Nin walba risaaqadiisa alle meel geli!!!


Beri ayaa waxaan maqli jiray, “Nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban.” Waxaan ogaaday markaad sii noolaato waqti dheerba inaad waxyaabo badan oo kaa yaabiya aad arkaysid. Beri dhoweyd ayaa dad aan is garanayno oo aan wada shaqayno innagoo wada joogna ayaa nin dhalin yaro ah fikrad soo jeediyay iyadoo laga niqaashayo sida ugu haboon ee macquulka ah ee lacag lagu samayn karo. Nin ayaa soo jeediyay fikrad aan aad ula yaabay markaa balse ahayd mid runti hadii ay suuro gasho malaayiin laga samayn karo.

Waxaaba aad iiga sii yaabiyay ninkan meesha uu wax ka eegay. Waxa uu yiri, ” bal ka warama hadii aan furano mashruuc ama warshad yar ee soo saarta kabaha eeyaha loo geliyo.” Anigoo aad u yaaban laakiin hadana aad ula dhacsan fikirka ninkan ayaan sheegay inuu mashruucaasi mid mira dhal ah noqonayo hadiiba la hergeliyo. Runti waan aaminsanaa waxa aan iri maadaamaa aan ogahay in dalkan eeyuhu ay dadka ka badanyihiin amaba isla egyihiin. Waxaa meesha ka muuqda suuq wayn oo ganacsigiisu furanyahay. Waxa durba soo booday mid kale oo sheegay in arinta uu ninku ka dhawaajiyay ay tahay mid looga hormaray ooo eeyaha kabohooda mar hore rag sameeyeen kana ganacsadaan.

Haddaba anigoo aad ula yaaban arintan ayaa beri anigoo saydaliyada ama farmashiye iibinaya aan islaani timiday oo tiri daawa aan dalbaday ayaan doonayey ee iisoo qabo. magicii ayaan waydiiyay oo waxy igu tiri, “Yaanyuur ina heblo hebel.” anigoo amakaagsan ayaan ku iri magaca iigu celi. Waa iigu celisayoo waa yaanyuur ama bisad ina heblo hebel. Daawadi ayaan usoo qabtay oo aan siiyay balse markii daawadi arkay iyo sida loo qaadanayo ayaan gartay in waxa laga hadlayo aanay bini aadam ahayne ay yihiin mukulaal ama bisad. Hadde markii aan sii shaqeeyayna fajicii iyo yaabkii waa tageenba maxaa yeelay mukulaal sheekadu kuma ekaane waxaan arkay eey, doofaar, bulac, iyo shinbir daawo loo raadinayo oo magacyo loo sameeyay. Taas waxaase iiga sii darnayd markii meel deris ii ah laga furay dukaanka eeyaha u gaarka ah.

Dukaankan waxaa lagu iibiyaa raashinka, dharka, kabaha, iyo weliba qalabka ay eeyuhu ku ciyaaraan. Markaan xaafadayda soo gelayo waa soo ag maraayoo mar walba waa mashquul oo waa la dhoobanyahay. Markaan eegaba waxaan iraahdaa, “Wallee ilaahay ninba quudkiisa meel geli.” Waxaase intaa iiga sii amakaag badnayd markaan arkay in dukaankan uu leeyahay qayb loogu qabeeyo eeyaha. Qaybtan waa laba qaybood oo kala ah in laguugu qabeeyo eeyga iyo inaad adigu u qabaysid laakiin aad isticmaasho agabka loogu tala galay in loogu qabeeyo eeyaha. Markaad adigu u qabayso waa rakhiis marka loo eego markii shaqada oo dhan laguu qabto oo eeyga loo qabeeyo.

Anigoo waxan oo dhan aad ula yaaban ayaan is waydiiyay waxa dadkan ku kalifay inay eey ka door bidaan caruur inay dhalaan. Waana sidaasoo inta eey caruur u yahay dhulkan wax quman kama yar inta caruur qabta. Waxaan ogaaday in eeyga ay dadkan ku helaan xuquuqda ay qofku caruurta ku hesho sida inay ku xareeystaan canshuurta sidii caruurtii. Runti waxa qarash eeyga ku baxa sanadkii wax quman kama yar waxa canugga caadiga ah ku baxa. Waxaa hubaal ah waxa hal eey ku baxa sanadii dalka inay si wanaagsa ugu filanyihiin qoys dhan oo Afrikaan ah. Haddaba eeyuhu waxay la qiimo yihiin amaba ka qiimo badanyihiin dadka. Waxaa laga yaabaa marka eey wax la yeelo in meel kasta laga kaco laakiin mrki qof wax la yeelo aan waxba layska saarin iyadoo hadana ku xiran qofka wax la yeelay waa noocee.

Waxaa kale oo xusid mudan in sanad walba eeyuhu ay sababaan dhimashada ama dhaawaca dad fara badan. Sanadkii 2015 waxaa dhacay 34 weerar oo eeyo geeysteen oo dadkii weerarkaas lagu qaaday dhinteen: 14 waxay ahaayeen caruur, 20 waxay ahaayeen dad waawayn. Gobolka tirada ugu badan ka dhacday wuxuu ahaa Texas oo ay keligeed ku dhinteen 5 qofood.

Sanadkii 2014 waxaa dhacay 42 weerary oo ay eeyuhu ku qaadeen dadka: 19 waxay ahaayeen caruur, hal wuxuu ahaa dhowr iyo toban jir, 22 waxay ahaayeen dad waawayn. Gobolka Texa ayaa ahaa meesha ugu dhimashad badneeyd oo waxaa ku dhintay 7 qofood. Tirakoobka ilaa tobankii sano ee lasoo dhaafay waa la hayaa laakiin labadan sano ayaan kusoo gaabinaya taas oo inoogu filan inaan fahamno dhibka eeyuhu geeystaan hadii ay ahaan lahayd dhaqaale fara badan oo ku baxa ama inay dhimasho u horseedaan dad badan kadib markii ay weeraraan.

Waxaa iyaduna xusid mudan in laga hadlo suuqa eeyaha lagu kala iibsado oo ah mid aad u wayn oo lacag fara badan laga sameeyo. Sidoo kale eeyuhu waxay leeyihiin dad tababar siiya, dad sii haya inta qofka iska leh ay shaqada jirto iyo weliba dhakhtar u khaas ah oo loo geeyo markii uu xanuunsado am la doonayo in booqashada sanad laha ah la geeyo si loo baaro caafimaadkiisa guud. Dad ayaa jira ay baday eeyaha wehel la’aan.

Waxaa dhab ah in in badan oo dadkan ka mid ah ay eeyga u heeystaan iyagoo wehel ka dhiganaya maadaama aanay caruur qabin ama caruurtoodi ay koreen oo ka tageen.

Haddaba adigu sidee baad u aragtaa eeyga mise kula tahay inay dadkani dhib raadis yihiin iyagoo raadinaya farxad.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: