La yaabka dhacdooyinka waqtiga!!!


Hooyo Ingiriis oo dhashay canug aad ugu eg aabihiis ayaa dacwad ku socotay muddo laba sano ah kadib markii lagu beeray shahwadii ninkeedi oo mar hore dhintay sida ay sheegeen cideedu. 

Waxaa dhashay William Steven oo miisaankiisu ahaa (2.6 kg) isagoo kasoo hormaray xiliggi dhalmada ee caadiga ahaa muddo saddex usbuuc ah dhashayna afar sano kadib markii aabihiis dhintay.

Waxay qireen awoowihiis iyo ayeeyadiis markii cusbitaalka laga saarayey hooyada iyo dhalaankeed inuu si xad dhaaf ah ugu egyahay wiilkaasi aabihiis.

Waxaan idiin sheegayaa in dhakhaatiirta gaar ahaan kuwa ku takhasusay arimahan ay leeyihiin in ninku uu muddo laba boqol oo sano ah uu ku kaydsan karo manidiisa bangi taas oo laba boqol oo sano kadib lagu beeri karo qof dumar ah. Taas macneheedu waa inuu canugu la dhasho caruurtii uu awoowe sadexaad ama afaraad u noqon lahaa. Cajaaib badanaa!!!

Inkastoo aan ixtiraam wayn u hayo dhakhaatiirta hadana ixtiraamka aan u hayo kuwa sameeya qaliinka isqurxinta waa uu ka hooseeya ixtiraamka aan u hayo kuwa kale. Waxay isku deyayaan inay bedelaan abuuridda ilaahay iyadoo aanay jirin sabab muhiim ah oo loo bedelo.

Waan u cudur daarayaa kuwa ay haysato arin ku qasbeeysa inay is qalaan si ay isu qurxiyaan sida naag sankeedu dhirirka ka batay hadana soo gotay, mid uu wayninka ka batay oo uu wejiga bar daboolayo, ama qof dhaawac ka gaaray jirka qayb ka mid ah una baahan in qalniin lagu sameeyo si ay u gudan karto waajibaadkeeda maalmeed.

Tusaale si aan idiin siiyo waxaan idiin soo bandhigayaa naag u dhalatay dalka maraykanka oo asal ahaan kasoo jeeda Bariga Aasia ama Shiinaha ama Jabaan oo qalniino is qurxin ah oo aad u fara badan k samaysay indheheeda, wejigeeda, iyo afkeedaba iyadoo boqolkiiba boqol isbedel layaab leh isku sameeysay. Naagtan waxaa u tartantay boqoradda quruxda ee dalka Maraykanka oo ay ka gashay martabadda sadexaad. Intaas kadib waxaa ka helay nin maalqabeen ah oo guursaday. Hase yeeshee markii ay uur qaaday oo ay dhashay laba mataano (wiil iyo gabar) ah oo aan u ekeeyn ama iyada ama ninkeeda balse 100% u eg abtiyaasha iyo habaryaryaasha ilmaha ee xagga hooyada. Ninkii oo arintaa qaada la’ ayaa naagti ku eedeeyay inay zinaysatay oo aanu asagu dhalin ilmaha. Maxkamad ayaa lasyla tegay oo xukmisay in ilmaha iyo waalidkaba DNA laga qaado oo la baaro. Waxaana xaqiiq noqotay in ay caruuta ay iska dhaleen haweenayda iyo ninka qabey oo diidanaa inuu dhalay ilmaha.

Ninki taajirka ahaa oo qaadan la’ arintan ayaa ku adkeestay inuu iska furo naagtan asagoo ku eedaynaya inay khiyaantay oo aanay u sheegin inay qaliin isku sameeysay. Naagti oo arintan u aragta in lagu xad gudbay sharafteeda ayaa qabsatay garyaqaano kuwaas oo dacwadeeda maxkamadda u gudbiyay kuna guulaystay inay usoo dhiciyaan bar wixii uu lacag lahaa ninka taajirka ah oo lacagtiisu gaaraysay $300 millyan oo doolarka Maraykanka ah.

Waa markii ugu horeeysay oo arko qaliinada isqurxinta oo keyr keenay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: