BEESHA MURUSADE OO DIGNIIN U DIRTAY WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA (Qoraal+Sawirro+Cadeymo Dheeraad ah)


Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kulan lagu sheegay in lagu dooranayo Suldaanka Murusade ahna Hogaanka dhaqanka ee Jufada Hilibi Maxamed, waxaana wax lala yaabo ah in kulanka ay ka soo qeybgaleen wax ka yar sodon ruux, oo hadana uusan ku jirin hal qof oo ah qof magac ama sumcad ku leh bulshada.

Kulanka Sawiradiisa oo aad qoraalka ka hoose ka daalacan karto ayaa ka turjumaya in ruwaayad la jilay, waxaana la yaableh in dalka laga sugo cadaalad maadama rag odayaal loo ekeysiiyay awoodii dhaqanka oo siyaasada la gelinayo loo adeegsanaayo.

 

.

 

Masuuliyada Cumar Xaaji ku qasbeysa in uu ruwaayadaas jilo ayaa waxaa leh ururka Aala-Sheekh oo wakiilo ay beesha uga yihiin (Xasan Macalin, Dhegdheer iyo Badri Xeyle), waxaana ururku qorsheynayaa in uu jaranjaro ka dhigto sanadka 2016 xildhibaano ururkaas ahna ay beesha ka soo baxaan.

Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Hareeri oo ka tirsan ururka Aala-sheekh ayaa isagoo adeegsanaya awoodo Wasaarada arrimaha Gudaha waxaa uu liiskii Beesha Murusade ka saaray nabadoonadii hore isagoo ku soo daray kuwo odayaal loo ekeysiiyay oo la sheegay in ay badeleen kuwii hore, iyadoona lagu xoojinayo kulamadaan la jilay.

Yaxye ayaa kaarka aqoonsiga nabadoonida siiyay Cumar Xaaji, arintaasi waa mid lala yaabo, waana mid dhaawaceysa sharafka iyo ilaalinta dhaqanka, keeneysana in dad badan wadadaan maraan.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arrimaha gudaha waxaan ka codsaneynaa in ay saxaan arrintaan, sidoo kale Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare waxaan ka codsaneynaa maada si gaar ah arrinkaan u taabanayo loogu gafay Beesha Hilibi ama Habar Maxamed in uu wax ka qabto dulmigaas uu ku kacay Yaxye Cali Hareeri.

Ma ahan in aan diidanahay Cumar Xaaji balse inta 20 qof qado loo sameeyo gurina loo kireeyo in umad dhan aayahooda madax loogu noqdo, waxaan ka dalbanayaa cumar Xaaji in uu ilaaliyo midnimada oo uu hadii uu rabo xilkaas uu beesha weydiisto balse uusan qol isku xirin, sida uu hada sameeynayo, mana jirto cid magaceeda lagu qaraaban karo iyadoo nool.

Xaqiiqda oo dhan Halkaan ayaad ka helee Sawiradaan bal eeg Intaan oo qof Nabadoon dhan oo umad dhan wakiil ka ah ma dooran karaan tira ahaan, inta Beesha u dhalatay waxaan ka codsanaa in dadka Suldaanka duubayo in ay wajiyadooda fiirshaan hadii ay yihiin kadibna arigti ka qaado.

Wabillahi Towfiiq

Xigasho: Dayniile.com

Dadkan waa dad jeebkooda uun ka fikira laakiiin aanan wedin danaha guud ee  Murusade ama mid Soomaaliyeed. Laakiin waxaa ciil ah inaan la haynin rag iska celiya una damqada dadka dhibka ay ku hayaan raggani.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: