MADAXWEYNE XASSAN IYO BAROORDIIQIISII REER KENYA IYO MXAA DHACAY OO BARWAREEDYADU UGA HADLI LA’YIHIIN DUQAYNTA KENYAATIGU KU HAYAAN DADKA REER GEDO!!!


Guhaad: Salamu calykum xaaji Bulxan.

Xaaji Bulxan: w/salaam

Guhaad: War xaaji maxaa ku dhacay barwareedyadii buun buunin jiray wixi yar ee meel ka dhaca. Maxay uga hadli la’yihiin duqaynta Kenya ee Gedo?

Xaaji Bulxan: Wixi jira allaa og laakiin anigu laba si ayaan u fasirtay. Tan hore waa in maantay qabiil walba barwareedkiisa uun uu u hadlo. Taas waxaa tusaale u ah inaan bar wareedyada Jubbaland oo sheegata inay maamusho Gedo aan lagu sheegin. Sidoo kale, bar wareedyada waa loo caga jugleeyaa inta badanna waxay ka howgalaan Nairobi marka hadii war sidayaasha Kenya loo diiday inay ka hadlaan ciidamadii la laayay maxaad u malaynaysaa ciddii ka hadasha Soomaali la laynayo. Tan kale hadiiba uu madaxweynaha ninkii noo ahaa uu Nairobi maydkooda ugu sujuudaayo ma u malaynaysaa in cid dan kale jirto shacabka Soomaalida. Iyaga dhanna waa noocaas uun oo wax isma dhaamaan. Markii ay iyagu ishaystaan waxaad maqlaysaa sawaxan iyo qaylo nin walbana xiniinyo meel uu ka keenay aadan garanayn ayuu la soo baxaa. Nasiib darro markii ay dadka kale u tagaan waxay noqdaan sidii dooli mukulaal arkay madaxoodana hoos ayuu u fooraraa iyagoo ficil ku muujinaya, “Yes, Massa”. Hadde hadiiba aan kuwi dhintay u sujuudayno maxaad ka filaysaa kuwooda nool inay nagu samaynayaan?

 

eld6

Guhaad: Xaaji waxaan dhihi karnaa Soomaali waa ay u dhamaatay allaase jira. Waa kuwaas isku haysta sidii nin walba uu kursiga 2016 ku hanan lahaa dadkoodi oo la laynayana aanan ka hadlaynin.

Xaaji Bulxan: Soomaalinimo mar hore ayay duugeen nimankani markii ay dalkii u kala qayqaybsadeen gobol gobol qaiilaysan oo gumaysigu dusha inooga keenay si hadba ciddii la doono loogu diro cidda kale oo annagu intaan danta guud ee Soomalida aanu ka hadli lahayn aan ku mashquulno qabiil hebel ayaa iga gardaran ee inaan Itoobiya maciin bidaa amaba qabiil hebel anigaa ka mudan inaan wax xukumo. Soomaalidu maantay waxay isku haystaan wax aanan meesha aalin oo ah maamul dowladeed. Nimanka hadda dowladda ismooda waa rag mushaar la siiyo shaqadii la doonana loo dirsan karo markii la doono aananna mayaba aqoon.

Guhaad: Waa sidaad u sheegtay. Waxaa kale oo taa soo raaca in ninkii lagu arko Soomaalinimo ama howl karnimo laga takhaluso amaba laga qaado shaqada loo dhiibay. Waxa la doonayo waxaa weeyaan dad dhegohoodu aanay maqal waxa loo yeeriyo mooyaane, indhohoodu aanay arag waxa la tusiyo mooyaane, dantoodu ay tahay jeebkeeda oo ay buuxsadaan xitaa hadii lagu bahdilayao dullinima kastana qaadanaya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: