CIID WACAN OO WANAAGSAN!!!


Waxaa wax lagu farxo ah in aan sanadkan ku dhamaysanay caafimaad iyo barwaaqo inteena halkan soo gashay ee aqrisatay qoraalkaygan gaaban ee aan ku soo dhowaynayo ciida Al-adxa oo ah mid ka mid ah labada ciidood ee dunida Islaamka laga ciido. Ciidda kale waa ciidul-fitriga oo ah dhamaadka bisha Ramadaan. Runti waa maalmo farxadoodu badantahay kana duwan maalmaha kale marka loo eego waxyaabaha aanu samayno hadii aan Muslimiin nahay.

Maalmahaan hadii aad joogto Soomaalia waxaad dareemaysaa kor u kac ku yimaada iibka badeecooyinka gaar ahaan dharka, cuntada, caruurtu waxyaabaha ay ku ciyaaraan, iyo weliba socodka gaadiidka. Dadka leh ganacsiga bilo ka hor ayay bilaabaan inay hubiyaan inay keenaan dharka ciidda, kuw leh dukaamada raashinka lagu gado waxa ay soo dhoobaan bariiska, xalwada iyo waxyaabo kale oo aad loo isticmaalo xilliga ciidda. Kawaanlaydu waxay sidoo kale hubiyaan iay hayaan hilib nooc walba hadii loo baahdo. Mujtamaca Soomaalida oo ah dad aad u qederiya qaraabada iyo ehelka ayaa aad isu soo booqda maalmahan taas oo sare u qaada socodka gaadiidka daabula dadweynaha.

Runti, waa wax wanaagsan in lagu ciido dalkii annagoo dhamaanteena rejaynayna in maalin maalmaha ka mid ah aan dib uga noqono qurbaha oo aan la ciidno dadkeena Soomaaliyeed kuna wada ciidno dalkeena. Dalku maaha wax la xisaabin karo qiimihiisa laakiin ninkii og un baa og. Dhulku waa nolosha dhabta ah ee inoo saamaxda inaan ku noolaano sharaf iyo karaamo iyadoo aadan ka baqayn in lagu yiraahdo erayadan, “Soo galooti, shaqdeeni ayuu qaadanayaa, iyo mararka qaar inooga bax dalkeena.” Waxaaba taa kasii daran meelaha qaar oo ay ka dhacaan dhacdooyin naxdin leh oo lagu dhibaateeyo muwaadiniinta Soomaallida sida South Africa, Liibiya, iyo wadama kale.

Qofka Soomaaliga ah ee damiirka leh markii uu arko dhibaatooyinka lagu hayo dadkiisa waxaa la gudboon inuu ku dadaalo sidii Soomaaliya ay nabad waarta ku heli lahayd. Haddaba ciidda waxaa haboonaan lahayd in farxadda aanu raacino murugo iyo is xasuusin xaalka guud ee dalka iyo sidee baa wax looga qaban karaa. Sidoo kale inaan u ducayno dalkeena iyo dadkeen oo aan alle ka barino inuu mixnadda ka saaro niyadda Soomaalidana isu soo dumo oo ka dhigo kuw gacmaha is qabsada oo wax wada qabsada.

Waxaan aaminsanahay in hadii aan dhamaanteen gelino maal iyo muruq inti awoodeena ah sidii Soomaaliya aan wax uga qaban lahayn inaan wax wayn ka bedeli karno xaaladda jirta. Taa ayaa horseedi karta in qaarkeen qurbaha ku gaboobay ay usoo noqdaan dalka kana qayb qaataan sidii loo horumarin lahaa dhan walba.

Haddaba yaanan kugu daalin hadal ee bal aan yara jaleecno heesihii ay Soomaalidu ku ciidi jirtay xiliyadii bersamaadka qaar ka mid ah.

Waxaan idin leeyahay ku ciida caafimaad, barwaaqo iyo bash bash iyo weliba alle ka cabsi joogto ah.

 

 

 

Haddaba ciid wanaagsan dhamaantiin sanadka kiisa kale allah nagu gaarsiiyo barwaaqo iyo bash bash.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: