PUNTLAND WAA AY KU SAXANTAHAY INAY DIIDO CIIDAMADA AFRIKAANKA!!!


Waxaa maalmahaan socda olole la doonayo in Puntland lagu geeyo ciidamada Afrikaanka ah ee isku magacaaba AMISOM. Haddaba Su’aasha qof walba inay isweeydiiso ay tahay marka laga hadlayo arintan waa: Puntland maxay ka faaiidaysaa genta ciidamada Afrikaanka ah maxaase khasaare kasoo gaaraya?

Runti wax aan khasaare ahayn kama helayso Puntland hadii la geeyo ciidamada Afrikaanka ah. Waxyaabaha ugu daran waxaa ka mid ah iyadoo Puntland ay kusoo badan doonaan Al-shabaab oo mar marsimo ka dhigan doonay inay la dagaalamayaan ciidamadan. Waxaa kale oo iyana aad muhiim u ah in habacsanaan ku imaan doonto amniga Puntland maadaama isku halayn ay dhici karto. Taa kaliya maaha ee waxaa meesha ka baxaya tayaynta ciidamada Puntland oo hadii ciidama Afrikaan ah la keeno lasyku deyi doono in la luggooyo oo hor istaag lagu sameeyo inay ciidamada Puntland lasii kordhiyo iyo weliba in laga yareeyo tababarada iyo qalbaynta si loo hubiyo inay Puntland ku tiirsanaato ciidamada Afrikaanka ah sida hadda ka taagan maamul gobaleedyada kale iyo weliba caasimadda dalka. Arintan danbe ee aan soo sheegay waxay qayb ka tahay hamiga wadamada Afrikaanka ah ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo doonaya inay Soomaaliya u ahaato mashruuc ay lacag ku helaan mar walba taasna ay keenayso inay ka shaqeeyaan inaan la helin ciidan xooggan oo ay Soomaalidu yeelato. Sidoo kale waxaa taa aad ugu ololeeya wadamada deriska ah oo iyagu doonaya inay Soomaaliya weligeed qas ku jirto si ay uga gaaraan danahooda ku salaysan isbalaarsiga iyo weliba cabsida ay ka qabaan hadii Soomaali xoog leh timaado in laga yaabo in lagula xisaabtamo dhulka ay Soomaalida ka haystaan. Intaa keliya maah ee waxaa dhumaysa madaxbanaanida yar ee ay Puntland haysato oo aanay heeysan qeeybaha kale ee koofurta Soomaaliya.

Markii ay ciidamada Afrikaanku ka howl galaan Puntland waxaa meesha ka bixi doonta in ay Puntland sida ay hadda ugu dhiiran karto inay tiraahdo maya wixi aanay ka helin sidii ay dhowaan uga hortimid 4.5 in wax lagu qaybsado. Joogitaanka ciidamada Afrikaanka oo haysta qalab milateri oo ka awood badan kan Soomalida ciidankeedu haysto waxay meesha ka saaraysaa madax banaanidii dalka iyo madaxda Soomaalida sida haatanba ka taagan qaybaha kale ee dalka. Waxaa kale oo muhiim ah in dhibaatada ijtimaaci ee ka imaan karta ciidamadan Afrikaanka ah laga fiirsado sida kufsashada dumarka, cudurada halista ah ee ay wadaan sida HIV-ga, iyo weliba dhaqanno hadii Soomaalidu barato dib u dhac wayn ku ridi kara sida khamriga oo caadi u ah ciidamadan inay u cabbaan sida shaahiga oo kale.

Isku soo gunaanadoo Puntland uma baahna in la geeyo ciidamo Afrikaan ah sababaha aan kor kusoo sheegay aawgood iyo weliba Puntland oo iyadu iskaga filan inay iska celiso wixii weerar kusoo qaada sida haddaba ay sameeysay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: