday. Markii foodda laysla galay ee arintu qar ka dhacday ayaa waxaa soo kala dhex galay gudoomiyaha baarlamaanka oo inti tabartiis ah isku deyay inuu xaliyo arintan balse ma suurto gelin. Sababta xalka loo heli waayay waxay ahayd iyadoo ninkii ishiisu ay hal shay aragto aanu arki Karin wax kale taas oo aan ula jeedo madaxweynaha oo ay ka go’nayd inuu soo celiyo asaxaabtiisa ka tirsan warsiirada baxaya marki dowlad cusub lasoo dhiso. Haddaba waxaa laysla dhex marayey in uu doonayo madaxweynuhu inay afar wasiir oo xukuumaddii hore ka tirsan ay soo noqdaan kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyada, arimaha gudaha iyo amniga qaranka, dibedda iyo gaashaandhigga.

Haddaba dalabkaas madaxweynaha marki uu diiday Saacid ayaa taasi keentay in olole ballaaran ay qaadaan labada dhinac si mid walba uu guusha ugu helo codayn baarlamaanka. Nasiib daro Saacid waa laga adkaaday maadaama dad aad xarfaan u ah ay la safteen dhinaca madaxweynaha. Taa keliya maaha ee kooxda madaxweynuhu waxay isticmaaleen wax walba oo suurto gal ah si ay u meel mariyaan danahooda sida lacag lagu laaluushay xubnaha baarlamaanka, dacaayad, hanjabaad iyo wixi la mid ah.  Taas waxay keentay in Saacid laga diro meesha si loo keeno cid u dhega nugul dalabka isbahaysigan oo wixi ay doonaan sameeya. Taas ma dhici doontaa ayay ahayd su’aalaha dadku isla dhex marayeen. Hadii aad horay ula socotay qoraaladeeni hore waxaa ka mid ahaa “iibka codka xildhibaanada saamaynt ay ku yeelatay xubnaha baarlamaanka.” Maqaalkaas Ayaan ku sheegnay in ninki la keeno iyo madaxweynuhuba is khilaafi doonaan maadaama ay weli jiraan wixi khilaafka keenay oo ah in sidii isbahaysigu doono uu wax u sameeyo qofki shaqadan loo dhiibo ama uu iska tago.

Waxaa dhowaan lasoo magacaabay r/wasaare C/weli Sheekh oo dad badani ku tilmaameen inuu ka tirsanyahay Damul-Jadiid aadna isugu dhowyihiin madaxweynaha. Runti, ninkan cusub ee lasoo magacaabay waa nin aqoon leh taasna ay u raacdo isagoo ku noolaa wadamada reer galbeedka arkayna sida dowladuhu u shaqeeyaan iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la xulo dad aqoon leh daacad ah wadaniyadduna ku wayntahay. Inkasta oo dadka qaar eedayn kala horyimaadeen sida qoraalkii uu soo qoray Weriye C/laahim Maxamed koloombo oo haatan u shaqeeya VOA-da iyo dad kale oo fara badan haddana anigu waxaan qabaa in qofka bini’aadamka ah uu isbedeli karo oo hadii ninkan uu qaladaad hore galay uu ka tooba keeni karo wanaagna samayn karo. Eedaymahan maaha ujeedadeenu oo taa keligeed ayay u baahantahay in gooni looga hadlo. Arintu waxay u muuqataa in sidii loo malaynayey aanay wax u dhicin maadaama C/weli iyo madaxweynaha hadda uu khilaaf soo kala dhex galay.

Khilaafkan cusub ayaa la sheegayaa inuu yahay isla kii keenay in Saacid la casilo. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweynuhu u gudbiyay r/wasaaraha liis ay ku qoranyihiin magacyada wasiiradii uu diiday Saacid inuu kusoo daro xukuumadda cusub. R/wasaare C/weli ayaa ku adkaysanaya inuu soo magacaabo xukuumad aanay ka dhex muuqanayn wasiiradii hore uuna keenayo wejiyo cusub. Tan ayaa keentay inay foodda isla galaan madaxweynaha iyo r/wasaaraha cusub. warar la helayo ayaa sheegaya in khilaafkan uu gaaray heer uu soo dhex galo gudoomiyaha baarlamaanka si uu u xaliyo. Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay maxuu madaxweynuhu ugu dheganyahay wasiiradan?

Runti, waa arin aad loola yaabanyahay arintani maadaama wasaaradaha ay madaxda ka yihiin wasiiradani ay yihiin kuwa ugu wax qabadka xun wasaaradaha dowladda. Ma jecli inaan cid iska eedeeyo marka wxaan bixinayaa dhowr tusaale. Aan ku bilowno wasaaradda arimaha gudaha oo madax ka yahay C/xakiim Guuleed. Wasaaradan waxay ku guulaysan waysay inay amniga wax ka qabato. Waxaa kale oo xusid mudan in wasaaraddan ay qaladaad xagga cadaaladda ah gashay sida dilka dhalinyaro xabsiyada lagala baxay, xarrigga iyo jirdilka dadkii keenay Xassan Daahir Aweys, cadaalad xumida sida nin la dilay oo loo xukmiyay in diyadiisu ay noqoto $120, eedaymo loo soo jeedinayo inay wasaaradda iyo saraakiil ciidamada (maleeshiyo qabiileed) dowladdu ay ku lug lahaayeen dagaal beeleedyaadii ka dhacay shabeelada hoose, iyo weliba dhibka dumarka loo gaysto sida kufsiga oo ay wasaaraddu wax ka qaban waysay inayba sii dhiirigeliso maahee. Arinta kufsiga dumarka waa mid aad u foolxun oo tan ugu daran ay tahay iyadoo la xiro dhibanihii si loogu saantiro dadkii denbiga gaystay taas oo aan aaminsanahay inay qabiil salka ku hayso dadka dhibka loo gaystayna ay yihiin dad taagdaran. Waxaan haynaa intaas wax aad uga badan laakiin meeshan kuma soo koobi karno. Taas keliya maahee waxaa lagu eedeeyay wasaaradda arimaha gudaha inay hal qabiil shaqaale ka yihiin taasna keento ina ymararka qaar u adeegsadaan aarsi ay ku sameeyaan qabaail kale oo xurguf hore ka dhexaysay sida jirdilki lagu sameeyay dadki la socday Xassan Daahir iyo dhalinyaaradii la laayay inta xabsiga lagala soo baxay dabadeedana guryihii eheladooda lasoo hordhigay. Wasiirka arimaha gudaha markii wax laga waydiiyay arinta dhalinyarda waxaa uu sheegay inay baraayaan laakiin meesheedi ayaa lagu daboolay dibna looma soo hadal qaadin. Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyay kufsiga dumarka iyo weliba in la xiro dhibanaha taana baaritaan in lagu samaynayo ayuu sheegay. Waxaa laga joogaa marki dhacdooyinkan dheceen sagaal ilaa toban bilood iskaba daa in tii hore la baaree weli tacadiyadii ayaa socda oo waa tii maalin dhowayd gabar masaakiin ah ay kufsadeen laba weriye sida ay sheegtay la xiray iyadii iyo ninkii soo waraystayba. Taas keliya maaha ee idaacadii uu ka howgeli jiray weriyuhu ayaa ciidamada amnigu weerareen oo xireen iyadoo la leeyahay xurguf ayaa jirtay u dhexaysay idaacadda iyo wasiirka arimaha gudaha kuna saabsan hadal ay ku soo gudbiyeen idaacadda.  Haddana balaan u gudubno wasaaradda gaashaanghigga.

Wasaaradda gaashaandhiggu waxay ku hungowday inayba dhisto ciidan sax ah taas oo ah tan ugu daran oo aan horumar loo samayn Karin xagga amniga ah. Hadaad eegto waxa lagu tilmaamo ciidan waa maleeshiyo qaiileed meel degan oo hub haysata. Hadii aad la socoto aqristo beelaha degan Muqdisho waa islaayeen iyadoo aan la dhaafin midkood. Islaynti kadib waana heshiiyeen mana heshiin oo weli cuqdad ayaa jirta. Taas waxaad ka garan kartaa arimaha aan kor kusoo sheegay. Maxaad u malaynaysaa inay dhici karaan hadii dhaliyaro qaarkood mooryaan ahaa qabiil walba mee loogu uruuriyo ee ay rag jeebwayn ah lacag ku uruursadaan laguna magacaabo ciidan dowladeed? Jawaab inaan ka bixiyo uma baahni taa oo waa taad aragtay wixi ka dhacay shabeelada hoose oo laba beelood oo mid walba sheeganayo inuu yahay ciidanka dowladda ay isku laayeen. Sidoo kale maalma ka hor waxaa degmada Afgooye isku dagaalay laba garab oo la leeyahay waxay ka wada tirsanaayeen ciidanaka dowladda oo runtii ahaa maleeshiyaad laba qabiil kasoo kala jeeda iskuna qabtay cidda isbaarada maamuli lahayd. Taas ayaa keentay inay islaayaan oo dhowr ka dhimato labada dhinacba. Ciidan dowladeed waa ciidan isku dhafan anshax leh, qaata mushaar, xerooyinkooda ku jira, shacabkana aan dhib u gaysanayn. Imisaan maqalnay ciidamada dowladda ayaa wax dhacay, wax dilay amaba dumar kufsaday? Xisaab maleh marka waa ciidan noocee ah ciidankani?  Intaas aan kuu sheegay ayaa ku filan in la yiraahdo wasaaradda gaashaandhiggu waa gudan waysay shaqadeedii. Aan u gudubno wasiirka madaxtooyada.

Sida aad ogtihiinba wasiirka madaxtooyadu waa gacanta midi gee madaxweynaha. Wuxuu ka qayb qaataa go’aan gaaridda, la talinta madaxweynaha, iyo weliba agaasinka howlaha madaxtooyada. Haddaba waxay u muuqataa inuu howlahan oo dhan ay ku dhacday wasaaraddan. Tusaale, talo wanaagsan lama iman oo inta badan arimihii xalka u baahnaa xal hagaagsan lagama gaarin sida Jubbooyinka, isku dhaca r/wasaaraha iyo madaxweynaha, nabadgelyada, musuqmaasuqa hareeyay madaxtooyada, iyo arima kale oo badan. Dadku waxay ku xantaan in wasiirka madaxtooyadu uu yahay ninka haga madaxweynaha go’aanada uu qaadanayo uuna yahay weliba ninka ugu sareeya isbahaysiga. Taa ayaa kuu cadaynaysa inaanay wasaaraddani shaqo wanaagsan qaban maadama talooyinka uu wasiirku siiyo madaxweynaha ay dhamaantood sababeen bur bur iyo dib u dhac k yimaada xukuumadda iyo weliba ra’yigii dadku ka qabeen madaxweynaha oo isbedel ku yimid maadaama aanu si hufan u wajahaynin arimaha soo food saara. Aan u gudubno wasaaradda arimaha dibedda.

Wasaaradda arimaha dibedda runtii wax badan waa ay qabatay laakiin waxaa sida la sheegay hareeyay musuq maasuq lagu eedeeyay xubneheeda ugu sar sareeya. Waxaa la sheegay inay wasaaraddu ku howlantahay ximbaarka dadka doonaya inay Yurub galaan. Arintan waxaa sidoo kale horay loogu eedeeyay madaxtooyada Soomaaliya oo shir ay ka qayb geli rabeen u dalbaday ilaa boqol fiiso lagana diiday marki danbena dalbaday 40 fiiso. Waa yaabe afartan qof maxay u aadee shira qarashakase xagee baa laga keenayaa? Waxaa maalmahan socda eedeymo loo jeedinyao dadka ugu sareeya wasaaradda ariamaha dibedda oo ah inay lunsadeen lacag loogu tala galay mushaarka diblomaasiyiinta Soomalida eek u sugan safaaradaha. Arimahan aan kor kusoo sheegay iyo kuwa kale oo badan ayaa keenay in Saacid uu k adkaysto inaanu kusoo darin wasiiradan. Taa keliya maaha ee waxaa la sheegay inaanayba wasiirada qaarkoo hadal ka maqli jirin Saacid oo ay wixi ay doonaan ay iska samayn jireen iyagoo isu arka inay ka awood badanyihiin asaga. Maxay tahay rejadu?

Runti waa arin adag dib u dhacna u keenaysa xukuumaddan oo aad loogu hanwaynaa. Hadii uu sii socdo isqabqabsigu waxaa ka faaiidaysan doona wadamada deriska ah oo iyagu jecel lugooyada Soomaaliya laakiin hadda la’aa meel ay usoo maraan. Sidoo kale waxaa yaraanaya taageeradi caalamku u hayey dowladdan oo ahayd xag dhaqaale iyo siyaasadeedba. Taas keliya maaha ee waxaa lumaysa kalsoonidii ay shacabku ku qabeen madaxweyne Xassan SH. Maxamuud oo ay u arkayeen nin ka saari doona dhibaatada. Madaxweynaha ayay u taalaa inuu kala doorto afartan wasiir iyo danta guud ee dalka. Hadii ay dhacdo inuu madaxweynuhu ku dhego go’aankan waxaa imaan doonta in la casilo r/wasaaraha cusub amaba uu asigu iscasilo taas oo keeni doonta in nin walba oo yimaada uu ku adkaysan doono bedelaada wasiiradan khilaafkuna sii socon doono ilaa ay ka burburto xukuumaddu lana lumiyo rejadii la lahaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: