Abtigii caruurta uu abtiga u yahay aabohood dilay iyo doqonka ina adeerka la ahaa marxuumka oo ka qayb qaadatay dilka!!!


Bishii Juulaay, 2-deedii, 2015 kuna beegnayd bisha Ramadaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Nabadoon Cabdi Macallin Maxamuud. Nabadoonka waxaa la dilay isagoo taraawiixda ku dukanaya Masaajid ku yaala xaafadda Gubta. Dilka Marxuumka waxaa soo maleegay rag ay dhowr jeer isku khilaafeen arimaha siyaasadda oo iyagu ah koox is biirsatay afduubtayna masiirkii beesha Murusade. Kooxdan ayaa ku qaraabata magaca beesha iyagoo ninkii doonaya inuu jago ka helo dowladda ka qaata lacag laaluush ah iyagoo aan u eegin hadii uu kasoo bixi karo shaqada balse ninba ninka uu ka jeebka waynyahay ka doorbida. Haddaba arimahan oo soo noq noqday ayaa keenay in beesha qaybaheeda kala gedisan ay ku dadaalaan siday wax uga bedeli lahaayeen arimaha noocan ah oo ay u arkayeen inay ceeb ku tahay beesha iyo Soomaalida intaba maadaama dadka dowladda lagu darayo ay yihiin dadkii laga sugayey inay wax ka bedelaan xaalka murugsan ee dalka ka jira.

Beesha Abakar oo ka tirsan Murusade ayaa samaysatay guddi u qaabilsan wixi beesha quseeya. Gudigan ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Cabdi Macallin Maxamuud. Cabdi Macallin oo ahaa nin aanan la ganban runta kana leex leexan waxa uu xaqqa u arko ayaa durbaba waxaa dhacday inay isku dheceen ninka ugaaska Murusade isku sheega oo sida aan ognahay walaalkii oo beeshu dooratay xoog uga qaatay jagada kadib markii laysugu daray caga jugleyn iyo laaluush intaba. Taa mar kale ayaan idiin sharixi doonaa anigoo weliba ku lifaaqi doona macluumaad cadaynaya arintaas. Haddaba dhowr mar markii laaysku dhacay ayaa kii ugu danbeeyay waxa uu ahaa kii ka dhacay shirkii Cadaado oo arintu meel xun gaartay. Cabdi Macallin waa kasoo baxay shirkii oo xamar ayuu yimiday. Ugaaska ninka isku sheega ee magaciisa la yiraahdo Cabdullaahi ugaas Xaashi Faracadde iyo xildhibaan Xassan Macallin Maxamuud iyo rag kale ka shireen sidii looga takahlusi lahaa Cabdi Macallin. Waxay soo adeegsadeen ninka caada qaataha ah oo weligiiba ka masayrsanaa Cabdi Macallin ee lagu magacaabo Iimaan Jimcaale. Iimaan ciilka iyo cuqdada uu u qabey Cabdi Macallin waxay ka dhalatay asagoo mark kasta doonayey inuu noqdo odayga Siccid Abadkar oo ka tirsan beesha Abakar kana sii tirsan Murusade. Nasiib daro Siciid Abakar waxay jagadaas u dhiibteen Cabdi Macallin oo markii danbe ku wareejiyay rad kale oo la isku waafaqay markii Cabdi Macallin loo caleema saaray gudoomiyaha guddiga Abakar. Iimaan oo ciilkii hore qabey ayaa tanna aad uga sii carooday taasna keentay inuu ka qayb qaato maleega makriga lagu dilay Cabdi Macallin. Taas keliya maaha ee Iimaan waxaa Xassan Macallin iyo Cabaullaahi Xaashi Faracadde ka dhaadhiciyen inay asaga si xoog ah uga dhigi doonaan odayga Abakar oo uu shirka Cadaado Abakar u meteli doono sidaasna ku sii haysan doono jagada waa hadii uu ka qayb qaato dilka Cabdi Maallin.

Iimaan waxaa loo soo dhiibay lacag lana yiri shaqada qabo. Iimaan xamar ayuu la soo hadlay dad aanan doonaynin inaan hadda magacyadooda sheego ayuu u idmaday shaqada. Sidaas ayaa lagu dialay nabadoon Cabdi Macallin. Nabadoonka oo weli naftu ku jirto ayaa Iimaan la wacay loona sheegay in la dilay lagana doonayo inuu soo wareejiyo lacagti lagu heshiiyay. Iimaan maalinkaas maalinkii xigay Xamar ayuu yimiday oo lacagtii sidaa ku warejiyay.  Intii lagu mashquulsanaa duugta marxuumka Iimaanna wuxuu ku mashquulsanaa soo gebagebaynta jariimada ballaaran ee uu ka qayb qaatay.  Iimaan waa yara wareeray markii dadkii su’aalaha ka badiyeen maadaama tuhun jiray. Habeenkii dilku dhacay dad la joogay wuxuu u sheegay in ciddii wixi loo sheego maqli waysa sidaas  u danbayn doonto. Mar kale wuxuu yiri Al-shabaab ayaa ka danbeesay. Nasiib daro Al-shabaab waxay si cad u sheegeen inaanay lug ku leheeyn dilka marxuumka. Mar kale Iimaan waxuu sheegay in Cabdi Macallin lacagtii laaluushka ahayd ee uu diiday loo adeegsadady dilkiisa. Laakiin arinta uu ka gaabsaday waxay ahayd in uu asagu lacagtaas qaatay si uu dilka u fuliyo. Aniga oo ka mid ah dadka uu dhalay marxuumka oo haya macluumaad fara badan oo cadeeynaya sida wax u dhaceen dhowr jeer oo horena qormooyin soo gudbiyay ayaa waxaa isoo gaartay in raggan aan kor kusoo sheegay ay ii arkaan dhib kusoo fool leh waa sida ay hadalka u dhigeene ayna tahay in layga takhaluso. Taas darteed ayaan hoos kusoo qoray ra’yigayga iyo sida aan u arko wixi dhacay iyo waxa hadda socda ee ah makriga aniga layla damacsanyahay. Balse waxaan la xiriiray laamaha amaanka ee dalkan oo aan u sheegay hadii aniga wax i gaaraan intaan joogo dalkan ama hadii aan tago Soomaaliya inay raggaasi ka masuul yihiin anigoo u sharaxay inay raggani ka danbeeyeen dilkii aabeheey.

Waxaa iyaduna muhiim ah inaan la wadaago aqristaha in Cabdullaahi Xaashi Faracadde ay ilma adeer yihiin xaaskii uu marxuumku ka dhintay oo uu yahay nin xigaalo ka soko ay marxuumka ahaayeen xidid. Iimaan Jimcaale waa nin ay yihiin qaraabo dhow marxuumka laakiin shilinka ayaa kala waynaaday ina adeerkii keenayna inuu dilkiisa qayb wayn ka qaato. Xildhibaan Xassan Macallin Maxamuud waa nin Abakar ah marxuumkana si wanaagsan isu yaqaaneen. Xassan Macallin waa ninka aas aasay xisbiga daljir mar uu horay u hadlay ayuu sheegay in laga gudbay xilligii qabiilka oo la gaaray xilligii kooxaysiga. Runti, Xassan Macallin waa sameeyay kooxdiisii oo ka koobnayd koox dhiig cabyo ah, laaluush qaatayaal ah, nin alle ninkii ra’yigooda ka hor yimaadana ka takhalusaya. Xassan Macallin waxaa uu lacag aad u fara badan ka sameeyay dowladdii Sh. Shariif oo uu ahaa wasiiru dowlaha arimaha dibedda iyadoo marar badan uu u shaqeeya sida wasiirka arimaha dibedda oo dhaqaale fara badan kasoo uruursaday wadamada khaliijka. Haddaba Xassan Macallin dhowaan wuxuu tegay magaalada London si asaga iyo Badri Xayle Cabdi ay u kala fur furaan Abakarka London oo weday howlo lagu raadinayey sidii dadkii dilay nabadoon Cabdi Macallin loo soo taagi lahaa maxkamad. Runti howshaas waa wadaan ilaa hadda balse la arki doonee meeshi ay ku danbeeyso.

Haddaba Xassan Macallin dib ayaan uga soo deri doonaa laakiin hadalkan yar ee hoos ku qoran waxaan kula hadlayaa Cabdillahi Xaashi Faracadde iyo Iimaan iyo weliba beelwaynta murusade oo aan jeclahay inaan u sheego raggii dilay oday 77 jir ah oo ka xishoon waayey hadaaneey iska qaban in dad kale oo wax tar ah ay galaafan doonaan.  Marka Murusade ayay u taalaa siday ka yeeli lahaayeen arinta iyagoo ama xaqqa la safan doona ama gefka iyo mujrimiinta la safan doona.

Umaddu markay kala irdhowdo ee la kala fogaado
Anfac markii laysu diido ee meel loo eersado la waayo
Abtigaa ugu naxariis badan oo naftiisa kuu hura’e
Adeerku waa arag hadba sidii alle ka dhigo’e
Abtise kaama tago oo wuu ku gu dul dhintaaye
Dadse waxaa u nasiib daran abtigiis ninkuu xumaado’e


Aniguna goob joog ayaan u ahaa arinta noocaas ehe
Aan faaladeeda wax yar idinka siiyee iga dhegaysta
Abti ninay moodeen ilmihii walaaleheey ahaa
Aniguna aan taa ku cizaayey ayaa godob naga galaye


Intuu na xiriirin lahaa abtinimadana qiimayn lahaa
Anafac ayuu dhaafsaday aabehene ila ogaada
Abtirsiimo ninkaad wadaagtaan hadana xididinmo dheertahay
Xaalkiisu waa fogyahay oo waa la xushmeeyaaye


Xeewalka donqonka ahaase aragtidiisu liidaaye
Xundubtiisa wixii gala ayuu u xakaaraaye
Xishoodkana wuu ka tagaa xaabsadaa wuxuu arko
Xaaraan iyo xalaal kalama soocoo wuu xayaayibiyaaye


Xaalkaa ayuu noqday abtiga ninkaan moodeeynay
Xabado ayuu usoo uruursaday inuu dhiigga aabeheen xalaalaysto
Xoogoow jeebka lagu shubo ayaa xididka iyo ehelnimada uga darnaatay
Xamra habeena Salaada asagoo u taaggan ayay aabeheena dileene

Dadna dhiigaada waxaa leh ninkaad ina adeer tihiine
Doqontuse iyadaa laguu soo diraa oo dadka kale kaaga darane
Doqon aan waalalo nahay ayaa doolar loo soo dhiibaye

Dad soo aruuri lagu yiri duqa nooga takhalusa’e
Dirac haduu ahaan lahaa diiiday ayuu oran lahaaye
Dagaalna geli lahaa oo ducafadana iska celin lahaaye
Dadse waxaaa ugu nasiiba daran ninkii doqon walaalkii nqdo’e
Doraad waxaa isoo gaartay inuu dhaar ayaan mari yiriye
Diiday ayaan leeyahay dulucda aad la timidaye
Dadku markuu alle garan ayuu macnaha kutubka yaqaanaaye
Dukaha dafaqsaday dhiigga walaalkiis dhaaar wax lama ahane
Damaca xun ninkuu ku jiro ee sheeydaanka wax la wadaaga
Doolar yar meshii lagu sheegaba marada dhiganaaya
Daah igama saarna inuu dabin u dhigi walaalkiise
Dadkii kula yaabe doqonimada laguugu daaw galaye

Dunida nolol kuuma taal ee adoo nool isxabaal ayaan kugu orane
Dadkuna fartay kugu fiiqaan meel walbood tagtaba
Doqonkii walaalkii dilay bal eega ayay yiraahdaane

Intaase waxaa kaaga daran aakhiro wax iilka kugu sugaaya
Iyo Jahanamada aad ku waari hadii alle ogolaado
Anna inaan dhexdeeda kaa arko ayaa farxad ii noqone

Inaad afka isla gasheen aadna i xamateen isoo gaartay
Aniguse alle cidaan ahayn kama baqo ayaan idin leeyahay
Odaygii hadaad ka xishoon wayseen anigu xageen joogaa
Aafo ayaa alle idinku salidi aadan ka kicina’e
Alle ma dhaafo dulmiga iyo makriga ninka maleegaaya
Ayaamo ayaa laydin sugi waan laydi qabane

Intaas markaan iraahdo umadda aan ka dhashay ayaa mid kale ku dhihi:
Guntaa ogolaata in diraceeda doqontu dabin u dhigtaaye
Doraad Cabdi Macallin hadeey ahayd berina dad kalaa xigiye
Goortaad wax ka qaban weysaan duqa kuwii loogay
Dibindaabyada waa laydinla daba joogi oo doqontu idin taline
Dirac wixii jira ayay dili oo ayan isku damac ahayne
Doolar ayay idin siisan dhmaantiin oo dalkiina dad kale u meerine

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: