• KALENDARKA

    Oktoobar 2022
    Ta Ar Kh Ju Sa Ax Is
     123
    45678910
    11121314151617
    18192021222324
    25262728293031
  • DOORO FARMAAJO 2016 SI AAN HORUUGU SOCONO

    DOORO FARMAAJO 2016 SI AAN HORAY UGU SOCONO!!!

  • RAIO MOGADISHU

    راديوا مقديشو

    راديوا مقديشو

  • Amoud university: JAAMACADDA CAMUUD

  • ALJAZEERA-ENGLISH

  • ألجزيرة ألبث ألحي

  • جريدةألأهرام

  • AMINARTS

  • SOMALIA: BIRTH OF A NATION

  • LIMIT TO SUBMISSION

  • Enter your email address to subscribe to this blog and receive notifications of new posts by email.

    Join 85 other subscribers
  • Top Posts

  • Blog Stats

    • 122,311 hits
  • Hordhac-kooban

  • Top Clicks

    • Midna
  • MAQAALADI HORE

  • Faallooyinkii u Dambeeyey

    Saadaashaydii ayaa r… ee FARIINTAYDA KU SOCOTA REER…
    Ahmed Galaydh ee U ISTAAG SOMALIA MPLS MN
    yassin saleh osman ee KA TASHADA CADAAWOHOO ISKU TII…
    ahmed mohamed imaan ee KA TASHADA CADAAWOHOO ISKU TII…
    Wadani dhab ee HANUUNKA QOF WALBA SABAB AYUU…

HOOYADII CARUURTEEDA MASAYR DARTII U DISHAY!!!


Sheekadan waa sheeko run ah oo dhacday. Sheekadu waxay ka dhacday magaalada Bagdaad ee dalkaasi Ciraaq. Waa sheeka runti caqliga qofka caadiga aanu aqbali karin oo aan macquul la naqonayn.

Waxaa is qabey nin iyo naag reer ciraaq ah oo muddo toban sano ka badan wada noolaa. Nasiib uma yeelan inay caruur isu dhalaan. Baaritaano ay sameeyeen waxay ku ogaadaan inay ciladdu ka jirto xagga xaaska. laakiiin ninka oo aad u jeclaa xaaskiisa waa ku adkaystay inuu xaaskiisa sii qabo oo aanu caruur raadinin naag kalena aanu la guursanin.

Nasiib wanaag xaaskiisa ayaa ahayd qof aad u iimaan badan. Iyadoo xaaladda jirtay qadarinaysa ayay kula talisay ninkeeda inuu xaas kale guursado si ay caruur ugu dhasho hadii ilaahay siinaayo.


Intaas kuma aynan siman ee waxay u raadisay qof ay isleedahay waa qof wanaagsan ayna saaxiibo dhow ahaayeen. Waxay u guurisay saaxiibteed. Muddo bila yar gudohood ah uur ayay yeelatay. Ninki iyo xaaskii horeba aad ayay ugu farxeen arintan. Sidoo kale waxaa iyana ku faraxday xaaskii danbe. Waxaa la gaaray xiligii foosha. Waxaa ay dhashay wiil. Xaaskii hore waxba kama hagran oo aad ayay u dhaqaalaysay intii ay umusha ahayd iyo kadibba iyadoo weliba ka caawin jirtay haysmada canugga yar ee dhallanka ah. Labada xaas waa ay isku wanaagsanaayeen maadaama ay horayna saaxiibo u ahaayeen.

Sanadkii xigay hadana uur ayay qaaday oo waxay dhashay gabar. Niki, xaaskiisii hore iyo tii danbeba aad aya ugu faraxsanaayeen.

Waxaa dhacday in xaaska hore uu aad ugu naxariis badnayd caruurta. Labada xaas hal guri ayay wada deganaayeen. Tan yar waxay deganayd dabaqa kore tan hore (xaaska wayn) waxay deganayd dabaqa hoose. Caruurta ayaa aad u jeclayd islaanta wayn oo mar kasta cunto u diyaari jirtay.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay caruurtii waxay hooyadood u sheegeen inay aadayaan eedadood aabohood qabo. Hooyadoodna waa u ogolaatay. Waxay usoodegeen dabaqa hoose oo eedood deganayd. Caruurta waxay siisay maraq kadibna waa ay seexdeen.

Casir liiqii ayay isku dayday inay ka kiciso caruurtii laakiin waa kici diideen. Mar kale ayay hadana isku dayday inay kiciso laakiin dhaqdhaqaaq male labadii caruurba. Islaantii markaas ayay qaylo afka labadiisa isku dartay oo deriskii oo dhan isu soo baxay. Caruurtii isla markiiba cusbitaalka ayaa loola cararay. Aabohood oo shaqa ku maqnaana waa loo sheegay oo yimid isbitaalkana wax ka geeyay.

Dhakhaatiirtii markay baaritaanka sameeyeen waxay u cadeeyeen aabihii caruurta inay labaduba dhinteen iyagoo uga tacsiyeeyay. Aabihii waa qaadan waayay oo aad ayuu u murugooday maadaama ay waqti dheer ku qaadatay inuu ilaahay caruurtan siiyay. Si kastaba ha ahaatee waxaa soo galay arintii laanta denbi baarista oo u gudbisay labadii caruur maydkoodii dhakhtarka baara denbiyada. Dhakhtarkii denbi baaristu wuxuu soo cadeeyay in caruurta la sumeeyay. Laanta denbi baarista ayaa waxay isla markiiba gacanta kusoo dhigtay xaaskii hore ee caruurtu ay gurigeeda hurdayeen markii ay naf waayeen. Waxaa lagu bilaabay su’aalo waydiin sida tan u dhacday:

Denbi baare: Caruurtu goormee ayay kuu yimaadeen?

Xaaskii hre: Waxay ii yimaadeen in yar xilligii qadada kadib.

Denbi baare: Wax raashin ah miyaad siisay?

Xaaskii hore: Markay ii yimaadeen waxay ii sheegeen in hooyadood qado soo siisay. Laakiin aniguna cunta aan markasta u samayn jiray oo ay jeclaayeen ayaa siiyay. Waxay jeclaayeen maraqa lagu sameeyo baamiyaha kaas ayaanna siiyay.

Denbi baare: Maxaad waqtiba inooga dhumnaysaa maad iska qiratid. Maadaama adigu aadan ilmo dhalin waxaad ka masayrtay islaanta caruurta dhasha sidaa darteedna waad u dishay caruurta.

Xaaskii hore: Inta ilmaysay ayay tiri, wallaahi anigu ma dillin caruurta.

Waxaa iyadana la waydiiyay xaaskii caruurta dhashay oo iyaduna baroor ku jirtay. Waxay sheegtay inay aad uga kurbaysantahay caruurteeda dhimaty ayna ka shakisantahay inay xaaska lala qabo ka danbaysay arintaan maadaama xaasidnimo iyo xiqdi u haysay iyada kana xumayd inay caruur ay iyadu ninkeeda u dhali waysay ay xaaskan danbe dhashay.

Waxaa denbi baarista soo gaaray natiijadii baaritaanka dhakhtarka denbi baaraha ah taas oo sheegtay in caruurta sunta loogu daray hilib cad (Hilibka cad waxaa ka mid ah hilibka himbirah sid digaagga). Waxaa dig loogu noqday xaaskii waynaa oo la waydiiya inay si tifatiran u sharaxdo waxa caruurtu kusoo qadeeyeen intaanay iyada u imaan iyo waxa ay iyadu siisay.

Waxay tiri, “Waxay caruurtu ii sheegeen in hooyadoo qado ahaan u siisay raashin uu la socdo hilib digaag.” Iyadoo sii wadata ayay ku dartay, “Aniguna waxaan siiyay maraq baamiya aan ka sameeyay oo ah cuntada ay aadka u jecleyihiin.”

Intaa markay dhacday ayaa denbi baarihii dalbday in loo keeno xaaskii yaraa si uu su’aalo u waydiiyo. Dabadeed waa la keenay oo oohin isla tuurtay.

Denbibaarihii ayaa u sheegay inay iyadu caruurtii ay dhashay ay ogaadeen inay iyadu dishay. Oohintii inta kasii dartay ayay tiri sidee bay hooyo caruurteeda u dili kartaa?

Denbi baarihii ayaa si degan ugu sheegay incuurteeda ay iyadu sumaysay intaanay caruurtu aadin guriga eedadood. Waxaad sun ugu durtay hilib digaag.

Xaaskii yarayd markaas ayay ogaatry in meel loo ciirsdaa aanay jirin oo talo faraha ka baxday dabaeedna tiri waa run oo waa sidaas.

Denbi baarihii ayaa waydiiyay waxa ku kalifay inay sidaas samayso.

Xaaskii yaraa ayaa sheegtay inay aad uga carootay ugana maseeyrtay xaaska wayn maadaama ay caruurteedu iyada ka jecelyihiin hooyadood. Waxay ku sii dartay inay go’aansatay inay caruurta ka takhalusto denbigana u saariso xaaska wayn taas oo keenays inay xabsi dheer gasho ama dil lagu xukumo iyada iyo ninkeeduna sidaa isugu haraan. Markaan caruurta iyo iyada iskala takhaluso ayaan aniga iyo ninkaygu isu hari lahay oo aan sidaana caruur kale ku dhali lahaa.

Waxaa arintii loo sheegay xaaskii waynaa. Waxay sheegtay inay hadii ay usheegi lahayd waxa ay dareensantahay ay xitaa ninka uga tegil lahayd caruurtana iyadu korin lahay

Hooyadii caruurta dhashay waxaa loo diray dhakhtarka dhimirka si looga baaro cudurada dhimirka. Dabadeed maxkamad ayaa loo diray oo lagu xukumay shan sano.

Sheekadu intaas ayay ku dhamatay.

Ogaysiis: hadii aad xiisaysaan sheekooyinka noocan ah tacliiq ka bixiya kuu aadan dareenkiina sheekada ilana socodsiiya si aan kuwo kale idinkugu soo gudbiyo.

Faallo u dhaaf

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.